Coronavirus: Dadka Beijing ku soo laabanaya oo la karantiilayo 14-maalmood

Xigashada Sawirka, Reuters
Beijing ayaa waxa ay amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda uu is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab, arrintan oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.
Dadka deegaanka ayaa waxaa loo sheegay "inay is karantiilaan ama ay tagaan xarumo dadka lagu karantiilo" marka ay dib ugu soo laabtaan caasimadda Shiinaha fasaxa kaddib.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Masar xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah ee lagu arko qaaradda Afrika.
In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi, kaas oo ka soo bilowday magaalada Wuhan.
Ogaysiiska ayaa waxaa Jimcihii soo saaray kooxda ka hortagta caabuqaasi ee Beijing xilli dadka magaaladaas ay dib uga soo laabanayaan fasaxii sanadka cusub ee Lunar kaas oo ay ku soo qaateen qeybaha kale ee waddanka Shiinaha.
Fasaxa ayaa la dheereeyay sanadkan si gacan looga gaysto in lagu xakameeyo cudurka.
In ka badan 20 milyan oo qof ayaa waxa ay ku nool yihiin magaalada Beijing.
Golaha Qaran ee Caafimaadka Shiinaha ayaa Sabtidii waxa uu sheegay in 143 qof ay dhinteen, taas oo tirada dhimashada ka dhigtay 1,523. Afar qof ma ogiyee dhammaan dadkaasi waxa ay ku dhinteen gobolka uu cudurku halakeeyay ee Hubei.
2,641 oo qof oo cusub ayaa la xaqiijiyay in caabuqu uu ku dhacay taas oo tirada dadka cudurkaasi qaba ka dhigaysa 66,492.
Goobaha ka baxsan dhulwaynaha Shiinahana waxaa la soo tabiyay 500 oo kiis oo lagu arkay 24 dal, saddex qof ayaa goobahaasi ku dhintay: mid Hong Kong ayuu ku dhintay, midna Philippines kan kalana Japan.

Xigashada Sawirka, AFP
Howlgal ay hogaaminayso Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku wajahan Shiinaha ayaa waxa uu baaritaankiisa bilaabi doonaa todobaadkan, howlgalkaas oo diiradda lagu saari doono sida caabuqan - loo yaqaan Covid 19 - uu u faafayo iyo sida uu halista u yahay, waxaa sidaasi sheegay Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Howlgalka oo ay ku jiraan khubaro caalami ah, sidoo kale waxa ay eegi donaan sida iyo xilliga in ka badan 1,700 oo howlwadeen caafimaad u qaadeen cudurka.
Kooxda ayaa waxa ay ka kooban tahay 12 xubnood oo caalami ah iyo 12 kale oo Shiinees ah.
"Waxaa si gaar ah loo eegi doonaa in la fahmo qaabka uu cudurkan u faafo, heerka uu cudurku gaarsiisan yahay iyo saameynta tallaabooyinka loogaga jawaabayo caabuqa," ayuu sheegay Dr Mike Ryan, agaasimaha xaaladaha degdega ah ee WHO.
Afrika oo lagu arkay kiiskii ugu horreeyay
Wasaaradda Caafimaadka ee Masar ayaa Jimcihii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ee lagu arko gudaha qaaradda Afrika.
Wasaaraddi waxa ay qofka cudurka qaba ku tilmaantay ajnabi hasayeeshee ma aysan shaacin dalka uu u dhashay.
Waxa ay wasaaraddu sheegtay inay wargelisay WHO bukaankana lagu karantiilay isbitaal.
Khubarada ayaa goor sii horraysay ka digay in ay waqti qaadan doonto inta laga xaqiijin doono kiiska ugu horreeya ee Afrika marka la fiiriyo xiriirka dhaw ee ay qaaraddu la leedahay waddanka Shiinaha.
Howlwadeenno caafimaadka Shiinaha ka shaqeeya oo cudurka u dhintay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha Shiineeska ayaa sheegay in lix ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ay dhinteen.
Zeng Yixin, wasiir ku xigeenka Golaha Qaran ee Caafimaadka Shiinaha, ayaa sheegay in 1,102 oo shaqaale caafimaad ah oo ku sugan Wuhan uu cudurka ku dhacay halka 400 oo kale ay ku sugan yihiin gobolka Hubei.
"Howlaha hor yaal shaqaalaha caafimaadka dhab ahaantii aad ayey u weyn yihiin; xaaladda shaqo iyo nasiino aad ayey u xaddidan tahay, cadaadis weyn ayaa saaran, halista ah inay caabuqa qaadaanna aad ayey u sarraysaa," Mr Zeng ayaa sidaas sheegay, sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xigashada Sawirka, Reuters










