Muxuu yahay Muranka ku saabsan sidii uu ku billowday dagaalkii labaad ee adduunka?

Molotov oo saxiixaya heshiiskii Soofiyeedka iyo Naasiyiinta magaalada Moscow, 23 August 1939

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Molotov oo saxiixaya heshiiskii Soofiyeedka iyo Naasiyiinta magaalada Moscow, 23 August 1939

Waxaa sii xoogeysanaya muranka u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka midowga Yurub ee ku saabsan waxyaabihii dhaliyay dagaalkii labad ee aduunka, islamarkana sargaal sare oo Ruush ah ayaa eedeeyay safiirka Mareykanka u fadhiya Poland.

Afhayeenka baarlamaanka Vyacheslav Volodin ayaa sheeggay in qoraal ay soo dhigtay barta Tweetar-ka danjire Georgette Mosbacher ay ahayd mid"lagu aflagaadeynayo" Ruushka iyo Mareykanka.

Isniintii ayay qoraakeeda Tweeta-rka ku tiri"Mr Putin, waxaa dagaalkii labaad ee aduunka ka wada shaqeeyay bilaabashadiisa Hitler iyo Stalin ."

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa sheegay in Poland iyo saaxibadeeda ay ka been sheegayaan taariikhda.

19 bishii December,ayuu madaxwaynaha Ruushka sheegay "in wax aan la aqbali karin ay tahay islamarkana aysan sax ahayn "in eedeeyn isku mid ah dusha loo saaro hogaamiyihiin Naaasiga Adolf Hitler iyo hogaamiyihihii Midowgii Soofiyeet Joseph Stalin taasi oo ku saabsan bilaabashadii dagaalkaasi.

Mr Putin ayaa sheegay in goobta taariikhihii Soofiyeedka lagu keydiyo uu ka dalbaday dikumiintiyo si uu maqaal uga qoro mowduucan ah soo galitaankii Naasiyiintii Jarmalka ay soo galeen Poland 1 September 1939 .

Waxaa uu Putin ku dooday in dalalka reer galbeedka iyo Poland ay ku faraxsanaayeen gardaradii uu ku qabsaday Czechoslovakia sanadkii 1938.

Weerarkii ay Naasiyiintii Jarmalka ku qaadeen Poland ayaa yimid toddobaad uun ka dib markii wasiirkii arrimaha dibadda ee Hitler, ee lagu magacaabi jiray Joachim von Ribbentrop iyo dhigiisii Soofiyeedka Vyacheslav Molotov ay kala saxiixdeen heshiis ahaa in aan wax dagaal ah la isku soo qaadin.

Heshiiskaasi oo dad badan ka yaabiyay waxaa la saxiixay 23 bishii August 1939.

Qodob qarsoodi ahaa oo heshiiskaasi ka mid ah ayaa lagu kala gooyay bariga Yurub taasi oo labada hogaamiye ee kaligood taliska ahaa u ogolaaday inay qabsadaan Poland.

Ciidamadii Jarmalka ayaa qabsaday Poland 1 September 1939

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamadii Jarmalka ayaa qabsaday Poland 1 September 1939

Ms Mosbacher ayaa qoraalkeeda Tweetar-waxay dib ugu milicsatay in Poland ay dhibane u ahayd labadaasi kali taliye.

Balse Mr Volodin, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Mr Putin, ayaa sheegay in wasaaraada arrimaha dibadda ee Mareykanka looga baahan yahay inay xaqiijiso in safiirka sida Ms Mosbacher ay aqoon buuxda u leedahay taariikhda dalkaasi ka hor inta aan loo soo dirin.

Mr Putin ayaa dib boorka uga jafay astaamihii Soofiyeedka waxaana imika lagu arkayaa Ruushka taalooyiinkii Stalin oo ahaa hogaamiyihii Soofiyeedka.

Sanadkan 2020, ayaa waxaa la xusayaa 75 guuradii ka soo wareegtay markii la jabiyay Naasiyiintii Jarmalka.

In ka badan 20 milyan oo ahaa muwaadiniintii Soofiyeedka ayaa ku dhintay dagaalkaasi oo ay Ruushka ugu yeeraan "dagaalkii waynaa ee wadaniyadda" ka dib markii ay Naasiyiinta soo galeen sanaddii 1941.

Mr Putin aabihii ayaa waxaa uu ka mid ahaa laantii sirdoonkii ee NKVD, waxa uuna dhaawac culus ka soo gaaray dagaalkaasi 1942.

Madaxwayne Putin ayaa ku doodaya in Stalin uu isku dayay in uu kaashaanbuur ka dhan ah Hitler la sameysto Britain, Fransiiska iyo Poland, balse heshiiskii Munich 1938 - iyo qabsashadii Czechoslovakia -uu qorshahaasi ku burburay islamarkana Stalin uu ku qasbanaaday in uu heshiis la gaaro Hitler, ka dib markii uu dareemay in reer galbeedka ay khayaneen.

Hasa yeeshee taariikhyahanada reer Galbeedka ayaa dhankooda farta ku fiiqay in heshiiskii dhexmaray Soofiyeedka iyo Naasiyiinta ay keentay in uusan Hitler ka baqin in dagaal uga yimaado dhanka Soofiyeedka islmarkana uu weeraray Poland.

Murankan siduu ku bilaabmay?

Isniintii, 30 December: iyada oo ay jirtay qoraalka tweetarka ee safiirka Mareykanka, ayaa hadana danjiraha Jarmalka ee Poland - Rolf Nikel - waxa uu sii kiciyay xiisadda ka dib markii uu soo qoray "heshiiskii Molotov-Ribbentrop ayaa sababay diyaarintii weerarkii dambiilanimada ahaa ee ay Naasiyiinta ku galeen Poland, Soofiyeedka iyo Jarmlka ayaa ka qayb galay weerka arxan darada ahaa ee Poland."

29 December: Rai'sul wasaaraha Poland Mateusz Morawiecki ayaa soo saaray bayaan isaga oo ku eedeeyay Mr Putin uu isticmaalayo dagaalkii labaad ee aduunka si uu u qariyo guul darooyiinka Ruushka ee heer caalami sida cunaqabataynta ciyaaraha ee lagu soo rogay ".

27 December: wasiirka arrimaha dibadda ee Poland ayaa u yeeray safiirka Ruushka si uu cabasho ugu gudbiyo, isaga oo dib u xusuusiyay in dagaalka ay Poland uga dhinteen 6 milyan oo qof.