Sulawesi art: Sawirka noole 44,000 oo sano ka hor ahaa oo la helay

Xigashada Sawirka, Maxime Aubert / PA WIRE
Farshaxan lagu sawiray derbiga dhismo dhulka hoostiisa ah oo Indonesia laga helay waxaa suuragal ah in la sameeyay 44,000 oo sano ka hor.
Sawirka waxaa ka muuqdo Lo'ginsi ay ugaarsanayaan wax u eg xayawaano iyo aadane aad moodo in ay xargo iyo warmo ku qabanayaan.
Baarayaasha soo helay sawirkan qaarkood waxay la tahay in tan ay noqon karto sheekada ugu da'da weyn adduunka ee la diiwaan galiyay.
Seynisyahano ka socdo Jaamacadda Griffith ee dalka Australia ayaa natiijada baaritaankooda ku soo bandhigay joornaalka lagu magacaabo the Nature.
Adam Brumm oo ah taariikhyahan ku xeel dheer cilmiga waxyaabaha qadiimiga ah, kana dhiga jaamacadda Griffith - ayaa markii ugu horraysay arkay sawirada laba sano ka hor, ka dib markii saaxiibkii oo ka mid ahaa dadka ku nool dalka Indonesia uu jaray geed meesha ku yaallay si ay u gaaraan marinka godka.
Sawirka laga helay Indonesia ma ahan kan ugu da'da weyn adduunka.
Sannadkii la soo dhaafay, syynisyahano ayaa sheegay in ay arkeen "sawirkii ugu da'da weynaa ee aadanaha uu sameeyay" oo laga helay dhagax yaala Koonfur Afrika, kaas oo ku taariikhaysan in uu ahaa 73,000 oo sano ka hor.
Maxay sawirradan muujinayaan?
Sawirradan waxaa laga helay God lagu magacaabo Leang Bulu'Sipong 4, oo ah koonfurta Sulawesi, waa jasiirad ku taala Indonesia gaar ahaan bariga Borneo.
Nooca Lo'da laga helay godka waxaa loo yaqaana Anoa, halka laga helayna waa Sulawesi.
Marka aad si wanaagsan u eegto sawirka dhinacyada waxaa ka muuqda waxyaabo yar yar oo u eg bina aadam, balse sidoo kalena waxaa uu leeyahay wax u muuqda astaamo xayawaan.
"Waligey ma arkin wax sidan oo kale ah," ayuu yiri Mr Brumm oo intaa ku daray: "Waxaan ula jeedaa, waxaan ku aragnay boqolaal goobood oo farshaxanka dhagaxa ah ee gobolkaan - laakiin waligeey maana arkin wax u eg goobtaan.
Si kastaba ha noqotee, cilmi-baarayaal kale ayaa su'aalo ka keenay bal in kooxdaan ay matali karaan cilmi baarayaasha oo dhan, waxayna sheegeen in ay noqon karaan sawirradan kuwo taxane ah oo la rinjiyeeyay waqti hore.
Paul Pettitt, oo ah aqoonyahan wax ka dhiga jaamacadda Durham ayaa su'aal galiyay halka laga helay sawirkan
Sideen ku ogaan karnaa in ay tahay 44,000 sano ka hor?

Xigashada Sawirka, Maxime Aubert / PA Wire
Kooxda Cilmi-baarayaasha ah ayaa baaray waxa uu ka sameeysanyahay rinjiga sawirka laga sameyay.
Yuraaniyoomka dareeraha ah ayaa darbiga lagu socodsiiyay, kooxdu khubarada ahna waxay cabireen heerarka kala-soocidda iyo kaladuwanansha walxahaan
Waxaa jiro ugu yaraan 242 godad ama hoy leh sawirro qadiimi ah oo ku yaalla Sulawesi kaliya, waxaana jiro goobo cusub oo laga helo halkaas sannad walba.
Sideen u barbar dhignaa sawirro kale oo hore?
Waxaa laga yaabaa in uusan ahayn sawirkii ugu da'da weynaa, balse cilmi-baarayaashu waxay leeyihiin waxay noqon kartaa sheekada ugu da'da weyn abid ee la arko.
"Markii hore, farshaxanimada dhagaxa ah ee laga helay wadamada Yurub, kuwaas oo jiray qiyaastii 14,000 ilaa 21,000 sano ayaa loo qaddarin jiray inay yihiin farshaxannada ugu caansan adduunka ee ugu cadcad," waxaa sidaa lagu yiri qoraal uu qoray Joornaalka the Nature.
Sawirrada Sulawesi, sidoo kale waxa ay noqon karaan farshaxanka xayawaankii ugu da'da weyn abid la arko.
Sannadkii la soo dhaafay, rinjiyeynta godka ku yaal Borneo oo loo maleynayay in uu yahay kan ugu cimriga dheer ayaa la ogaaday in uu ahaa 40,000 sano ka hor .

Xigashada Sawirka, A. Brumm/A.A.Okatvaia/R.Sardi/C.C.Lee











