Wariye Soomaali ah: 'Waxaan ahaa gabadha kaliya ee wariye ka ah magaaladeyda'

Maryan Seylac waa gabar wariye ah oo u dhalatay Soomaaliya. Waxay kamid ahayd haweenkii ugu horreeyay ee wariyeyaasha ka noqday magaaladeeda, Baydhabo, waxayna sameysay Hayad dhiirrigalin iyo taageerid u sameysa haweeneka suxufiyiinta ah ee dalka.

Waxay sheekadeeda la wadaagtay BBC-da, iyadoo ka warrameysa caqabadaha ay dumarku ku wajahaan mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan ee wariye lagu noqdo, iyo waliba sida loogu dili rabay weerar ay fuliyeen xoogagga kooxda Al-Shabaab.

Waligeyba waxaan jeclaa inaan wariye noqdo. Anigoo aad u da' yar ayaan aabahay la dhageysan jiray laanta Afsoomaaliga ee BBC-da waxaana kala sheekeysan jiray wararka la sheegay - Sidaas ayaan kusoo billaabay xiisaha aan u qabo siyaasadda.

Soomaaliya waxaa ka jira arrimo badan oo siyaasadeed, waxaana sidaasadda darteed ugu dagaallamay kooxo kala duwan tan iyo markii la riday xukuumaddii milatariga sanadkii 1991-kii, xilligaas oo aan anigu ahaa qiyaastii 4 jir. Wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-kii, xaaladdi way soo hagaageysay marba marka ka dambeysa, laakiin Soomaaliya wali waa meel ay khatar tahay in wariye lagu ahaado, gaar ahaan marka aad tahay haweeney.

Markii aan Iskuulka dhiganayay, mar walba waxaan ahaa qof cod dheer, ardaydana waxaan u khudbeyn jiray marka ay fasalka ku sugayaan cashirrada.

Marka aad Soomaaliya joogtid, waalidiintaada waligaa kuma weydiinayaan waxa aad dooneysid inaad mustaqbalka noqotid, sababtoo ah marba haddii aad tahay haweeney, booskaagu waa guriga, inaad cuntada karisid iyo inaad wax nadiifisid. Balse anigu mar horeba waxaan ogaa inaan u baahanahay xirfad, ayna noqon doono wariyenimo.

'Anigoo aamusan ayaan iska dhex fadhin jiray xarunta idaacadda gudaheeda'

Aabahay wuxuu ahaan macallin, mar walbana wuxuu rabi jiray in qof ka mid ah qoyska uu howshaas kala wareego. Maadaama ay walaalaheyga iga waaweyn macallimiin noqon waayeen, wuxuu u maleyn jiray inaan anigu ahay qofka macallinka noqon doono - waana noqday, ilaa in muddo ah. Markii aan ka baxay dugsiga sare muddo hal sano ah ayaan macallin ka ahaa Iskuul ku yaalla magaaladeyda Baydhabo. Balse taasi ma ahayn shaqadii aan jeclaa inaan qabto.

Gabar saaxiibaddey ah ninkeeda ayaa ka shaqeyn jiray Idaacad maxalli ah, anigana waxaan weydiiyay inuu igu caawin karo sidii aan xoogaa khibrad ah uga qadan lahaa meeshaas, xilliyada maqribkii ah. Inta badan warbaahinta Soomaaliya waa kuwo si gaar ah loo leeyahay, waxayna dhib badan kala kulmaan sidii ay wararkooda isugu dheellitiri lahaayeen, laakiin raadiyaha, oo ah isha ugu weyn ee wararka laga helo, taasi aad bay muhiim ugu tahay.

Maadaama aan ahaa gabadha kaliya ee Idaacaddaas ku sugan, anigoo aamusan ayaan iska dhex fadhin jiray xarunta Idaacadda gudaheeda, ka dibna waxay ii billaabeen tababar. Waxaan ka caawin jiray inaan martida usoo dhaweeyo iyo inaan wararka u akhriyo.

Ugu dambeyn, waan ka tagay macallinnimadii waxaana si toos ah uga shaqeyn jiray Idaacadda. Qoyskeyga kuma faraxsaneyn arrintaas. Aabahay wuxuu ka walwalsanaa inaanan guul ka gaari doonin shaqadaas, wuxuuna u maleynayay inaan ka caajisi doono ka dibna ay shaqo la'aan igu dhici doonto.

Waxaan ku iri; "Kuma faraxsani inaan macallimad ahaado. shaqadan waa tii aan waligeyba jeclaa inaan qabto".

Wakhti dheer ayaa kasoo wareegay, laakiin markii ay arkeen sida aan shaqadeyda ugu faraxsanahay, qoyskeyga way aqbaleen go'aankeyga.

Bulshadeyda ayaase isoo dhaweyn weysay. Hoos ayey ii fiirinayeen waxayna igu liidayeen xirfaddeyda. Anigana taas waxay i dareensiisay sidii inaan ahay qof waddada khaldan ku socda. Dhaqan ahaan, Soomaaliya dumarka waxaa laga fishaa inay xaas noqdaan oo ay seygooda guriga u joogaan.

Nasiib wanaag, waxaa i guursaday wariye ila mid ah oo fahansan xirfaddeyda. Waan igaa inay caqabad igu noqon doonto haddaan guursado qof caadi ah, oo iga raba inaan guriga u joogo.

Nin ilaalinaya haweeney wariye ah

Waxaan lasoo shaqeeyay idaacado dhowr ah oo ku kala yaalla magaalooyinka Baydhabo, Muqdisho iyo Boosaaso, kuwaasoo aan xarunta gudaheeda u joogi jiray, laakiin mar kasta waxaan jeclaa inaan noqdo wariyaha bannaanka kasoo tabiya wararka.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa ii suurtagashay in bannaanka la ii diro. Waxaa jiray qarax ka dhacay magaalada, inaan goobtaas war kasoo diyaariyo ayaana la ii xil saaray. Sidaas ayaan ku billaabay xirfaddeyda ku saabsan soo tabinta wararka bannaanka.

Markii aan ka shaqo billaabay xirfaddan ay ragga ku badan yihiin, waxaan ahaa haweeneyda kaliya ee wariye ka ah magaaladeyda. Waxaan dareemay in tiro badni la igu daboolay - raggu waxay ii eegi jireen si ka duwan sida ay u arkaan wariyeyaasha kale, hadalkeyga ma aysan daneyn jirin, taasina waxay saameyn ku yeelatay kalsoonideyda. Waxaan dareemay kalinimo. Run ahaantii, waxaan ku dhawaaday inaan ka quusto shaqada.

Laakiin taas baddalkeeda, waxaan go'aansaday inaan wax sameeyo. waxaan u baahneyn inaan helno gabdho kale oo wariyeyaal ah. Sheekooyin badan oo ku saabsan haweenka lama soo tabin jirin. Sanadkii 2006-dii waxaan aasaasay ururka Wariyeyaasha Dumarka ah ee Soomaaliya, oo magaciisa afka qalaad loo soo gaabiyo(SOMWA), waxaana billaabay inaan shaqaaleysiiyo gabdho suxufiyiin ah oo kale. Markii aan howshaas billownay, waxaa kordhay tirada haweenka wariyeyaasha ah ee magaaladeyda, waxayna halkii ah 5 kaliya ka ahaayeen sare ugu kaceen 20.

Ururkeenna wuxuu sidoo kale u doodi jiray xuquuqda haweenka, sida in aan kasoo horjeedsanno Gudniinka iyo sinnaan la'aanta ragga iyo dumarka.

Waa hab aan ku xaqiijineyno in codkeenna la maqli karo, oo wax aan baddali karno.

Fikirkii laga qabay dumarka ku jira warbaahinta Soomaalida wuu isbaddalayaa, laakiin wali waxaa jira caqabado: Aniga waa la ii hanjabay; al-Shabaab ayaa ii sheegtay inay xiri doonto xafiiskeyga.

Haweenka suxufiyiinta ah looma oggola inay xilalka maamulka qabtaan.

Waxaan aqaannaa haweeney magaceeda baddashay si aysan waalidiinteeda u ogaanin inay Idaacad ka shaqeyso. Markii ay waalidkeeda ogaadeen howsheeda, waxay isku dayeen inay ka celiyaan, laakiin way ka diidday inay shaqadeeda iska dhaafto. Si xal loo helo, waalidkeeda waxay wehel uga dhigeen nin ina-adeerkeed ah, kaasoo u raaci jiray meel kasta oo ay war kasoo tabineyso. Aniga arrintaas waan rumeysan waayay.

Gudaha Soomaaliya, wariyeyaasha ragga ah iyo kuwa dumarka ah labaduba way wajahaan dhibaatada iyo hantadaadda. Qarkood waxaa loo dilay xirfaddooda awgeed, intooda badanna waxaa dilay al-Shabaab, dadka wariyeyaasha ku dila Soomaaliya badankoodna looma ciqaabo falalkaas.

Bishii July, haweeney wariye Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Hodan Nalayeh ayaa la dilay. Wariye ahaa, howlgalkeedu wuxuu ahaa inay muujiso dhinaca fiican ee dalkeeda - Quruxdiisa iyo quruxda dadkiisa. Waxay ahayd qof cajiib ah, laakiin si lama filaan ah ayaan ku weynay.

Waxan ayaa ka dhaca Soomaaliya. Dhammaanteen waa nala bartilmaameedsadaa.

'Aniga waxaan ka badbaaday qarax ismiidaamin ah'

Waxaa jiray mar aan ku dhawaaday in la i dilo. Waxay ahayd bishii September ee sanadkii 2006-dii, waxaana toos u tabinayay khudbad uu madaxweynaha ka jeedinayay baarlamaanka. Balse markii ay khudbaddii dhammaatay, kolonyadii madaxweynahana ay ku laabanayeen hoygooda, waxaa dhacay qarax bambo oo lama filaan ah.

Waxaan eegay hareeraheyga, dadkii oo dhanna waxay wada jiifeen dhulka. Anigana wali toos ayaan hawada idaacadda ugu jiray, wariyihii warka akhrinayayna wuxuu i weydiinayay waxa uu ahaa dhawaaqa weyn. Markaas ma aanan ogeyn waxa dhacay inuu ahaa qarax ismiidaamin ah.

Bannaanka ayaan u cararay si aan xogta u helo waxaana igu hareereysnaa gawaari gubaneysa. Kadib ciidamada hubeysan ayaa rasaas igu soo furay. Waan qeyliyay waxaana dib ugu laabtay dhismaha baarlamaanka, anigoo jirkeyga ka baaraha inuu wax dhiig ah iga socdo.

Qoyskeyga aad bay iiga walwalsanaayeen - Ma aysan ka warqabin inaan dhintay ama aan noolahay. Nasiib wanaag waxba ima gaarin, laakiin maalintaas xusuus lama illoobaan ah ayey igu reebtay. Haddii aan dhawaaq dheer maqlaba maalintaas ayaan dib usoo xasuustaa, sida inaan halkaas joogo oo kale.

Iyadoo waxaan oo dhan ay jiraan, haddana waxaan go'aansaday inaan howsheyda sii wado. axaan ku khasbanaa inaan noqdo qof ay ku daydaan jiilka soo koraya. addii aan niyad jabi lahaa, oo aan iska joojin lahaa shaqada, waan hubaa inaysan jirin lahayn tirada dumarka ah ee aan hadda ku heysanno saxaafadda. axaasoo dhan nafteyda uma sameyneynin, waxaan u sameynayay dadka kale.

Xaaladdu way usii fiicnaaneysaa gabdhaha suxufiyiinta ah ee dalka, balse wali waxaa jira waxyaabo badan oo loo baahan yahay in la sameeyo. Waxaan doonayaa kuwo kale oo badan inay kusoo biiraan saxaafadda, waxaana doonayaa inay qeyb ka noqdaan xilalka maamulka. Waxaan doonayaa in hayadaha warbaahinta inay afar meelood hal meel shaqaalahooda ka dhigaan gabdho. Waxaan rabaa in codadkooda la maqlo. Waxaan rabaa inay iyagu noqdaan dadka go'aannada gaara.

Waxaan dhihi lahaa gabdhaha da'da yar ee ku fikiraya inay wariyeyaasha noqdaan, warbaahinta ayaa idiin baahan. Haka cabsannina, ha dareemina inay kartidiinnu yar tahay, ha dareemina inay tahay shaqo aydaan qaban karin. Sababtoo ah waad qaban kartaan.