Diyaarad maku soo iibsaneysaa kun doolar?

Mas'uuliyiinta maamulka garoommada diyaaradaha ee dalka Kenya (KAA) ayaa beecinaya 12 diyaaradood oo ay iska dayaceen dadkii lahaa.

Saraakiisha KAA ayaa sheegay in diyaaradahan ay ku leeyihiin lacago badan oo kirada goobta ay yaalleen ah, iyagoo sidoo kalena ciriiri ku haya garoonka diyaaradaha ee Wilson, oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Joseph Okumu, oo ah agaasimaha garoonka Wilson u qaabilsan maamulka gobolka ayaa sheegay in go'aankan ay qaateen ka dib markii ay culeys badan ku keeneen diyaaradahaas.

"Suuqa ayaan iska keennay maadaama ay naga xannibeen dhul ballaaran oo ka mid ah garoonka Wilson", ayuu yiri Okumu.

Midda ugu raqiisan diyaaradahan ayaa lagu bixinayay lacag dhan $1,000 oo u dhiganta £800 oo gini, halka tan ugu qaalisan qiimaheeda lagu sheegay lacag xoogaa ka badan $10,000 una dhiganta £8,000 oo gini.

Hase ahaatee arrinta la isweydiinayo ayaa ah in diyaaradahan ay markale hawada ku duuli karaan iyo inkale.

Waxay u badan tahay in dhammaantood ay yihiin diyaarado cilladeysan oo aan duuli karin.

Balse dad ayaa durba billaabay inay iibsadaan, ujeeddada ay ka leeyihiin ayaana aad u xiiso badan.

Dadkaas mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaa Zameer Varjee, wuxuuna sheegay inuu iibsaday diyaaraddii ugu weyneyd.

"Waxaan gatay diyaaradda uu nooceedu yahay DH7, oo ah tan ugu weyn diyaaradaha la beeciyay, waxaana doonayaa inaan ka dhigto guri aan shakhsi ahaan u leeyahay. Waxa igu dhiirrigaliyay inaan iibsado dabcan waa inaan doonayo inaan ka dhigo meel lagu noolaan karo", ayuu yiri Varjee.

Nin kale oo tartan adag u galay inuu mid ka iibsado diyaaradahan ayaa sheegay in isaguna uu ka leeyahay ujeeddo dhinaca waxbarashada ah.

"Waxaan halkan u imid inaan iibsado diyaaeadaha la beecinayo mid kamid ah, waayo waxaan doonayaa inaan tababar ku siiyo arday duuliyenimada baranaya. Loollan xoog leh ayaa ka jiray iibsashada, inkastoo anigu aan ku guuleystay ", waxaa sidaas yiri Julius Rotich.

7 kamid ah diyaaradaha ayaa ilaa hadda la iibiyay.

Qiimaha diyaaradaha ayaa la ogyahay inuu caadi ahaan aad u sarreeyo, laakiin tallaabadan ay qadday dowladda Kenya ayaa soo jiidatay indhaha dad badan oo jecel inay mar uun gacanta ku dhigaan diyaarad.