Madaxweynihii 'hadalka gabay' oo xilka ka dagaya

Mr Bouteflika waa 82 jir aad u xanuunsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mr Bouteflika waa 82 jir aad u xanuunsan

Madaxweynaha dalka Algeria Cabdicasiis Botafliqa ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu xilka madaxweynenimada ka degi doono 28-ka bishan April sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

Ninkan oo 82 jir ah ayaa aad u xanuunsan, wuxuuna dalkan soo xukumayay muddo 20 sanno ah, isaga oo sannadkan dad badan ka yaabiyay markii uu ku dhowaaqay in uu markii shannaad xilka madaxweynenimada u taaganyahay, taas markii ay mudaaharaadyo ka dhasheen.

Dowladda ayaa dib u dhigtay xilliga doorashooyinka, waxayna balanqaadday in la samayn doono isbadelo waaweyn.

Wariyaha BBC-da Axmed Rucba ayaa sheegay in dadka reer Algeria ay aaminsanyihiin in madaxweynaha uu caafimaadkiisa aad u xumaaday, islamarkaasna ay hadda isticmaalayaan ganacsato iyo siyaasiyiin awood badan si ay awoodda ugu sii dhegenaadaan.

Xisbiga talada haya ee FLN waxa uu dalkaas xukumayay illaa xilligii xoriyadda 1962-dii.

Dadka banaanbaxyada dhigaya kaliya ma doonayaan in uu isaga meesha ka tago, ee sidoo kale waxa ay doonayaan in dadka ay isku xilliga ahaayeen oo dhan ay meesha ka baxaan.

Inta badan dadka banaanbaxyada dhigaya waa kuwa da'yar ah, kuwaas oo aanan galaangal u lahayn xisbiga iyo dowladaba, waxayna doonayaan nidaam cusub.

Todobaadkii hore taliyaha ciidamada xoogga ee dalkaas Jeneraal Axmed Qaacid Saalax ayaa sheegay in madaxweynaha uusan sii hayn karin xilka sababo caafimaad awgood.