Saameynta bulshada uu ku leeyahay HIV

HIV

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

HIV Aids waa mid ka mid ah cudurada dilaaga ah uguna halista badan ee galmada laga kala qaado wuxuuna halis badan maanta ku hayaa sii jiritaanka Aadanaha.

Dhamaadkii 2009 waxaa la sheegay in xanuunkan la nool yihiin 34-milyan oo qof halka ay qiyaas ahaan u dhinteen 1.8-milyan oo qof waana cudurka dhimashada ugu badan laga dhaxlo tan iyo markii la ogaaday halistiisa. Si gaar ah waxaa la sheegay sanadii 2005 in 25-milyan oo qof oo ku noolool dalalka Saxaraha hoostiisa ku yaalo qabaan HIV Aids. Sidaa darteed saameynta HIV waa mid ballaaran oo Dunida oo idil halis ku ah.

Fahanka HIV:

Waa cudur qatartiisa wato oo siyaabo kala duwan loo kala qaado Galmada, dhiiga la isku shubo, naas nuujinta, qalab lagu qalay qof xanuunka qabo oo qof kale loo adeegsado iyo siyaabo kale ayaa lagu kala qaadaa. Marka hore qofka xanuunka ku dhaco wuxuu joogaa marxalada HIV kadibna wuxuu usii gudbaa Aids waa marka jirkiisa unugyada uu dilo qofkana tababarta ama difaaca ka dhamaado. Wax daawo ah malahan HIV laakiin wuxuu leeyahay daawooyin qofka la siin karo marka uu marxaladda HIV joogo si difaaca jirkiisa uusan isku dhimin.

Saameynta HIV ku leeyahay Qoysaska maskax ahaan jir ahaan iyo bulsho ahaan:

Qofka xanuunka HIV asiibo dhibaatooyin badan ayaa lasoo darsayaan, marka kowaad ehelkiisa inta badan wuu weynayaa sida dadka aadka ugu dhowaa, saaxiibadiisa iyo bulshada maqaamka uu ku lahaa madaama dadka ka fogaanayaan.

Sidoo kale maskaxiyan qofka xanuunka qabo wuxuu u baahan yahay tiiraanyo bixin madaama dhibaatooyin badan oo muuqdaan iyo kuwo aan muuqanin soo gaarayaan xiliyo kala duwan marka uu xanuunka ku cusub yahay iyo marka uu la nool yahay.

Waxaa ugu daran bulshada inay qofka xanuunka qabo aqbali waayaan asigoo u baahan daryeel iyo ogaansho gaar ah wuxuuna luminaa maqaamkii uu bulshada ku dhex lahaa taasi oo sababi karto si deg deg ah xanuunkii haayay HIV inuu isugu badalo AIDS kadibna aan lala tacaali karin waana marka ay bulshada ku sameeyaan faquuq xanuunkiisa ku lug leh.

Saameynta uu Dhaqaalaha ku leeyahay HIV:

Dalal badan dhaqaalahooda dhulka ayuu galay ama siweyn ayuu hoos ugu dhacay tan iyo markii ay ku bateen dadka xanuunkan hayo wuxuuna sababaa faqri qoto dheer kaasi oo bur buriyo shaqsiyadka, qoysaska iyo qaranka guud madaama dadkii wax soo saarka ka qayb qaadan lahaa dhalinyaro u badan uu xanuunka HIV cirib tiraayo.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Quruxley HIV qabta

Sidaa darteed dalalka iyo gobolada HIV uu ku badan yahay waa kuwa dhaqaalo ahaan dunida ugu liitaan madaama geerida ku badan tahay, wax soo saarka ku yar yahay waa xaalad aan laga baxsan karin marka uu gobol gaar ah HIV ku bato.

Saameynta HIV uu ku leeyahay Waalidiinta iyo Carruurta:

Waa dhibaato guud oo liddi ku ah tartanka bini,aadanka madaama xanuunka HIV uu tiro badan nafsadooda gaalafanayo waa halista ugu weyn marka waalidiinta xanuunkan asiibo ayagoo ubadka ay dhalaan usii gudbinayaan sidoo kalena ubadkaas bulshada inteeda kale xanuunka kusii faafin karaan ayagoo is og ama aan iska war heynin.

Waxaa intaas u dheer waalidiin hooyooyinka xanuunka HIV ku dhaco inay faquuq weyn la kulmaan ayadoo laga yaabo galmo inaysan ka qaadin xanuunkan balse qalab lagu dhaliyay ama adeeg caafimaad loogu qabtay ay ka qaadeen. Sida guud saameyn aan caadi ahayn ayuu HIV ku leeyahay hab dhismeedka qoysaska waalid iyo caruur ka kooban.

Saameynta uu HIV ku leeyahay kuwa Daryeelka iyo Caafimaadka bixiyaan:

Dadka ugu nugul xanuunka HIV inuu asiibo waa kuwa daryeelka iyo adeega caafimaad bixiyaan ayagoo is dhahayaan la tacaala qof xanuunka qabo ayaa xanuunka ugu gudbaa ogaal la'aan waana qatar kale oo aan laga warqabin iyagana bulshada ayay usii gudbin karaan madaama ay isku maleeyaan inay caafimaad qabaan sidaa darteed iyaga ayaa u baahan baaris joogto ah in lagu sameeyo.

Sidoo kale dadka adeega caafimaadka bixiyaan waa in tababar la siiyaa si halista xanuunkan usii faafin sidoo kalena ay baaris joogto ah ku sameeyaan bukaanka ay u adeegayaan waxaa macquul ah bukaan HIV qabo inay adeeg caafimaad u fidiyaan baaris la'aan kadibna qofkaas bukaanada kale xanuunka usii gudbiyo. Sida guud halis aad u weyn ayay ku shaqeeyaan dadka daryeelka iyo adeega caafimaad bixiyaan.

Gunaanad:

Sanad walbo waxaa la baahiyaa in kumanaan qof oo xanuunka HIV qabto inay u geeriyoodaan sidoo kalena tiro intaas ka badana uu ku dhaco waana Virus halis ku ah koriimada iyo kobaca bini aadanka halistiisana in meesha laga saaro xal loo weysan yahay balse lagu guuleestay in qatartiisa la yareeyo ayadoo wacyi galin kala duwan iyo tababaro caafimaad laga bixiyo dalalka ama gobolada uu xanuunkan ku badan yahay.

HIV waa cudur qatar ku ah jiritaanka guud ee shaqsiga, qoysaska, bulshada, dalalka, dhaqaalaha, hormarka iyo nabadda sidaa darteed waa in si guud xal loogu raadiyaa oo ay hay'adaha caalamiga ah iska kaashadaan si joogto ah sidii looga hortagi lahaa faafistiisa loona yareen lahaa tirada sanad walbo xanuunkan u geeriyooto ama uu ku dhaco.

Kaniiniyada kaalmaatiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kaniiniyada kaalmaatiga

Bukaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa joojiyay qaadashada dawooyinkii kaalmaatiga ahaa ee HIV-ga.

10 sanno ka hor, Timothy Brown ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee gabi ahaanba laga daweeyay cudurka HIV-AIDS kadib markii lagu shubay dhuuxa lafaha oo uu leeyahay qof dhintay oo adkaysi u lahaa cudurada jirka soo weerara.

Dhaqaatiirta ayaa waxa ay hadda sheegayaan in ay caddeyn u heleen in bukaankii hore uusan ahayn arrin qariib ah, maadaamaa isla qaabkii la marayna ay xaqiiqadu tahay in habkan uu yahay mid shaqayn kara sida uu qabo Prof Ravindra Gupta.

Waxaa jira dadka qaar oo leh unugyo ka samaysan hiddo sidde adkaysi u leh in ay xanuunada soo weeraraan, waxaana loo yaqaanaa CCR5, kuwaas oo haddii unugyadooda lagu talaalo qof kale oo qaba xanuunkan ay ka fayoobaanayaan.

Hase yeeshee waxaa sii jiraya waxyaabo cudurka ka mid ah oo jirka kusii haraya, kuwaas oo siyaabo kale xal loogu heli karo.

Dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in natiijada ay tahay mid dhiirogalin leh.