Wararka been abuurka ah ee ku gadaaman khilaafka Kenya iyo Soomaaliya

Kenya ayaa sheegtay in aysan eryihin safiirkii Soomaaliya balse ay ka codsadeen in uu wadatashi ugu laabto dalkiisa.

Xigashada Sawirka, The Star Kenya

Qoraalka sawirka, Kenya ayaa sheegtay in aysan eryihin safiirkii Soomaaliya balse ay ka codsadeen in uu wadatashi ugu laabto dalkiisa.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isasoo tarayay warar aan xaqiiqda ku saleysneyn oo salka ku haya khilaafka diplomaasiyadeed ee kasoo dhex cusboonaaday dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo dadka wararka been abuurka ah faafiyana ay uga faa'iideysanayeen in bulshada la marin habaabiyo.

Saacadihii ugu horreeyay ee maanta waxaa soo baxay warqad uu ku qornaa war saxaafadeed lagu sheegay inuu ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaalia, balse aan sax ahayn.

Warqaddaas oo ay soo saareen dad marin habaabiyeyaal ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay waddankeeda kasoo eryeyso muwaadiniinta u dhashay Kenya.

Duhurnimadii maanta waxaa kale oo mar qura la shaaciyay warqad uu ku qoran yahay war saxaafadeed been abuur ah oo la sheegay iney si wada jir ah usoo saareen qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya ka howl gala.

Qodobbo warqaddaas ku qornaa ayaa lagu xusay baaq ku socday dowladda Soomaaliya, kaasoo looga dalbanayay in la dajiyo khilaafka.

Dad badan oo isticmaala baraha xiriirka bulshada ayaa ku sirmay warkaas been abuurka ah iyo kuwa kale oo lagula wadaagay isla baraha kala duwan, sida Twitter-ka iyo facebook-ga.

Sidoo kale qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa soo tabiyay macluumaadkaas aan sal iyo raad toona lahayn.

Wali ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka oo arrintan ay uga hadlayaan, ma jiro mas'uul warbaahinta kala duwan la wadaagay mowqifka dowladda ama mid shaksiyeed toona.

Dhanka kale, qoraal maanta lasoo dhigay barta uu Twitter-ka ku leedahay xog hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu baddalay qaar ka mid ah erayada ay warbaahinta isticmaalayeen.

Ambasador Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladdiisu aysan eryin safiirkii Soomaaliya, balse danjiraheedii Soomaaliyana u yeerin.

Laakiin wuxuu sheegay in Safiirkooda Soomaaliya ay ka codsadeen inuu wadatashu u yimaado Kenya halka safiirka Soomaaliyana ay ka codsadeen inuu wadatashi u aado Muqdisho.

Warkan kasoo baxay xog hayaha wasaaradda Arrimaha dibadda qudhiisa ayaa markii hore lagu tuhmay inuu been abuur yahay, balse BBC-da oo la xiriirta dowladda Kenya ayaa xaqiijisay inuu dhab yahay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan