You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wararka been abuurka iyo qaaradda Afrika
Faafidda wararka been abuurka ee qaaradda Afrika ayaa waxa lagu ogaaday inay keeneen rabshado jinsiyadeed, ayna kala qaybsanaan u keeneen dadka cod bixiyayaasha ah, ayna sidoo kale horseedeen isbeddel dhanka lacagta ah.
BBC ayaa waxa ay hirgelisay baaritaan cusub ee ku saabsan wararka been abuurka ah, waxa halkan lagu sharaxayaa shan sheeko oo ah kuwa been abuur ah oo qaaradda Afrika ku yeelatay saamayn weyn 12 bilood ee la soo dhaafay.
1.Musharaxa madaxweynaha dalka Nigeria oo "ogolaaday xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda"
Sheekadu maxay tahay?
Markii Atiku Abubakar la xaqiijiyey inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha ee dalka Nigeria 2019kii, cinwaan been abuur ah ee leh magaciisa ayaa shaaciyey farriin lagu dhiiri gelinayo " midowga dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda"
Guurka dadka isu jinsiga ah ayaa dadka waxa lagu ganaaxa ilaa 14 sano oo xarig.
Maxay dhibaato ah oo ay keentay?
Kaddib markii lagu shaaciyey barta Twitter 14 kii bishii October, ayaa waxa sheekadan sii shaaciyey laba qoraa ah, 12 maalmood kaddib, laba weriye ayaa jaraa'idka ku qoray.
Sheekadan been aburka ah ee ku saabsan musharaxa u ololeynaya xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee is guursada . Hoggaamiyayaal ka soo jeeda diinta Muslimka iyo tan masiixiga ayaa isku bahaystay sidii ay arrinkan uga hor imaan lahaayen, si ay ugu sheegaan taageerayaashooda inaysan u codeynin musharaxan oo kale.
Sideen ku ogaanaynaa in sheekada tahay mid been abuur ah?
Cinwaanka Twitter-ka ee ay sheekadan ka timid ma ahayn midda rasmiga ah ee siyaasiga Atiku Abubakar.
2. Mid ka mid ah weriyayaasha dalka Kenya ayaa shaaciyey warar been abuur ah
Sheekadu maxay tahay?
Weriyaha ganacsiga CNN ee Richard Quest ayaa booqasho ku yimid caasimadda dalka Kenya Nairobi bishii October.
Julie Gichuru oo horay u ahayd weriye caan ah ayaa barta Twitter-ka ku shaacisay 25 bishii October sida uu Mr Quest wakhti fiican ugu qaadanayo dalka Kenya.
Saamaynta ay arrintan keentay?
Julie waxa ay barteeda Twitter-ka ku leedahay taageerayaal gaaraya 600,000 instagram, marka daqiiqad gudaheed kummanaan qof ayaa arkaysa.
Kuwa badan ayaa u arkayey inay tahay waxba kama jiraan.
Sidee lagu ogaaday inay sheekadan tahay mid been ah?
Weriyaha CNN ayaa arkay Twitter-ka Julie waxa uuna si dhaqsa ah u sheegay inuusan shaacinin isagoo ku dul jawaabaya fariinteeda.
3. Soomaali "lagu riday xabaalo" ku yaala dalka Itoobiya
Sheekada maxay tahay?
Bishii July, warbaahinta qaranka ee dalka Itoobiya ayaa ayaa baahisay muuqaal tusinaya qowmiyadda Oromada Itoobiya oo maydadka dad Soomaali ah oo ay xabaalaha ku riixayan.
Laanta Afka Oromada ee BBC ayaa sheegtay in muuqaalkan oo si weyn baraha bulshada loogu wadaagay uu ahaa dad u dhashay qowmiyadda Oromada ee ku nool wadamada dariska ee Djibouti iyo Soomaaliya.
Qaxootiga Oromo ee ku nool Jabuuti ayaa BBC u sheegay in la jirdilay, dukaamadana laga dhacay, ka dib markii muuqaalkan la shaaciyey.
4. "Iscasilaada" madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma
Sheekada maxay tahay?
Bishii Febraayo weriye u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyey in madaxweyne Jacob Zuma uu aqbalay inuu iscasilo.
Weriye kale oo ka soo jeeda isla dalkaas ayaa barta twitter-ka ku sii shaaciyey isla arrinkan.
5. Hoggaamiyaha dalka Tanzania" ayaa difaacay in falalka anshax xuma looga hortagi karo guurka badan"
Maxay sheekada tahay?
Faallo lagu sheegay in madaxweyne John Magufuli uu ragga u sheegay inay guursadan xaasas badan si loo dhameeyo falalka anshax xumada ah ayaa qabsatay baraha bulshada.
"Ragga oo aad ugu yaraaday ayaa horseeday in falalka anshax xumada ah ay kor u kacaan", faallada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu sidaa yiri.
Sidee lagu ogaaday inay been abuur ahayd?
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay dowladda Tanzania ayaa lagu cambaareeyey fariintan, waxaana lagu sheegay in madaxweynaha uusan dhihin, oo ay been abuur tahay.
Baaritaan dheer ah oo la sameeyey ayaa lagu xaqiijiyey in faaladu ay hayd mid been abuur ah.