Waxyaabo muhiim ah oo lagu ogaaday baaritaankii xaaladda Jamal Khaashuqji

Xigashada Sawirka, AFP
Saraakiisha dalka Turkiga ee ku howlanaa baaritaanka xaaladda Wariye Jamal Khaashuqji ayaa sheegay iney heleen faro iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.
Baaritaanka oo aan wali si rasmi ah loo shaacinin natiijadiisa ayaa Arbacadii lagu sameeyay labo guri oo ay daganyihiin dublomaasiyiinta Sucuudiga, oo ku yaalla magaalada Istambul ee dalka Turkiga.
Goob ay si weyn u tuhunsanaayeen saraakiisha Turkiga oo lagu magacaabo C-block, oo ku dhex taalla Qunsuliyadda ayey u suurta gashay iney baaritaan ka sameeyaan.
Halkaas ayaa markii hore loo oggolaan jiray iney galaan Dublomaasiyiinta sar sare ee safaaradda Sucuudiga oo kaliya.
Waxyaabaha la helay ayaa la sheegay iney caddeymo xoog leh u yihiin dilka Wariye Khaashuqji oo in muddo ah la raadinayay.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in goobta C-block laga helay faraha 15 ruux oo la rumeysanyahay iney ka mid ahaayeen koox loogu tala galay iney dilalka fuliyaan.
Dambi baareyaasha ayaa muddo 12 saacadood ah ku mashquulsanaa baaritaanka ay ka wadeen dhismaha Qunsuliyadda, si ay u helaan waxyaabo muujinaya halka uu ku dambeeyay Jamal Khaashuqji.
Dowladda Sucuudiga oo beenisay dilka Khaashuqji ayaa oggolaatay in la baaro qunsuliyaddooda magaalada Istambul.
Suxufigan ayaa markii ugu war dambeysay qunsuliyadda galay 2-dii buishan Oktoobar, xilligaas ka dibna wax war ah laga helin xaaladdiisa.
Saraakiisha baaritaanka wadday oo ka tirsan waaxda dacwad soo oogidda Turkiga ayaa saaka aroortii hore la arkayay iyagoo ka sii baxaya xarunta qunsuliyadda Sucuudiga.
Ilo wareedyo ku dhow baareyaasha ayaa sheegay in waxyaabaha la helay uu ka mid yahay cod duuban oo laga maqli karo sida uu u dhacay dilka suxufigaas oo sida la sheegay loo geystay jirdil, ka hor inta uusan dhimanin.
Hase ahaatee dhammaan macluumaadkan ayaan si rasmi ah loo shaacinin.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay codsatay in lagu soo wareejiyo codkaas, "haddii uu jiro".
Dhinaca kale, siyaasiyiin ka kala socota caalamka ayaa sheegay ineysan ka qeyb gali doonin shir ku saabsan maalgashiga oo loo ballansanaa inuu Sucuudiga ka dhaco isbuuca soo socda.
Balse shirkado kale oo waaweyn ayaa wali qorsheynaya iney ka qeyb galaan shirkaas, iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska ku aadan in kulankaas la curyaamiyo.
Jamal oo u dhashay Sucuudiga ayaa sannad ka hor si iskiis ah ugu wareegay dalka Mareykanka, ka dib markii uu digniin ka helay saraakiil Sucuudi ah oo ku qoomay dhaleeceynta uu u jeedinayay dowladda.
Washington Post oo daabacay maqaal uu qoray Jamal Khaashuqji

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska ka soo baxa dalka Mareykanka ee Washington Post ayaa daabacay maqaalkii ugu dambeeyay ee uu qoray wariye Jamal Khaashuqji- kaasoo uu ku jeediyay baaq uu dalalka carabta ugu boorriyay iney ilaaliyaan xorriyadda saxaafadda.
Mas'uuliyiinta wargeyska, oo uu suxufigaas ka tirsanaa ayaa sheegay iney qaateen go'aanka ku aaddan daabicidda maqaalkaas, ka dib markii ay aqbaleen xaqiiqada ah in Mr Khaashuji uusan si nabad ah ku soo noqon doonin.
Maxaa ku qornaa maqaalka ugu dambeeyay?
Karen Attiah oo ah Tifaftiraha dhinaca ra'yiga caalamka ee wargeyskan ayaa sheegtay in maqaalka uu Khaashuji si fiican uga hadlay dadaalka uu ugu jiray sidii xorriyad looga heli lahaa dalalka carabta.
Arrintaas ayay sheegtay in sida muuqata uu u huray naftiisa.
Ms Attiah ayaa shaaca ka qaadday in maqaalkan la gudbiyay hal maarin ka hor markii la waayay Jamal.
Waxyaabihii uu ku qoray maqaalka waxaa ka mid ahaa hadallo dhaleeceyn ah oo uu u jeediyay mas'uuliyiinta carabta, kuwaasoo uu ku eedeeyay iney dadkooda ka dhigayaan kuwo aan wax war ah helin ama warar khaldan oo kaliya la siiyo.
"Dunida Carabtu waxay wajaheysaa in la kala xannibo, mana aha wax ay mas'uul ka yihiin dad dibadda faragelin uga haya oo kaliya, balse waxaa sidoo kale qeyb ka ah dadka awood raadiska ah" ayuu ku yiri qoraalkiisa.
"Dunida Carabtu waxay u baahantahay iney la jaan qaaddo warbaahinta casriga ah, si ay ula socdaan waxyaabaha ka dhacaya caalamka, waxaan sidoo kale u baahannahay in kor loo qaado codka shacabka carabta ah". Ayuu sii raaciyay.
Guud ahaan maqaalkaas ayuu uga hadlay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan dib u dhaca saxaafadda iyo caburinta ay kula kulmaan gudaha waddamada Carbeed.
Tan iyo markii la waayay Jamaal Khaashuqji: arrimihii ugu waawynaa ee dhacay
2 Oktoobar
Saacaddu markii ay ahayd 03:28: Diyaarad khaas ah oo sidday dad lagu tuhunsanyahay iney ahaayeen mukhaabaraadka Sucuudiga ayaa tagtay garoonka magaalada Istambul. Diyaarad labaad ayaa halkaas gaartay goor dambe oo galabti ah.
Saacaddu markii ay ahayd 12:13: gawaari dhowr ah oo ay leeyihiin Dublomaasiyiin ayaa muuqaallo laga soo duubay iyagoo tagaya xarunta qunsuliyadda, waxaana la aaminsanyahay iney sideen qaar ka mid ah xubnaha mukhaabaraadka
Saacaddu markii ay ahayd 13:14: Mr Khaashuqji ayaa gudaha u galay xarunta Qunsuliyadda, halkaasoo uu ka doontay warqado sharci oo fududeynaya guurkiisa
Saacaddu markii ay ahayd 15:08: Gawaari ayaa ka baxday Qunsuliyadda waxaana muuqaallo laga duubay iyagoo tagaya dhismaha deegaanka ah ee uu dagganyahay qunsulka, kaasoo u dhow qusuliyadda
Saacaddu markii ay ahayd 21:00: labadii diyaaradood ee khaaska ahaaba way ka tageen dalka Turkiga
3 Oktoobar
Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in la waayay Mr Khaashuqji, oo loo maleynayay inuu ku jiro qunsuliyadda gudaheeda
4 Oktoobar
Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inuu ka baxay safaaradda
7 Oktoobar
Saraakiisha Turkiga ayaa BBC-da u sheegay iney aaminsanyihiin in Mr Khaashuqji lagu dilay Qunsuliyadda gudaheeda. Arrintan waxaa markii dambe si adag u beeniyay mas'uuliyiinta Sucuudiga
13 Oktoobar
Saraakiisha Turkiga ayaa laanta afcarabiga ee BBC-da u sheegay iney hayaan caddeymo codad iyo muuqaallo ah oo muujinaya dilka suxufigaas. Jiritaanka codadkaas iyo muuqaalladaas waxaa horay u sii shaaciyay warbaahinta maxalliga ah
15 iyo 17-18 Oktoobar
Baareyaasha dalka Turkiga ayaa ku mashquulsanaa baaritaanno ay ku sameynayeen xarunta qunsuliyadda











