Saraakiil dhameystay tabbabar ay u fidinayayeen ciidammada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya

Xarunta dugsiga tabbabarka Turkiga ee magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay xaflad tabbabar loogu soo xirayay ciidaan isugu jira saraakiil iyo saraakiil ku-xigeen oo muddo sannad ah tabbabar ku qaatay saldhiga tabbabarka ciidammada Turkiga ee Turkisom.

Wasiirka gaashandigga dowladda Soomaaliiya Xasan Cali Maxamed iyo taliyaha xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda lagu dhaarinayay cidaankaasi oo ah inay si rasmi ah ugu biirayaan ciidanka xoogga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sonna.

Wareegto kasoo baxday xarunta dugsiga tabbabarka Turkiga ayaa lagu sheegay in ciidammada tabbabarka dhamaystay ay isugu jiraan kuwa cirka, badda iyo dhulka.

Turkiga wuxuu sheegay inay si rasmi ah u bilaabatay howsha ay hayaan ciidammadiisa ku sugan Soomaaliya oo ah in dowladda Federaalka ay kala shaqeeyaan dhisitaanka ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed sida tabbabarka, waxbarashada, kaabayaasha militariga iyo xoojinta nabadgelyada.

Wareegtada Turkisom ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidammada la siiyay tabbabar isugu jiro waxbarasho iyo sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen xirfaddooda.

Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya tageero ka siiyaa dhincayada amniga, arrimaha gargaarka iyo dhismaha dalka.