Axmed Madoobe oo caro kala dul dhacay xukuumadda Federaalka.

Axmed Madoobe

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Jubbaland

Qoraalka sawirka, Axmed Madoobe

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag ula hadlay xukuumadda federaalka oo beryahan uusan xiriirkoodu fiicnayn.

Arrintan ayaa timid ka dib markii laba sarkaal oo sida la sheegay ay xukuumadda federaalka u soo magacawday sirdoonka Jubbaland shalay laga hor istaagay inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, ayadoo lagu celiyey garoonka dayaaradaha ee magaaladaas.

Isagoo saxaafadda la hadlay ayuu Axmed Madoobe dib u gocday mar hadda ka hor isagoo Kismaayo ka maqan taliye loo soo magacaabay gobolka.

"Talo ayaa inaga dhaxaysay. Wax baan London ku heshiinnay, Xamar ku heshiinnay, Baydhaba ku heshiinnay, aaway wixii aannu ku heshiinnay? Waxaad mooddaa inay iska dhego tireen" ayuu yiri Axmed Madoobe oo hadalka u waday madaxda dawladda federaalka.

Labada taliye oo jooga garoonka Kismaayo

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka, Labada taliye oo jooga garoonka Kismaayo

Isla arrintaas uu tusaalaha u soo qaatay ayuu sii waday isagoo leh "shalay waxaan maqlayey waxaa la soo magacaabay taliye iyo taliye ku xigeen loo soo magacaabay nabadsugidda Jubbaland. Waa nasiib darro in dawladdu aysan xog ogaal ka ahayn waxa ay ka shaqayso iyo waxa ay gacanta ku hayso.

Nabadsugidda Jubbaland ka jirta ee shaqada ugu badan ka haysa waa ciidan Jubbaland ay dhistay, oo maanta dawladda federaalka wax ay ku sheeganayso aysan jirin. Sidaa darteed in la yiraahdo hebel iyo hebeloow orda oo taga waan idiin magacawnaye waa fowdo iyo qas kale" ayuu sii raaciyey hadalkiisa axmed madoobe.

Wuxuu madaxda dawladda deferaalka uga digay inay u hogaansamaan "shuruucda dalka", wuxuuna intaa ku daray in "taasi ay keeni doonto inay iyaguna la yimaadaan hogaan san".

Hadalka Axmed Madoobe ayaa daaha ka qaaday tafaraaruqa ku dhex jira Jubbaland iyo federaalka oo beryahan xiriirkooda uusan fiicnayn.