You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dumarka Sacuudiga oo loo qaybiyay ruqsadda baabuur wadidda
Haweenka Sacuudiga ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaybiyay ruqsooyinkii ay baaburta ku wadi lahaayeen toddobaadyo un ka hor inta laga dul qaadin xayiraddii saarnayd haweenka.
ilaa 10 haween ah ayaa ruqsooyinkii baabuurta ay dalalka shisheeye ka haysteen maanta ku baddalanayay midka Sacuudiga oo hadda laga qaybinaya dhammaan dalka.
Inkastoo ururarda xuquuqda haweenka u dooda ay cabasho ka muujiyeen howlgal lagu xiray haween dhowr ah.
Haween badan ayaa codsanya inay helaan ruqsooyinka baaburta ka hor inta aanan la gaarin 24-ta bishan June oo ku beegan xilliga ay soo afjarmayso xayiraadda.
Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya in haweenka ay raggooda ay u ogolaadaan waxyaabaha qaar ay doonayaan inay ku dhaqaqaan, taaso dadka qaar ay sheegeen inay ka qayb qaadatay in muddo dheer ay xayiradda haweenka sii saarnato.
Horraan qoysaska Sacuudiga waxay shaqaalaysiin jireen darawallo gaar ah si ay ugu waadaan baabuurta haweenka qoysaska ka tirsan.
Balse Ururrada bulshada rayidka ayaa sanado u doodayay in haweenka loo fasaxa inay baabuurta kaxeyn karaan halka haween badan lagu xiray kaddib markii ay dhagaha ka fureesteen go'aanka dowladda.
Dhowr qof oo ka tirsan ururrada xuquuqda u dooda oo isugu jiro rag iyo haween ayaa bishii lasoo dhaafay xabsiga loo taxaabay kaddib markii lagu eedeeyay dambiilayaal la shaqaynayay dowlado shisheeye.
Loujain al-Hathloul, oo si wayn loogu yaaqaanay u ololaynta xuquuqda dumarka Sacuudiga ayaa la rumaysan yahay inay kamid tahay dadka la xiray.
Ha'yadda Amnesty International ayaa ku tilmaantay go'aanka dowladda Sacuuudiga ay ku xirtay dadkaasi caqajuglayn iyo handadaad iska cad oo lagu hayo dumarka.
Axaddii dacwad oogayaasha Sacuudiga ayaa sheegay in 17 qof ilaa hadda ay xabsiga ku jiraan balse 8 kamid ah dadkaasi si kumeel gaar ah loo soo daayay.
Hathloul ayaa marar badan la xiray, sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii la qabtay iyadoo isku dayayso in baabur ay kaxeynaysay ay uga soo tallaabto dalka Imaaraatka Carabta, 73 maalmood ayay ku xirnayd xabsiga, markii dambana waxay Twitter-ka kusoo qori jirtay dhacdooyinkii ay soo martay.
Riyadii rumoowday
Bayaan kasoo baxay waasaaradda warfaafinta Sacuudiga ayaa lagu sheegay in rajada ay sare un kacayso toddobaadka dambe islamarkaasna 2000 oo haween ah ay heli doonaan ruqsooyinka baabuurta.
Bayaanka ayaa intaasi ku daray in ilaa haatan 10 dumar ah ay qaateen ruqsooyinkooda cusub ee baabuurta oo taarikhda dalkaasi gashay.
Rema Jawdat oo maanta gacanta ku dhigtay ruqsadeeda waxay tiri " Riyadeeni ayaa rumoowday, Hadda baabuur waan ku kaxayn karaan Sacuudiga"
Bishii September ee sanadkii tagey ayaa shaaca laga qaaday in laga dul qaadaya xayiraaddii saarnayd haweenka Sacuudiga, waxayna ka qayb tahay isbaddalada casrigan uu samaynaya boqor Maxamed bin Salmaan.