Ruushka oo soo bandhigaya taangiyo casri ah oo aan darawalo lahayn

Tangiyada nooca Uran-9 ayaa ah kuwa casri ah

Xigashada Sawirka, MIL.RU/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Tangiyada nooca Uran-9 ayaa ah kuwa casri ah

Bandhiga maalinta guushii waynayd ee ay Ruushka gaareen dagaalkii labaad ayaa waxa Arbacada lagu soo bandhigi doonaa Taangiyo ah nooca Rimuutka lagu hago iyo hub kale oo cusub oo ah kuwii Suuriya lagu tijaabiyay.

Tangiyada loo yaqaano Uran-9 tank ayaa waxa ku rakiban gantaalada lidka taangiyada ,madaafiic iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Madaxwayne Vladimir Putin ayaa dib u soo cusboonaysiiyay dhaqankii xilligii Soofiyeetka ee ahaa in 9 bisha May la soo bandhigo hubka casriga ah ee ugu dambeeyay.

Maalintani waa maalinta la xuso malaayiintii qof ee ku dhintay dagaalkii ay Ruushka la galeen Naaziyiintii Jarmalka.

Gawaarida gaashaaman,diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada lidka maraakiibta ayaa sidoo la soo bandhigi doonaa.

Jariirada Russia's Gazeta.ru news ayaa sheegtay in tangiyada Uran-9 , gawaarida lagu saaro miinooyiinka iyo Uran-6 ay intaba si wanaagsan ugu shaqeeyeen dagaalka Suuriya.

Ruushka ayaa Suuriya u daadgureeyay ciidamo gaar ah iyo diyaarado dagaal si ay madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad gacan uga siiyaan kooxaha kala duwan ee mucaaradka ee ay ka mid yihiin kooxda IS.

Tangiyada Uran-6 ayaa loo isticmaalay in miinooyiinka looga sifeeyo Suuriya

Xigashada Sawirka, MIL.RU/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Tangiyada Uran-6 ayaa loo isticmaalay in miinooyiinka looga sifeeyo Suuriya

Jariirada Gazeta.ru ayaa ku warantay in taangiyada Uran-9 ay aqoonsan karaan bartilmaameedka balse go'aanka ah in la rido uu gaaro abaanduule fadhiya meel u jirta 3 kiilo mitiri.

Qalabka kale ee loo yaqaano Uran-6 robot-sapper ayaa waxaa loo isticmaalay dalka Suuriya in miinooyiinka looga saaro goobaha halista ah sida magaalooyiinka Palmyra, Xalab iyo Deir al-Zour.

Qlaabka Uran-6 ayaa loo isticmaalay in miinooyiinka ay qarxiyaan iyaga oo masaafo dheer u jira.

Markii ugu horreysay waxaa la soo bandhigi doonaa taangi yar oo ay saaran yihiin laba nin , waa mid ay sameeyeen Ruushka oo u eg mootada,laguna rakibi karo qoryaha darandooriga u dhaca.

AM-1 waa nooc u eg mootada waxaana loo isticmaalaa dagaalada lugta

Xigashada Sawirka, MIL.RU/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, AM-1 waa nooc u eg mootada waxaana loo isticmaalaa dagaalada lugta
AM-1s waxaa la isticmaali jiray dagaalkii labaad ee aduunka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, AM-1s waxaa la isticmaali jiray dagaalkii labaad ee aduunka

Gaariga AM-1 waxaa loogu talagalay in ay isticmaalaan ciidamada lugta iyo ciidamada gaarka ah ee fulinaya howlada gaarka ah .

Ruushka ayaa qorshaynaya in ay so bandhigaan diyaarado ah nooca aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo Korsar,kuwaasi oo loo isticmaali karo weerarada gantaalada iyo in saanada lagu qaado.

Waxa ay diyaradahani duuli karaan ilaa 10 sacadood.

Diyaarada nooca aan duuliyaha lahayn ee Korsar waxaa loo isticmaali karaa sida gantaalka oo kale

Xigashada Sawirka, MIL.RU/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Diyaarada nooca aan duuliyaha lahayn ee Korsar waxaa loo isticmaali karaa sida gantaalka oo kale

Haddii cimilada Moscow ay wanaagsanaato waxaa sidoo kale ay Ruushka barito soo bandhigi doonaan diyaarado nooca dagaalka sida kuwa wax duqeeya iyo Helekobtarada.

Diyaaradaha MiG-31

Xigashada Sawirka, MIL.RU/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha MiG-31

Markii ugu horreysay diyaarada dagaal ee nooca loo yaqano MiG-31 la soo bandhigi doona waxaana ku rikaban gantaalada lidka maraakiibta , waxaana loogu talagalay in ay burburiyaan maraakiibta xambaara diyaaradaha.

Ruushka ayaa sidoo kale qorshaynaya in uu soo bandhigo diyaarada nooca cusub ee loo yaqaano Su-57 waxa ayna ka mid ahayd hubkii lagu tijaabiyay Suuriya.

Diyaaradaha nooca Su-57

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Diyaaradaha nooca Su-57