Sacuudiyan Guantanamo Bay lagu hayay oo dalkiisa loo wareejiyay

Nin u dhashay Sacuudi Carabiya oo lagu hayay xabsiga ciidammada Maraykanka ee Guantanamo Bay oo qirtay dambigii loo haystay ayaa loo wareejiyay dalkiisa Sacuudi Carabiya.

Axmed al-Darbi ayaa 2014kii qirtay in uu ku luglahaa weerar miino ah oo 2002dii lagu qaaday markab shidaal oo taagnaa biyaha Yemen.

Kala wareejintan waxaa Arbacadii Shaaciyay wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka.

Waa markii koobaad ee uu maxbuus ka soo baxo xabsiga Guantanamo Bay tan iyo markii uu xilka la wareegay Donald Trump, waxaana baaqi ku sii ah 40 maxbuus.

Wareejinta Axmed ayaa meelmartay markii la dhamaystiray shuruudihii heshiiska waxaana ka sii horraysay in uu dambiga qirtay, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaan dhigga.

Markii uu Axmed codsiga soo gudbisanayay wuxuu ogolaaday in uusan Maraykanka ku dacwayn doonin qabashadiisii iyo wakhtigii xabsiga lagu hayay.

Wuxuu horray ugu eedeeyay in lagu ciqaabay biyo kurka loogaliyay iyo noocyo kale oo jirdil ah intii uu ku jiray xabsi Maraykanka ku yaalla, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP sannadkii 2014kii.

"Maraykanka ayaa isku dubo riday u wareejinta Sacuudi Carabiya si loo xaqiijiyo in kala wareejintu u dhacdo qaabka la dajiyay ee dhanka ammaanka iyo midda banii'aadminiba" sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka.

Xaakim Maraykan ah ayaa sannadkii hore Axmed ku xukumay 13 sano oo xabsi ah isaga oo ku sugan xabsigan uu muranka badan ka taagan yahay, ka dib markii lagu helay fal argagixiso.

Ka dib markii uu ka laabtay racfaankii uu qaatay hadda wuxuu Sacuudiga ku dhamaysan doonaa inta uga dhiman xabsiga.