Israa’iil oo billad geesinimo siinaysa askari toogtay qof Falastiini ah

Wasiirka gaashaandhigga Israa'iil Avigdor Lieberman ayaa sheegay in askari fartoogte ah oo ka muuqda muuqaal si weyn loo baahiyay oo muujinaya isaga oo xudduuda dhankeeda shishe ka shiishaya qof falastiini ah, kadibna toogtay in uu u qalmo billad geesinimo.

Muuqaalka ayaa waxaa ka dhex muuqda askariga oo aad ugu faraxsan markii uu rasaasta la haleelay qofka falastiiniga ah sidii isaga oo ugaadh dishay oo kale.

Gaashaandhigga Israa'iil ayaa sheegay in ninka la toogtay uu hormuud ka ahaa rabshad, rasaastana lagaga dhuftay lugta oo kaliya.

Ma cadda in ninka rasaasta ku dhacday uu dhintay iyo kale, balse waxaa muuqaalka laga arkayay dad dhulka ka qaadayay ninka markii ay rasaasta ku dhacday kadib.

Meesha ay wax ka dhaceen waa meel aad ugu dhow gacanta Gasa, halkaas oo xudduud silig ku xeendaaban , ayna ku suganyihiin ciidammada Israa'iil.

Dhacdadan ayaa ka caraysiisay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha oo ku tilmaamay in ay tusaale u tahay gaboodfalada ay geystaan ciidamada Israa'iil.

Muuqaalkan oo la duubay sanadkii hore ayaa todobaadkan laga baahiyay warbaahinta la'iska arko ee dalkaas

Xildhibaan Carab ah oo lagu magacaabo Ayman Odeh oo ka tirsan baarlamaanka Israa'iil ayaa sheegay in falka dhacay uu ahaa mid aanan loo dulqaadan karin.

Yehuda Glick oo isna ka tirsan xisbiga Likud ayaa dhaleeceeyay falka lasoo duubay.