Nin 200 oo sawir iska qaada maalin kasta

Junayd Axmed

Xigashada Sawirka, Junaid Ahmed/Getty Images

Qoraalka sawirka, Junayd Axmed

Wiilka lagu magacaabo Junayd Axmed (Junaid Ahmed ) waxa uu leeyahay illaa 50,000 qof oo ku taxan bartiisa Instagram, wuxuuna qirtay in uu qabatimay iska qaadista sawirada fool-ka-foolka ah ee taleefonka gacanta lagu galo.

Waa 20 jir, wuxuuna maalin kasta galaaa 200 oo sawir.

Waxa uu si taxadar leh uga fikiraa waqtiga uu sawirada dhigayo baraha bulshada si uu u helo falcelinta jamashada (likes) , haddii uu helo wax ka yar 600 oo falcelinta jamashada ah (likes) waa uu tirtiraa sawirrada.

Qoraalka Codka, Axmed Aw Geeddi wuxuu suugaantiisa ku soo bandhigaa baraha bulshada
Qoraalka Codka, Baraha bulshada dhaqaale ma laga sameyn karaa ?

"Marka aan sawir soo dhigo, daqiiqada ugu horeysaba waxaan helaa 100 jamasho, waanan jeclahay, waa wax cajiib ah" ayuu yiri Junaid.

Ka bood Instagram boggan, 1
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 1

Presentational white space

Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in iska qaadista sawirrada ay tahay dabeecad la qabatimo, waxaana loogu magac daray Selfitis.

Haddii qofka uu doonayo in uu sawir iska qaado wax ka badan 6 jeer maalinkii, sawirkaasna galiyo baraha bulshada, taas waxaa lagu micneyn karaa in uu qofka qabo xaaladda Selfitis oo ah balwad la qabatimo.

Junayd waxa uu sheegay in sawirro galista badan ay dhibaato ka dhex abuurto dadka qoyska ah ee is jecel. "Waxay i weeydiiyaan waxbo ma cuni kartid miyaa adiga oo aadan sawir iska qaadin, aniga waxaan dhahaa maya, sababtoo ah muddo 3 saac ayay igu qaadan in aan is diyaariyo".

Ka bood Instagram boggan, 2
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan, 2

Junayd waxa uu sheegay in qoraalada aanan wanaagsanayd ee sawirradiisa laga bixiyo aysan u saamaynin sidii ay mar u saamayn jireen, wuxuuna sheegay in xitaa muuqaalkiisa wajiga uu is badalay maadaamaa dib u habeyn badan uu ku sameeyay.

"Ilkaha ayaan caddeeyay, garka ayaan dhuubay, dhabanada ayaa qoray, bishimaha ayaan buuxiyay, indhaha hoostoosa ayaan wax ka qabtay, suniyaha ayaan qad mariyay" ayuu yiri Junayd oo ka hadlay sida uu muuqaalkiisa wax uga badalay.

Junaid

Xigashada Sawirka, Junaid Ahmed

Qoraalka sawirka, Junaid

Junayd oo ku nool magaalada Essex ee dalka UK ayaa sheegay in isticmaalka baraha bulshada uu leeyahay dhib weyn, balse isaga halis badan uma arko.