Madaxweynihii hore ee Ciraaq oo geeriyooday

Hogaamiyihii Kurdiyiinta iyo Madaxweynihii hore ee Ciraaq, Jalal Talabani ayaa geeriyooday isaga oo 83 jir ah, sida uu baahiyay telefishinka qaranka ee Ciraaq.

Talabani ayaa caan ku ahaa halgankii uu u galay madaxbannaanida Kurdiyiinta wuxuuna aasaasay PUK sannadkii 1975tii.

Sannadkii 2005tii oo ahayd labo sano uun ka dib markii Maraykanku ay xoogga kaga tuureen Saddaam Xuseen ayuu noqday madaxweynihii koobaad ee aan Carab ahayn ee Ciraaq ka arrimiya.

Wuxuu is casilay sannadkii 2014kii, labo sano ka dib markii uu ku dhacay xannuunka shalalka, kaas oo markii dambana ku qaaday in uu caafimaad u doonto dalka Jermalka.

In kastoo xilka madaxweynuhu uu hab maamuuseed iska yahay haddana intii uu xilka hayay wuxuu gacan ka gaystay dhexdhexaadinta muranno soo kala dhexgalay kooxo badan iyo siyaasadda iyo diimo isku qabtay.

Dhimashada ee ayaa ku soo aaday iyadoo khilaaf wayn uu ka dhex taagan yahay gobolka ismaamul hoosaadka leh ee Kurdistan iyo dawladda dhexe ee Ciraaq ee ay Carbtu hogaamiyaan.

Ra'iisulwasaaraha Ciraaq Xaydar al-Cabadi ayaa maamulka Kurdiyiinta ka dalbaday in ay waxba kama jiraan ka soo qaadaan aftidii madaxbannaanida ee la qabtay siddeed maalmood ka hor, wuxuuna gobolkaas ka mamnuucay duulimaadyada caalamiga ah.

Dawlad goboleedka Kurdiyiinta ayaa ku adkaysanaya in ay si sharci ah u dhacday codayntaas, taas oo in kabadan 90% ay dadku taageereen in ay ka go'aan Ciraaq inteeda kale, Xaydarna waxay ku eedeeyeen in uu Ciqaab wadareed gaysanayo.