You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Vietnam oo shaqada ka eriday masuul sare oo "musuqmaasuq sameeyay"
Sarkaal sare oo reer Vietnam ah ayaa shaqada looga eryay "wax is dabomarin" uu sameeyay isaga oo masuul ka ahaa shirkadda shidaalka ee PetroVietnam, waana tallaabo naadir ah in ay wajahaan masuuliyiinta xisbiga Hanti wadaagga ah ee talada haya.
Dawladda ayaa Axaddii sheegtay in Dinh La Thang oo 57 jir ah in uusan ka mid ahayn hadda guddiga sare ee awoodda leh.
Wax isdabomarinta Thang ayaa la sheegay in markii hore lagu faafiyay baraha bulshadu ku xiriirto.
Shaqo ka eryiddiisuna waxay ku soo aadaysaa iyadoo baaritaanno waawayn lagu hayo shirkadda PetroVietnam oo ah midda ugu wayn ee dalkaas.
Way adagtahay in ay booskooda waayaan xubnaha guddiga sare ee xisbiga kali ah ee dalkaas ka jira.
Tan iyo markii ay Vietnam billawday in ay isbadal ku samayso dhaqaalaheeda sannadkii 1986dii labo ruux oo kale oo guddiga sare ku jiray ayaa shaqada laga eryay.