You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Saddex caddaan ah oo 'isir nacayb' loogu dilay Maraykanka
Saddex nin oo caddaan ah ayaa la dilay mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii uu nin madaw ahi rasaas ku furay iyaga oo ku sugan magaalada Fresno ee gobolka California ee dalka Maraykanka, waxaana looga shakisan yahay in uu ahaa weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku sheegeen.
Kori Ali Muhammad ayaa 90 ilbiriqsi gudahood ku riday 16 xabbadood, weerarkaasina wuxuu dhacay Talaadadii sida uu sheegay Jerry Dyer oo ah sarkaal booliis ah.
Illaahay baa wayn o oaf Carabi ah ayuu ku qaylyay markii la xiray laakiin Dayer wuxuu rumaysan yahay in uusan ahayn weerar argagixiso ee uu ahaa mid midab midab sooc ku salaysan.
- Aabo dhalay askari Maraykan ah oo dhintay oo diiday in uu la kulmo Trump
- Gaana 10 sano waxaa ka furnaa safaarad Maraykan oo been abuur ah
- Saxiimado Iran leedahay oo Markab Maraykanku leeyahay ka weeciyey marinkiisii
- 'Tagaasida in la wadaago waxay yarayn kartaa saxmadda jidadka'
- Ninkii CIA u waraystay Saddam Xuseen markii la qabtay
- Afrika: Weedhihii Obama een weligood la iloobayn!
Kori oo 39 jir ah ayaa sidoo kale rabay in uu dilo waardiye hotel todobaadkii hore.
Booliisku waxay sheegeen in ninkani uu Facebook ku bidhaamiyay in uu necebyahay dadka cad uuna soo bandhigay aragti ka dhan ah dawladda.
Dhamaan dadka ay rasaastu ku dhacday waa caddaan, mid ka mid ahna waxay xabbaddu ku dhacday isaga oo fadhiya gaarigiisa.
"Waxaa u qorshaysnayd in uu dilo inta uu awoodo" ayuu yiri Dyer.