You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsanaa oo meydkooda laga helay DRC
Meydka laba qof oo ahaa baarayaal Qaramada Midoobay ka socday ayaa laga helay dalka Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Congo.
Markii la waayey Michael Sharp oo u dhashay dalka Maraykanka iyo Ziada Catalan oo u dhalatay dalka Sweden ayaa waxa ay baarayeen eedeymo ku saabsan ku xadgudub xuquuqda aadanaha oo ay sameeyeen ciidamada Congo iyo maleeshiyaad maxali ahi intii ay socdeen rabshadihii ka dhacay gobolka Kasai.
Waxa meydkooda la helay iyada oo taageerayaasha mucaradku ay mudaaharaad ka dhigayaan waddooyinka magaalada Kinshasa ka dib markii wadahadalki nabada uu burburay.
Dowladda Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ayaa xaqiijisey in labada meyd laga heley gobolka dhibaatadu ka jirto ee Kasai.