You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Bam lagu tuuray maxkamad Boosaaso ku taalla
Rag aan haybtooda la garan ayaa saaka laba bam gacmeed ku tuuray xarunta maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Boosaaso.
Ilaa hadda inta la ogyahay 3 qof oo mid ka mid ah uu shaqaale ka ahaa maxkamadda ayaa ku dhaawacmay.
Goob joogeyaal ayaa BBC u sheegay in ragga bamka tuuray oo lugaynayey ay goobta ka baxsadeen, halkaasoo ay markii dambe soo gaareen ciidanka amaanka.
Todobaadkii hore ayey ahayd markii sidaasoo kale bam gacmeed lagu tuuray bar koontarool oo taallay gudaha magaalada, ayadoo ay ku dhaawacmeen 3 askari oo midkood uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka birmadka.