You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Gudiga gurmadka abaaraha oo lacago qeybiyay
Gudiga qaranka ee gurmadka abaaraha ayaa sheegay in lacag gaaraysa lix boqol oo kun oo doolar ay ku wareejiyeen maamul goboleedyada qaar, isla markaana la billaabay in lacgtaasi loogu gurmado dadka ay abaarta hayso ee ku nool deegaannadaasi.
Cabdi Axmed Baafo oo ka tirsan gudiga qaranka ee gurmadka abaaraha ayaa BBC-da u sheegay inaanay wali soo gaarin ilaa shan milayan oo dollar oo laga sugayay dawladda federaalka, balse hadda qorshaheeda lagu jiro sidii lacagtaasi uga soo xaroon lahayd dawladda.
Cabdi Axmed Baafo ayaa u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan, waxa uuna marka hore ka warramayaa halka hawsha gurmadku u marayso.