Israa'iil oo dad ka rartay dhul aysan fasax u haysanin

Qoraalka Muuqaalka, Settlers resisted as Israeli police moved to evacuate the Amona outpost

Isku dhac ayaa dhex maray dad mudaaharaadaya oo Israa'iiliyiin ah iyo booliis doonaya in ay raraan dadka degan goobaha aysan ruqsadda u haysanin ee ka tirsan dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.

Maxkamadda sare ee Israa'iil ayaa amartay in la burburiyo deegaanka Amona maadaama oo laga dhisay dhul ay si gaar ah u leeyihiin dad Falastiiniyiin ah.

Boqolaal Israa'iiliyiin ah ayaa booliiska dhagaxaan ku tuuray waxayna iska caabiyeen askarta oo doonaysa in ay dhaqan geliyaan. waxaa lagu soo waramayaa in labada dhinacba uu dhaawacyo soo gaaray.

Dadka in laga raro goobtaas ayaa billaabatay Arbacadii ilaa habeenimadii ayayna sii socotay.

Saacado uun ka hor dawladda Israa'iil ayaa meelmarisay qorshe lagu dhisayo 3,000 oo guri oo deegaan ah oo laga hirgelinayo Daanta Galbeed.

Waa qorshihii saddexaad ee noocaas ah ee lagu dhawaaqo tan iyo markii la caleemo saaray 12 maalmood ka hor madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo bidhaamiyay in uu deegaamaynta Israa'iil u hayo taageero ka badan middii madaxweynihii isaga ka horeeyay.

Hanan Ashrawi oo ka tirsan masuuliyiinta Falastiin ayaa cambaaraysay meelmarinta deegamaynta cusub waxayna sheegtay in ay burburinayso fursadihii nabadda.

In kabadan 600,000 oo yuhuud ah ayaa ku nool 140 deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa'iil qabsatay Daanta Galbeed iyo bariga magaalda Qudus sanadkii 1967dii.

Waxaa kale oo jira 95 deegaan oo yuhuudu ka dhisatay Daanta Galbeed iyagoon fasax ka haysanin dawladda Israa'iil.

Dadka mudaaharaadaya ayaa alaabo gubay iyadoo ay booliisku galayaan aagaas

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dadka mudaaharaadaya ayaa alaabo gubay iyadoo ay booliisku galayaan aagaas
Qaar ka mid ah dadka u ol'oleeya xuquuqda ayaa dhagaxaan tuuray, askar ayayna dhaawacyo sahlan ka soo gaareen

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah dadka u ol'oleeya xuquuqda ayaa dhagaxaan tuuray, askar ayayna dhaawacyo sahlan ka soo gaareen
Waxaa jira 95 deegaan oo la dhisay iyadoon Israa'iil fasixin

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxaa jira 95 deegaan oo la dhisay iyadoon Israa'iil fasixin
Dadka dhistay deegaanka Amona ayaa wasiirka waxbarashada ugu yeeray "halyeey" maadaa uu u ol'oleeyo in la sharciyeeyo dhismeyaashan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dadka dhistay deegaanka Amona ayaa wasiirka waxbarashada ugu yeeray "halyeey" maadaa uu u ol'oleeyo in la sharciyeeyo dhismeyaashan
Waxaa laga yaabaa in baarlamaaanka Israa'iil uu durba sharciyeeyo dhismayaasha kale een sharciyaysnayn

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Waxaa laga yaabaa in baarlamaaanka Israa'iil uu durba sharciyeeyo dhismayaasha kale een sharciyaysnayn