You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wareysi: Madaxweynaha Puntland saamaynta abaaraha
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa BBC uga waramay safarka uu ku marayo deegaanadda abaaruhu saameeyeen ee ka tirsan gobolka Bari.
Gaas ayaa wuxuu ka warbixiyey waxyaabihii uu ku soo arkay deegaanadda uu tagay oo ay ka mid yihiin dad xoolihii ka dhamaadeen oo dhibaato xoogan wajahday isla markaana maamulkiisu aanu awood u lahayn wax u qabashada iyo taageerada dadka abaaruhu taabatay, waxaa uu sheegay in aanay jirin wax gurmad wayn oo ka soo gaaray dhanka Dawlada dhexe ee Soomaaliya iyo waliba beesha caalamka.
Dhinaca kale wuxuu ka hadley arrimaha amaanka gaar ahaan dagaalka maamulkiisu kula jiro maleeshiyaad taabsacsan kooxda la baxday dowladda Islaamka. Cabdiwali Maxamed Cali ayaa isagoo ku sugan degmada Bandar Bayla ee gobolka Bari wuxuu u waramay wariyaha BBC Mowliid Xaaji Cabdi.