Xildhibaanada Galmudug oo sheegay in ay kalsoonida kala laabteen madaxweynaha

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inay u codeeyeen in kalsoonida ay kala noqdaan madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

54 xildhibaan oo ka mid ahayd 59 ka qeybqaadatay codeynta ayaa meelmariyay in madaxweyne Guuleed xilka laga qaaado.

Balse madaxweynaha galmudug ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay go'aankaaasi oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Qoraalka Codka, Madaxwaynaha Galmudug oo wax lagu qoslo ku tilmaamay in xilka laga xayuubiyay

In ka badan konton xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa mooshin ka keenay madaxweyne Guuleed oo ay ku eedeeyeen in uu joojiyay hawlihii maamul goboleedka.

Qoraalka Codka, Baarlaaanka Galmudug oo ka doodaya inay la xisaabtamaan madaxweynaha

Shir ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Galmudug magaalada Cadaado shalay ayay mooshinkaasi ugu gudbiyeen gudoomiye kuxigeenka 1-aad Xareed Cali Xareed.

Xareed ayaa sheegay in la soo magacaabi doono guddi doorasho oo soo diyaarin doono doorashada madaxweyne cusub. Wuxuu sheegay in inta ka horreysay doorashadaasi uu madaxweyne ku xigeenka noqon doono ku sime madaxwyene.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa BBC-da u sheegay in guddoomiyaha baarlamanaka uu dib u dhigay kalfadhigii baarlamaanka muddo 45 sisho ah, waxa uuna intaasi ku daray in tallabaada xubnaha baarlamaanka ee maanta ku shiray cadaado ay tahay mid aan waafaqsanayn dastuurka.