Burundi oo sheegtay inay dacweyneyso Midowga Afrika
Dowladda Burundi ayaa ku hanjabeysa inay dacweyn doonto Midowga Afrika oo ay sheegtay inay bixin wayday mushaarka ciidamadeeda ka joogo Soomaaliya ee ka midka ah AMISOM.
Sidoo kale waxay horey ugu hanjabtay in ciidammadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya.
Ciidammada Burundi waxay ka mid yihiin howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ee Midowga Afrika.
Haddaba saameyn noocee ah ayey yeelan kartaa arrintan.....Maxaana sabab u ah in Burundi ay ka qeyliso mushaar la'aanta ciidamadeeda Soomaaliya ku sugan....
Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Afrika ayaan weydiinay sababta mushaar la'aanta.
