Ciyaaraha K/Kolayga Gabdhaha oo ka furmay Garowe

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Kolayga Gabdhaha ee qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Tartankan oo ay ka qeyb galayaan Gabdhaha ka kala socdo Banaadir, Hirshabelle, Galmdug, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ah tartankii u horeeyay ee gabdhaha kubadda koleyga gobolada loo qabto.

Hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa mar sii horreysay maanta ka digtay ka qeybgelka gabdhaha ee ciyaarahaasi.

Guddoomiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay Tartankan loo qabanayo gabdhaha.

Sheekh Bashiir ayaa tartankan ku tilmaamay inuu yahay macaasi, sidaas darteedna ay ka digayaan.

Ilahaan Cumar oo dhawaan dalka Mareykanka ka noqotay xildhibaan ayaa ku sugan magaalada garowe si ay u daawato ciyaarahaasi.

Ciyaarayahan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olimbikada Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo tartanka kubadda koleyga ee gabdhaha heer gobol la qabto muddo 25 sano ka badan.