militariga Mareykanka oo joojiyay taageerada ciidammada Liibiya

Militariga Liibiya ayaa qabsaday deegaano badan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Militariga Liibiya ayaa qabsaday deegaano badan

Militariga dalka Mareykanka wuxuu sheegyaa inuu soo afjaray gacanta uu siinayay ciidammada Liibiya.

Mareykanka ayaa caawinyay ciidammada dagaalka kula jiro daacish ee dhawaantan qabsaday magaalo xeebeedka Sirta.

Saraakiisha waaxda difaaca Pentagon ee Mareykanka, waxay sheegayaan in tan iyo bilowgii duullaanka ay duqeeyeen daacish.

Diyaaradaha duuliya la'aanta ah ee drones-ka ee Mareykanka ayaa fuliyay in ka badan 500 oo duqeyn oo ka dhan ah xarumaha daacish tan iyo markuu weerarka bilowday.

Sabtidii, dowladda midnimada qaran ee Libiya waxay sheegtay in la soo afjaray howlgalkii militari ee Sirta.

Inkastoo mintidiinta lagu jebiyay dagaallada gobollada qaar, hadana weli sir firfircoon ayey uga howlgalaan Liibiya.

Dhowantan waxay weerar is qarxin ah ku qaadeen magaalada Banqazi.