Ciidamadda AMISOM oo gaari ‘jiirsiiyey’ qoys 6 qof ka kooban
Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidammada Amisom ay gaari jiirsiiyeen qoys ka koobnaa hooyo iyo 5 caruur ah shalay galab.
Gudoomiyaha degmada Mara Xasan Cumar Macalin oo BBC Soomaali la hadlay ayaa xaqiijiyey in qoyskaas dhamaan ay wada geeriyoodeen.
Geesta kale BBC waxay la xiriirtay afhayeenka ciidamadda AMISON, waxaana uu sheegay in arintaas aannu waxbka ka ogayn balse uu ku samayn doonno baaritaan.