You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Real Madrid oo ku guulaystay koobka kooxaha aduunka
Cristiano Ronaldo sadexley uu dhaliyey ayaa u suurtagalisay kooxda Real Madrid inay ku guulaysto koobka kooxaha aduunka ka dib markii waqti dheeraad ah oo lagu daray cayaarta ay kaga badiysay kooxda Kashima Antlers ee dalka Jabaan.
Real ayaa hogaanka cayaarta qabatay daqiiqadii 9-aad gool uu dhaliyey took Karim Benzema,laakiin Gaku Shibasaki ayaa laba gool oo uu dhaliyey labada qaybood ee cayaarta wuxuu keenay in kooxda Kashima ay hogaanta la wareegto.
Ronaldo ayaa bareejeyey cayaarta ka dib markiiuu dhaliyey gool ku laad, daqiiqadii 60-aad, ka gadaal markii Shuto Yamamoto uu qalad ku galay cayaaryahan Lucas Vazquez.
Guulaystaha laacibka aduunka [Ronlado] ayaa waqtigii dheeraadka aha ee cayaarta wuxuu kooxdiisa siiyey hogaanka isagoo ay kubad isku dhiidhiibeen Benzema, todobo daqiiqo ka dibna wuxuu xaqiijiyey dhalinta sadexley.
Guushan waxay siinaysaa Real koobkii labaad koobka kooxaha aduunka, iyo in aan laga badin 37 kulan dhamaan koobabka.