You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaaliya oo beenisay in xoolaheeda ay cudur qabaan
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay baaritaan ku sameyso cudurka uu Sucuudigu sheegay inay qabaan xoolaha Soomaaliya.
Wasiirka xanaanada Xoolaha ayaa xaqiijiyay in xoolaha Soomaaliya ay caafimaad qabaan, cudurka uu Sucuudiga sheegayana uusan ahayn mid laga garanayo dalka Soomaaliya.
Haddaba weriyaha BBC, Axmed Xaaji xasan ayaa arrimahaasi ka wareystay wasiirka xanaanada xoolaha ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid.