You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ronaldo oo ku guulaystay abaalmarinta Ballon d'Or
Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay markii afaraad abaalmarinta qaaliga ah ee Ballon d'Or award
Ronaldo ayaa ku caawiyey Real Madrid inay ku guulaysato koobka horyaaladda Yurub Champions League xilli ciyaareedkii hore isagoo sidoo kale dhaliyey sadex gool oo xulka qarankiisa Portugal ay ku guulaystay koobkii cayaaraha Euro 2016.
Guushan waxay ugu darsamaysaa sadex xilli oo hore oo kala ah 2008, 2013 iyo 2014 oo uu qaatay abaalmarinta.
Ronaldo hadda wuxuu hal billad ka hooseeyaa xiddiga kooxda Barcelona, Lionel Messi, oo helay darajadan shan xilli oo kala ah 2009, 2010, 2011, 2012 & 2015.