You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mucaaradka bariga Xalab oo degmooyiin kale laga qabsaday
Mucaaradka magaalada xalab waxa ay sheegayaan inay dib u gurteen si ay meel difaac adag u galaan.
Arrintaasi ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada dowladda ay qabsadeen degmooyiin badan oo ka tirsan magaalada kala qeybsan.
Wasiirka difaaca ee Ruushka wuxuu sheegay in mucaaradka ay ka qabsadeen kala bar dhulkii ay maamuli jireen.
Kumannaan qof ayaa ka qaxaya labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka ay kala maamulaan.
Ninka u qaabilsan mucaaradka dhinaca wadahadallada ayaa sheegay in xittaa haddii Xalab dowladda ay qabsato inuusan kacdoonka dhammaandoonin.