You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Iran oo saxiixday heshiis gaas oo qiimahiisu yahay 5 bilyan oo dollar
Iran ayaa saxiixday heshiiskii ugu waynaa ee tamarta tan iyo intii laga qaaday cunaqabataynta caalamiga bishii Janaayo.
Shirkadda Faransiiska ee Total iyo China National Petroleum Corporation, ayaa kol hore ku heshiiyay heshiis shan bilyan oo dollar oo lagu horumarinayo saldhig gaas oo laga samaynayo badda Gacanka Iran.
Total ayaa yeelan doonta qaybta ugu badan mashruuca oo la filayo in la dhameeyo sanadka danbe.
Madaxweyne Xasan Rouhani ayaa doonaya inuu kordhiyo faa'iidada xiriirka dhaqaale ee caalamka, kadib heshiis ay Iran ku xakamaynayso barnaamijkeeda nukliyeerka ee ay la gashay waddamada ugu awooda badan.