You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
UN oo dhaliishay xulafada Sacuudiga
Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen.
Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah
Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeertay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka.
Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani'aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay.
Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay bartilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.