You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Laas Caanood oo mar kale dagaal culus uu ka dhacay

Tebinta tooska ah ee wararka BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Koonfur Afrika oo sheegay iney dhex dhexaad ka yihiin dagaalka Ukraine

    Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Afrika ee, Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in cadaadis aan caadi ahayn lagu hayo dalkaasi, si uu uga tanaasulo mowqifkiisa aan isbahaysiga ahayn ee dagaalka Ukraine.

    Warsidaha toddobaadlaha ah, Ramaphosa, ayaa wuxuu ku sheegay in Koonfur Afrika aysan dhinacna u xaglin doonin waxa uu ku tilmaamay "halganka iyo tartanka u dhexeeya Ruushka iyo reer galbeedka".

    Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii Safiirka Maraykanka u joogga dalka Koonfur Afrika, Reuben Brigety, uu ku eedeeyay dalkaasi inuu si qarsoodi ah hub iyo rasaas u siiyo dowladda Ruushka, inkastoo uu sheegay inuu dhexdhexaad ka yahay.

    Brigety ayaa sheegay in sirdoonka Mareykanka ay ku kalsoon yihiin in bishii December ee sanadkii tagay lagu raray markab laga leeyahay dalka Ruushka oo ku sugnaa xiligaa saldhiga ciidamada badda ee magaalada Cape Town.

    Ramaphosa ayaa waxa uu aqbalay inuu baaro sheegashada, balse waxa uu sheegay in aanay jirin cadaymo la taaban karo oo taageeraya eedaymaha.

  2. Hoggaamiyaha Sudan oo xayiray xisaabaadka bangiyada ee qaar katirsan xoogagga RSF

    Taliyaha ciidamada dalka Sudan, Gen Abdel Fattah al-Burhan, ayaa soo saaray amar lagu xayirayo xisaabaadka bangiyada kooxda xoogga deg degga u hawl gala ee (RSF) iyo shirkadaha xiriirka la leh.

    Digreeto dhowr ah oo uu soo saaray Axaddii, Gen Burhaan, ayaa sidoo kale shaqada kaga fariisiyay afar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee lala xiriiriyay kooxda.

    Mid ka mid ah saraakiisha ay dhibaatadu saameysey, waa Sarreeye Guuto Cumar Xamdaan Axmed, oo ah qaraabada taliyaha RSF ee, Gen Mohammed Hamdan Dagalo, oo hadda madax ka ah wafdi ka socda ciidamada qalabka sida ee wada-hadallada nabadeed ee ka dhacaya magaalada Jiddah, ee dalka Sucuudiga.

    Gen Burhan ayaa sidoo kale xilka ka qaaday gudoomiyihii bangiga dhexe Hussain Yahia Jankol, waxaana uu booskiisa u magacaabay Borai El Siddiq.

    Ma uusan sheegin sababta xilka looga qaaday Jankol.

    Dhanka kale, TV-ga dowladda ee Sudan, ayaa Axaddii dib u bilaabay baahintiisii caadiga ahayd, toddobaad kaddib markii uu hawada ka baxay.

    Baahinta warbaahintani, ayaa uu hakad ku yimid dhowr jeer, tan iyo markii dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo xoogagga RSF uu bilowday 15kii Abriil ee sanadkan.

  3. Maxaa ka soo bixi kara doorashada ku celiska ah ee Turkiga?

    Loolanka madaxtinimada Turkiga ayaa wuxuu galay marxalad kale. Waxaa la isla aaday doorasho ‘kala bax’ ah oo dhex maraysa Madaxweynaha xilka haya Recep Tayyip Erdogan oo helay %49.4 codadkii la dhiibtay, iyo Kemal Kilicdaroglu oo helay %45.

    Labada dhinacba waxay haystaan fursad laba usbuuc ah oo ay dib ugu eegi karaan istaraatijiyadooda, dibna doorasho ugu diyaar garoobi karaan; waa laba todobaad oo siyaasiyiin iyo codad la kala xod-xodan doono.

    Erdogan iyo Kilicdaroglu waxay doonayaan inay xaqiijiyaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen labadii murashax ee tartanka ka haray oo, inkastoo aysan codadkoodu badnayn haddana kaalmo u noqon kara ciddii ay siiyaan. Gaar ahaan waxaa aad loo isha loogu hayaa Sinan Ogan oo helay %5.2. Dhinicii uu raaco ayaa aad loogu badinayaa in doorashada uu ku guulaysto.

    Qormadan oo faahfaahsan halkan ka akhriso

  4. Madaxweynaha Eritrea oo safar dhif iyo naadir ah ku tagay dalka Shiinaha

    Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo safar naadir ah ku jooga dalka Shiinaha, ayaa magaalada Beijing kula kulmay Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping iyo Ra’iisul Wasaaraha Li Qiang.

    Isaias ayaa ubax dhigay Taallada Halyeeyada Dadka ee fagaaraha Tiananmen, taasoo lagu xasuusan doono dhammaan dadkii ku dhintay halgankii lagu dhisay Shiinaha casriga ah.

    Sannadkii 1989kii fagaaraha Tiananmen, ayaa waxay noqotay goob ay ka dhacaan mudaaharaadyo waaweyn, oo lagu doonayay xorriyad siyaasadeed oo weyn.

    Mudaaharaadyada ayaa waxaa ka hor yimid maamulka Shiinaha.

    Isaias ayaa ammaanay waxa uu ugu yeeray wax ku biirinta Shiinaha ee wax ka bedelka nidaamka adduunka.

  5. Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee wareega labaad ee doorashada Turkiga

    Guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada, Ahmet Yener, ayaa ku dhawaaqay in xadiga sanduuqyada cod bixinta ee la furay markii ay saacadda Turkiga aheyd 15:15 uu gaaray 100%.

    Waxaa wareegga labaad ee doorashada la qaban doonaa maalinta Axadda ah, ee ay bisha ku beegan tahay 28-ka Bishan May, 2023, sida ku cad jadwalka xiliga doorashadii hore loo shaaciyay.

    Isagoo sheegay in tirada codbixiyayaashu ay ahayd 88.92 boqolkiiba, Yener, ayaa sheegay in 52.69 boqolkiiba ay ka soo baxeen dibadda, iyo inay jiraan 35,874 codad dibadda ah oo tirintooda ay socoto.

    Yener waxa uu yidhi, “Sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah, waxa la ogaaday in Edogan uu helay 49.51%, Kılıçdaroğluna uu helay 44.88%. Ogan ayaa helay 5.17%, halka İnce uu helay 0.44%.

    Guddoomiye Yener, ayaa ku dhawaaqay in haatan wixii ka danbeeya la sameyn karo olole siyaasadeed, si looggu diyaar garoobo tartanka doorashada wareega labaad.

  6. Ingiriiska oo tababaraya duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka ee Ukraine

    Waxaa kasoo baxay fal celin hadalkii uu sheegay Madaxweynaha Ukraine Zelensky ee diyaaradaha dagaalka.

    Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in Ingiriiska uu noqon doonto qayb muhiim ah oo ka mid ah isbahaysiga wadamada taageera Ukraine .

    In kasta oo uu sheegay in "aysan ahayn wax sahlan" in la dhiso awoodda diyaaradaha dagaalka ee dalka Ukraine.

    Ma aha oo kaliya bixinta diyaaradaha, sidoo kale taageerada waxaa kamid ah tababarka duuliyayaasha iyo saadka kale, ayuu yiri, ha yeeshee Ingiriiska "uu qayb wayn ka qaadan doono" arrintaas.

    Waxa uu sheegay Rishi in Ingiriiska uu bilaabi doonto – si degdeg ah tababarka duuliyayaasha Ukraine.

    Ingiriiska, ayaa ku dhawaaqay barnaamij tababar oo looggu tala galay duuliyayaasha Ukraine ee diyaaradaha casriga ah ee F-16 bishii Febraayo.

    Ciidanka Cirka ee Ukraine, ayaa wali ku tiirsan diyaarado xilligii Midowga Soofiyeeti la sameeyey, waxayna si joogto ah u dalbadaan casriyeyn.

  7. Ruushka oo ka hadlay doorashada dalka Turkiga

    Maamulka Kremlin-ka, ayaa sheegay inay rajeynayaan in Ruushka uu "sii xoojiyo " xiriirka kala dhaxeeya dalka Turkiga, iyadoon loo eegin natiijada doorashada madaxtinimo.

    Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitri Peskov ayaa yiri, "Waxaan ula soconnaa wararka ka imanaya Turkiga si weyn oo xiiso leh, waxaan ixtiraami doonnaa natiijada doorashada dadka Turkiga."

    Si kastaba ha ahaatee, waxaan rajaynaynaa in iskaashigeennu uu sii socdo, oo uu sii qoto dheeraado oo la ballaariyo," ayuu yiri Peskov, sida ay sheegtay wakaaladda AFP.

  8. Tirada cod bixiyeyaasha dibadda oo dib u dhigaya natiijada doorashadaTurkiga

    Ku dhawaad ​​hal milyan oo Turki ah, ayaa ka codeeyay doorashada madaxtinimada dalkaasi, iyagoo kusugan dalkaasi dibaddiisa.

    Tirada ugu badan ayaa waxay codadkooda ka dhiibteen dalalka Jarmalka, Kanada iyo Mareykanka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolu.

    Golaha sare ee doorashada, ayaa sheegay in kororka codadka dibadda ay qeyb ka tahay waxa dib u dhigay tirinta codadka, iyo natiijadaba.

    Wakaaladda ayaa waxay sheegtay in taageerada Erdogan ay aad ugu badan tahay waqooyiga Afrika, iyo qeybo kamid ah galbeedka Yurub, halka Ameerika iyo Oceania ay taageerada Kilicdaroglu ay ku badan tahay.

    Golaha sare ee doorashada, ayaa sheegay in kororka codadka dibadda ay qeyb ka tahay waxa dib u dhigay tirinta codadka.

  9. Kamaal Kilicdaroglu: Waa kuma ninka saboolnimada ku soo koray ee loollanka adag kula jira Erdogan?

    Isbaheysiga mucaaradka ee Turkiga oo ay ku jiraan lix xisbi ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga, Kamaal Kilicdaroglu, uu u sharraxan yahay doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta 14-ka May ee sanadkan, iyadoo Kilicdaroglu uu billaabay dagaalkiisii ugu horreeyay ee dhanka loollanka madaxtinnimo uu la gali doono madaxweynaha hadda talada haya, ahna hoggaamiyaha xisbiga caddaaladda iyo horumarka Rajab Dayib Erdogan.

  10. Sidee looga codeeyay gobihii uu dul-gariirka ka dhacay?

    Ilaa 11 magaalo ayaa si ba’an u saameeyay dhulgariirkii bishii February ka dhacay dalka Turkiga, waxaana meelahaas lagu dhaliilay dowladda inaysan si degdeg ah wax uga qaban.

    Siddeed ka mid ah magaalooyinkan ayaa ah magaalooyinka ay ku xooggan yihiin AKP iyo Erdogan, halkaasoo madaxweynaha uu helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay labadii doorasho ee ugu dambeysay ee madaxtinimo.

    Marka loo eego natiijooyinka hordhaca ah, codadka aagga waxba iskama beddelin.

    Waxaa hoos u dhacay 2-3% codadka shan ka mid ah magaalooyinkaas, halka 3-da kale, taageeradiisu aysan waxba iska bedelin sidii ay ahayd doorashadii madaxtinimada ee 2018-ka.

  11. Warar kale: Ciidan hubeysan oo gudaha u galay safaaradda Soomaaliya ee Sudan

    Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay galeen safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, isla markaana ay dhac ka geysteen. Halkan ka akhri faahfaahinta

  12. DAAWO: Sida uu xalay ahaa xaalka Turkiga

  13. Wararkii ugu dambeeyay ee tirinta cododka doorashada Turkey

    Guddoomiyaha Guddigga sare ee doorashada Turkey Axmed Yener ayaa shaaciyay tiradii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynenimada ee Turkey.

    Waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la furin 27 sanduuq oo ay codod ku jiraan.

    Sideed kun iyo shan iyo lixdan sanduuqa oo keliya ayaa laga furay sanduuqyada codeynta ee qurbajoogta.

    Waxaa weli dhiman Kun shan boqol iyo sagaal iyo laabatan sanduuqa oo ay qurbojoogta ku codeeyeen.

    Ilaa iyo hadda waxa uu Erdogan heystaa 49.40 boqolkiiba tirada guud ee cododka la tiriyay. Musharaxa mucaaradka ee Kilicdaroglu ayaa helay 44.96 boqolkiiba.

  14. "Madaxweyne Erdogan wuxuu mar waddooyinka ku iibin jiray rooti"

    Waxaa weli socota tirinta cododka doorashada madaxweyenimada ee Turkey. Doorashadan oo sanadkan aad isha loogu hayo, waana mid ka mid ah doorashooyinka ugu muhiimsan caalamka.

    Haddaba aan milicsanno saameynta uu dalkan Muslimka ah ku leeyahay caalamka, iyo taariikhda madaxweynaha muddo dheer kaddib doonaya inuu xilka mar kale ku guuleysto.

    Waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay aad loo dareemay saameynta sii kordheysa ee dalka Turkiga uu ku yeelanayo caalamka.

    Dalkan oo ku yaalla galbeedka qaaradaha Aasiya iyo qeyb ahaaan Yurub ayaa saameyntiisa milateri, midda dhaqaale iyo tan siyaasadeed aad loo dareemay sanadihii dambe.

  15. Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Turkiga

    Waxaa la tirinayaa codadka doorashada madaxtinimada dalka Turkiga, taasoo u muuqata inay ku sii socoto in la aado wareeg labaad.

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Kemal Kılıçdaroğlu labaduba waxay sheegeen inay aqbali doonaan tartanka wareegga labaad.

    Musharaxa wuxuu u baahan yahay 50% codadka la dhiibto si uu u guuleysto.

    Erdoğan iyo Kılıçdaroğlu ayaa mid walba u sheegay taageerayaashiisa inay u maleynayaan inay guuleysan karaan.

    Doorashadan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo dalka uu la daalaa dhacayo sicir barar xoogan, dhawaana ay ka dhaceen dhulgariirro aad u ba’an.

  16. Saaxiibbadii Erdogan ee hadda ka raacay mucaaradkiisa

    Waxaa socota tirinta cododka madaxweynenimada iyo tan baarlamaanka ee Turkey. Doorashadan lagu tilmaamay tan dunida ugu muhiimsan sanadkan 2023.

    Rajab Tayib Erdoğan oo Turkiga xukumayay labaatankii sano ee la soo dhaafay ayaa doonaya in xilka mar kale loo doorto shan sano oo cusub.

    Waxaa la saadaalinayaa in loolanka ugu adag uu dhexmari doono Erdoğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee isbahaysiga qaran.

    Sidoo kale, afar iyo labaatan xisbi iyo 151 musharraxiin madax bannaan ah ayaa u tartamaya ka mid noqoshada baarlamaanka Turkiga oo ka kooban 600 oo kursi.

    Haddaba, waayo saaxiibaddii Erdogan ee hadda ka raacay mucaaradka? Halkan ka sii akhri

  17. Xubnaha Xisbiga Erdogan oo guuldaraddii ugu weyneyd kala kulmay baarlamaanka

    Codbixiyeyaasha Turkey ma dooranayaan madaxweyne oo keliya se waxay sidoo kale u codeynayaan xubnaha cusub baarlamaanka ka kooban lix boqol oo kursi.

    Xisbiga Erdogan ee AK ayaa helay cododka ugu badan, laakiin waxaa hoos u dhacay tirada kuraasta ay ku yeelan doonaan baarlamaanka cusub.

    Waa tiradii ugu badneyd ee kuraas baarlamaan ah oo uu lumiyo xisbiga Erdogan ilaa 2002dii.

    Doorashadii 2022dii waxa uu xisbiga AK uu 363 kursi ka helay baarlamaanka. Wixii markaas ka dambeeyay, marna xisbiga Erdogan ma helin wax ka yar saddex boqol oo kursi - si kasta oo uu xisbigu hoos ugu dhacayay doorasho walba tan ka dambeysa.

    2018kii waxa uu xisbiga Erdogan ka helay kuraasta baarlamaanka 295 kursi. Laakiin natiijada hordhaca ah ee maanta waxay muujineysaa in xisbiga AK uu lumiyay 28 kursi oo baarlamaanka ah taas oo ka dhigan in uu golaha cusub ku yeelan doono 267 xildhibaan.

    Laakiin 56 kursi oo kale ayaa xisbiga uga soo biiri doona saddex xisbi oo kale oo ay isbaheysi ku jiraan. Taas waxay Erdogan weli siineysaa aqlabiyad xoogan oo ka dhigeysa tirada xubnaha baarlamaanka ee xibsiga AK iyo kuwa isbaheysiga la ah saddex boqol iyo saddex iyo labaatan kursi.

  18. Dareenka dadweynaha Istanbul oo aad u kacsan

    Waxay ahayd habeen aad u dheer - iyo mid aad u xamaasadeysan. Saaka waxaa weli magaalada laga dareemayaa xiisad, sababtoo ah ma jirto natiijo cad. Waxaana dadka guud ahaan ay rabeen in doorashada ay ku dhamaato wareegga koowaad.

    Ma aysan doonaynin laba toddobaad oo kale oo jawi kacsan ah, gaar ahaan taageerayaasha mucaaradka.

    Way niyad jabeen, sababtoo ah ra'yi ururin dhawaan la sameeyay waxay muujisay in Kilicdaroglu uu dhab ahaantii ku guuleysan karo jagada madaxtinimada wareegga koowaad.

    Waxaa sidoo kale ra'yi uruurinta lagu ogaaday inuu heli karo in ka badan 50% codadka la dhiibto, sidaas darteed rajada ayaa ahayd mid aad u sareysa.

    Waxay dhab ahaantii dareemeen in awoodda ay ku jirto gacantooda, tanina waxay ahayd mid iyaga ku cusub.

    Weriyeha BBC Selin Girit oo sharaxaysa dareenka dadka

  19. Erdogan: Hoggaamiyaha ugu awoodda badan Turkey kadib Ataturk

    Mustafa Kemal Ataturk, taliye ciidan oo ka tirsanaa dowladdii Cusmaaniyadda, ayaa dhidibada u taagay Jamhuuriyadda casriga ee Turkey 1923. Waxa uu soo rogay xukun adag oo calmaani ah, oo kala sooca dowladda iyo dhammaan astaamaha diinta.

    Ilaa berrigaa, ciidanka ayaa afgembiyay afar dowlad oo ay u arkayeen inay halis ku yihiin xukunka calmaaniga ah. Xukunka noocaas ah waxaa uu horseeday in dadka muslimka ah ay dareemaan caburin iyo cadaadis uga yimaada dowladda iyo askarta.

    Laakiin Recep Tayyip Erdogan oo isaga qudhiisa ba ay xirtay dowladda calmaaniga ah dhowr jeer, ayaa bedelay xeerarkii adkaa ee calmaaniga ah tan iyo markii uu xukunka qabtay 2003dii. Waxa uu tagaaeero balaaran oo aysan wax shuruud ah ku xirneen helay bulshada qeybteeda muslimiinta ah ee calmaaniyada kasoo horjeeday.

    Waxa uu soo rogay xeerar loo arkay inay u adeegayaan diinta iyo kuwa loo arkayay in uu awooddiisa ku kordhiyay.

    Markii ugu horreeyay waxa uu noqday Raysal wasaare isaga oo 2014kii noqday madaxweyne. Waxaa uu xoojiyay awoodda madaxweynaha kadib afgembigii fashilmy ee 2016kii.

    Kadib labaatan sano oo uu ahaa siyaasiga ugu saameynta badan, dadka qaar ayaa ku tilmaama in uu yahay hoggaamiyaha ugu awoodda badan Turkey waixii ka dambeeyay Ataturk.

  20. Sawirro: sida ay xalay aheyd xaalada Turkiga