Shirkii jaraa’id ee uggu
horeeyey ee ay qabtaan Taliban, illaa iyo intii ay xukunka la wareegeen, iyagoo
kaga jawaabey mawduucyo fara badan. Kuwa uggu waa weyn, waa sidan soo socota:
·Kooxdu waxey si deg deg ah ugga shaqeyneysaa dhisidda dowlad,
waxaa lagu dhawaaqi doonnaa marka la dhameystiro, sida uu sheegay afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid,.
·Wuxuu sheegay in haweenku ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan
bulshada dhexdeeda, loonna oggolaan doono iney shaqeystaan, iyadoo loo eegayo
hannaanka nolosha ee sharciga Islaamka, laakiin ma aanu sharaxin waxa taa loola
jeedo ficil ahaan.
·Mar la weeydiiyey dadka qandaraaska iyo turjubaanada u ahaa
awoodaha shisheeye, Mujahid ayaa sheegay in aaney jiri doonin aargudasho lagula
kaco qofna, iyadoo kooxdu ay u fidisay cafis qof waliba, si loo gaaro nabadda
iyo xasiloonida dalka Afghanistan.
·Wuxuu kaloo sheegay afhayeenku in Taliban ay qadarin doonto
kaalinta warbaahinta madaxa bannaan, iyagoo balan qaadey in warbaahinta gaarka
loo leeyahay ay sii ahaan karto mid xor ah oo madax bannaan.
·Laakiin wuxuu ka digey in warbaahinta ay u shaqeyso si gurracan,
oo iyaga kasoo horjeeda.
·Mar la weeydiiyey halista ka dhalan karta haddii ay marti
galiyaan ururo ay kamid yihiin al-Qaeda ama kuwa kaloo argagaxiso, ayaa waxa uu
sheegay Zabihullahi Mujahid in dalkani aanan mar danbe loo isticmaali doonin goob
lagaga duulo dalal kale.
·Sidoo kale, wuxuu sheegay afhayeenka Taliban iney qorsheeyeen
inay ciidankooda ku hakiyaan daafada magaalada Kabul, si hannaanka kala guurka
looggu dhameystiro si dagan, laakiin ay soo baxdey duruuf ku qasabtey iney u galaan gudaha magaalada, si ay u hubiyaan ammaanka dadka dagan magaalada.