“Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xor bay u tahay”
Warbixintaas iyo kuwo kale oo Soomaalida iyo caalamka ku saabsan kaga bogo tabinteenna tooska ah.
Tebin toos ah
Wasiir Tuniisiyaan ah oo musuqmaasuq loo eryay
Wasiirka tamarta ee dalka Tuniisiya Khaled Gadour iyo afar
masuul oo kale ayaa la eryay iyaga oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Ra’iisulwasaaraha Tuniisiya Youssef Chahed yaa amray in
baaritaan lagu sameeyo, wuxuuna sheegay in la isku dari doono wasaarado.
Arrintan ayaa layaab ka noqotay saaxada siyaasadda ee Tuniisiya.
Afhayeen
u hadlay dawladda ayaa sheegay in faahfaahin intaas ka badan dadka loo soo
bandhigi doono galinka dambe ee maanta.
“Ciddaan qancin wayno in ay na xagxagato xorbay u tahay”
Xigashada Sawirka, ADDIS STANDARD
Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi
suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin "xagxagashadiisa".
Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray
“Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase
yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa
bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.
Waxaa jira walaac laga qabo in dadka qaar ay xoriyadda hadalka u isticmaalaan si aan munaasab ahayn.
Dadka isku qamaamaya oo ku soo badanaya goobaha lagu qaxweeyo ee Jigjiga
“Tobankii sano ee la soo dhaafay way adkayd in aad aragto dhallinyaro is maan dhaafay oo is dagaalaya ama la kala qabanayo, balse hadda meelaha shaaha lagu cabo ee Jigjiga dhallinyaro lagu kala hayo ayaad arki” ayuu yiri Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo horay bare uga soo noqday Jaamacadda Haramaya ee dalka Itoobiya, haddana aad ugu dhuun duleela deegaanka maadaama oo uu ka shaqeeya arrimaha samafalka.
Madaxweynaha oo markii xilka loo soo xulay ka hadlaya in aan qofna laga aqbali doonin si xun u adeegsiga xoriyadda hadalka ayaa yiri “ Marka qawaaniinta caalamka iyo midka dalka Itoobiyaba la fiiriyo waa dambi in qof dhaho qabiil hebaloow qabiil hebal ku duul”.
Cabdiraxmaan oo ka hadlaya faa’iidada xoriyadda ayaa sheegay in ay tahay arrin wanaagsan oo xukuumadda ka caawin doonta in ay ogaato dareenka dhabta ah ee shacabka oo wakhti dheer meesha ka maqnaanaa.
Hoos ka dhagaysi waraysi aan la yeelanay Cabdiraxmaan Axmed Xasan oo ku saabsan sida ay dadka Jigjiga uga falceliyeen xoriyadda hadalka.
Cimilada oo sare u qaadaysa taranka iyo wax cunidda cayayaanka
Xigashada Sawirka, SPL
Cilmi baaris cusub oo
lagu sameeyay cayayaanka ayaa ka digaysa in cimilada sii kululaanaysa ee
Adduunka ay dhiirigalinayso in ay nooleyaashaas aad u tarmaan, wax badanna
cunaan, taas oo waxyeelo baaxad leh u gaysan doonta dalaga beeraha.
Goobaha qaboobaha ah ayaa
noqondoona kuwa ay dhibaatada ugu badan soo gaarto, dalaga deegaannadaas ka soo
go'a ayaana hoos u dhici doona boqolkiiba konton.
Xigashada Sawirka, KEITH EWING / CC BY 2.0
Qoraalka sawirka, Qamadiga iyo dalagga kale ee qaboobaha ka baxa ayay arrintani aad u saamayn doontaa
Booliiska Uganda oo safar ka hor istaagay xildhibaan Bobi Wine
Xigashada Sawirka, AFP
Booliiska dalka Uganda
ayaa lagu soo warramayaa in ay horistaageen isku day uu dalka uga dhoofayay
xildhibaan Bobi Wine, isaga oo rabay in uu dawayn u raadsado dalka dibaddiisa.
Waxaa lagu eedeeyay
khayaano qaran ka dib markii la dhagax tuuray baabuur uu watay madaxweyne Yoweri Museveni wakhti
ay socotay doorasho ku celis ah.
Boni ayaa aad u dhaawacmay
ka dib markii la sheegay in ay booliisku garaaceen.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Canada oo rabta in ay dhisto dhuun shidaal oo maxkamadi ka soo horjeedsatay
Dawladda Canada ayaa sheegtay in ay ka
go'antahay inay hirgaliso dhuunta shidaalka qaadda ee buurta Trans Mountain inkastoo ay maxkamadi hor istaagtay
mashruucaas.
Dawladda ayaa soo diyaarsatay
dhuumaha iyada oo doonaysa in ay shidaal ka qaaddo dhulka Buuralayda ah oo ay
gaadhsiiso ilaa xeebta Pacific Coast.
Balse Maxkamadda ayaa
go'aamisay in Ottawa ay ku
guuldarraysatay in ay hoos u eegto walaaca ay soo gudbiyeen dadka deegaankaasi
asal ahaanta u daganaa.
Xigashada Sawirka, COURTESY GREENPEACE
Imran Khan oo lagu dhaliilay in uu diyaarad u raaco meel 15km u jirta
Xigashada Sawirka, Reuters
Hadal haynta dhanka Online-ka ee dalka Pakistan waxaa toddobaadkan hareeyay gaadiidka uu adeegsado Imran Khan oo dhawaan loo doortay Ra’iisulwasaarenimo.
Imran ayaa diyaaradaha
qumaatiga u kaca adeegsada marka uu ka baxayo guriga uu khaaska u leeyahay ee
uu u sii socda deegankiisa rasmiga ah oo 15km u jira.
Qaabka uu usafro
ayaa lagu dhaliilay in uu yahay mid ay dhaqaale badan ku baxdo, maadaama oo uu
horay u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono qaab dhaqanka xafiisyada iyo
siyaasiyiinta.
Wasiirka warfaafinta
ee Pakistan Fawad Chaudry oo damcay in uu difaaco ayaana hadal haynta sii huriyay.
Isaga oo shir jaraa’id
ka hadlaya ayuuna sheegay in adeegsiga diyaaradda qumaatiga u kacda aysan ahayn
qaali, halkii kiiloo mitirna ay ku baxdo 55 rupee oo u dhigantan $0.77.
“Google ayaan
arrintaas ku arkay” ayuuna sii raaciyay”
Dadka ayay ka
daadagi wayday in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay sidaas u riqiisan yihiin.
Dadka Pakistan ku
sugan ee adeegsanaya magaca #Helicopter ee Twitterka ku jira ayaana sare u
kacay, iyadoo eraygaas lagu soo daray 16,000 jeer qoraallo Twitter lagu soo daray Isniintii oo kali ah.
Dad badanna waxay
billaabeen in ay ku kaftamaan arrintan.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Qiimahaha saxda ah waa imisa?
Dadka ka biyo diiday hadalka wasiirka caddayn ma heli karaan? Jawaabta oo kooban waa haa?
Sida ay muujinayso cilmi baaris ay BBC Urdu samaysay diyaaradda uu Ra’iisulwasaaraha adeegsado ee nooceedu tahay Agusta Westland AW139, shidaalka ay adeegsato halkii kiiloo mitirba waa 1,600 Rupee oo u dhiganta $23, qiimahaas ayaana ka sarreeya 55 Rupee ee uu sheegay wasiir Chaudry.
Qiimahaas ayaana ah inta aan wali lagu darin kharashaadka kale een shidaalka ahayn ee ay diyaaradaha qumaatiga u kaca adeegsadaan.
Xigashada Sawirka, GOVERNMENT OF PAKISTAN
Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada, tabintan tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.
Waa maalin Jimce ah oo ay taariikhdu tahay 31 Agoosto 2018.
Tabinteennii tooska ahayd ee maanta waa naga intaas tan iyo barri nabadgelyo.
Xukuumadda Britain oo kordhinaysa kharaska ay ku taageerto AMISOM
Qoraalka sawirka, Theresa May
Kadib safar maanta oo khamiis ah ay dalka Kenya ku timid Raisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Mr May oo arrintaas ka hadlaysayna waxay tiri: " UK waxay sii wadi doontaa ka go'naanshaha iyo taageerada ay siiso geesiyaasha reer Kenya ee Soomaaliya kula dagaallamaya Alshabaaab".
Haddaba maxuu ka dhigan yahay dhaqaalahan cusub ee Theresa May ay u ballanqaadday ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya? Dr Ibraahin Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha gobolka ayaa qaba " in kaalmadaan cusub aanay waxba soo kordhinayn balse ay qayb ka qaadan karto gaboodfallada ay ciidamada AMISOM ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya".
Ghana: Ururka xiriirka kubadda cagta oo shaqadii laga joojiyey
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kwesi Nyantakyi
Maxkamadda
sare ee dalka Ghana ayaa xayiraad saartay dhammaan shaqooyinkii uu qaban jiray
ururka xiriirka kubadda cagta ee Ghana muddo 10 cisho ah.
Ruushka: waa in argagixisada laga tirtiraa gobolka Idlib ee Suuriya
Wasiirka arrimaha diabadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa
sheegay inay tahay in waxa uu ku
tilmaamay argagixisada laga xaaqo
gobolka Idlib ee ay fallaagadu gacanta ku hayso ee dalka
Suuriya.
Shir jaraa’id oo ay magaalada Moscow kuwada qabteen asaga
iyo dhiggiisa Suuriya, Walid Muallem, ayaa Mr Lavrov waxa uu ku eedeeyey
kooxaha ka dagaallama gobolka Idlib in ay qorshaynayaa in ay qaadeen wareerar
ay u adeegsadaan hub kiimiko ah si markaas dawladda Suuriya eedda dusha looga
saaro.
Qoraalka sawirka, Sergei Lavrov
Diyaarad ku burburtay Itoobiya oo ay dad ku dhinteen
Qoraalka sawirka, Itoobiya
Sideed iyo toban qof ayaa ku dhintay diyaarad nooca
qummaatiga u kaca ah oo ku burburtay dalka Itoobiya. Diyaaraddan oo ay
ciidamada militarigu lahaayeen ayaa kusoo dhacday duleedka Magaalada Caasimadda
ah ee Addis Ababa. Masuuliyiinta dalkaas ayaa sheegaya in aanay jirin cid ka
badbaaday shilkaas diyaaradeed.
Gobolka Kashmir oo adeegyadii dadweynaha irdaha la isugu dhuftay
Iskuulada, dukaamada iyo sharikadaha ganacsiga ee gobolka Hindiya ay maamusho ee Kashmir ayaa
xiran kahor fadhi gaar ah oo maxkamadda sare ay ku eegayso arrimaha gaar ah ee
gobolkaas uu ku yeelanayo dastuurka.
Hoggaamiyeyaasha gooni u goosatada ah ayaa ku baaqay shaqo
joojin labo cisho ah oo ka dhacaysa guud ahaan gobolkan ay muslimiintu u badan
yihiin kaas oo looga soo horjeedo tallaabooyinka ay qaadayso maxkamadda Delhi
maalinta Jamcaha ah.
Iiraan oo maxkamad geysay Maraykanka
Waxaa maalintii afaraad
gashay dacwad u dhexaysa Maraykanka iyo Iran oo ay dhagaysanayso maxkamadda
caalamiga ah ee cadaaladda.
Iran ayaa muddo 40 sano
ah ku faanaysay inay u babac dhigtay Maraykanka oo ay ku tilmaamto inuu yahay
Sheydaan weyn.
Balse xukuumadda Tehran
oo ka duulaysa heshiiskii Amity ee labada dal dhex maray sanadkii 1955-tii,
ayaa ku doodaysa in Maraykanka uu baalmaray heshiiskaasi saaxiibtinnimada ku
dhisanaa, uuna cunaqabateyn saaray dalkeeda.
Inkastoo ay
hogaamiyayaasha Iran ku doodayaan in aanay waxba u dhimin cunaqabateynta
Maraykanka, ayaa dhanka kale qareennada matalaya dalkaasi waxa ay maxkamadda ka
hor qireen in cunaqabateynta ay dhulka la gashay dhaqaalaha dalkaasi, isla
markaana ay horseedday xasilloni darro bulshada dhexdeeda ah.
Doodda Iran ayaa ah in
cunaqabateynta Maraykanka ay tahay cadawtinnimo ka dhan ah dalkeeda, sidaa
darteedna ay meel ka dhac ku tahay heshiiskii Amity ee ay labada dal kala
saxiixdeen mudda laga joogo 63 sano.
Qareennada Maraykanka
ayaa maanta soo gudbin doona jawaabtooda ku aaddan dacwadda ka dhanka ah,
waxaana ay sharraxi doonaan sababta kiiska aanu u ahay mid sal leh, isla markaana
aanay go’aan ka gaari karin maxkamadda.
Maraykanka ayaa sheegay
in doodda Iran ay ku qotonto heshiiska nukliyeerka, kaasoo taabanaya ammaanka
qaran ee dalkiisa, isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn heshiiskii Amity.
Qodobo ka mid ah
heshiiska Amity ayaa dhigaya in labada dal ay wadaxaajood ku dhameeyaan khilaaf
kasta ka hor inta aanay u dacwoon Maxkamadda caalamiga ah ee
cadaaladda.
Maraykanka ayaa
tilmaamay inuu diyaar u yahay wadahadal, balse uu arrinkaasi diiddan yahay
hogaamiyaha Iran, ficillada iyo hadallada maamulkaasi ee wixii ka dambeeyay
kacaankii 1979 uu ka dhan yahay danaha Maraykanka.
Iran ayaa codsanaysa in
maxkamaddu ay go’aamiso joojinta cunaqabateynta ilaa iyo inta ay dooddan go’aan
buuxa ka gaarayso.
Xigashada Sawirka, .
Theresa May oo dhaqaale horleh u ballan qaaday AMISOM
Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'isal wasaarha Ingiriiska Theresa May oo maalmahan socdaal ku maraysay dalal Afrikaan ah ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay socdaalkeedii saddexda maalmood ahaa ee Afrika ku soo gabagabaynayso.
May oo kulankaas ka dib hadashay ayaa tiri
Dhanka kalana waxay xukuumadda labada dal kala saxiixan doonaan heshiis u fududayn doona in Kenya ay dib u soo ceshato hantida dawladda lagaga xaday musuqumaasuqa.
Uhuru Kenyatta oo faahfaahin ka bixinaya arrimaha kale ee masuuliyiintu ay isla soo qaadeen ayaa yiri
Dukaamo ay Soomaali leedahay oo Koonfur Afrika "lagu boobay"
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Sawir hore
Qalalaase ayaa ka qarxay xaafadda isku raranta ah ee Soweto ee magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika halkaas oo lagu weeraray tukaamada ay dadka ajaaniibta ah ku leeyihiin oo lagu boobay.
Booliska dalkaas ayaa rumaysay in qalalaasuhu ka dhashay nin Soomaali ah oo dadka deegaanku ay ku eedeeyeen in uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo damcay in ay tukaankiis dhacaan.
Waxaa halkaas ku dhintay labo qof oo aan la sheegin dalalka ay u dhasheen, dad badanina way ku dhaawacmeen.
"Dhibaatadu way sii socotaa, khasaarahuna marba marka ka dambaysa way ka sii daraysaa, waxaan soo marnay ganacsiyo la boobay kuwo kalana haddaan joogaa, Soomaaliduna meelo kala fogfog ayay ganacsiyada ku kala leedahay, ayuu yiri Suldaan Ducaale Maxamed Cali oo ka mid ah odayaasha Soomaalida ku dhaqan magaalada Johannesburg.
Ducaale oo goor hore noo warramay ayaa intaas ku daray in aysan haynin tirakoobka dhabta ah ee dhibaatada Soomaalaadida gaartay maadaama oo ay saacad saacad u dhacaysay.
England oo rabta in carruurta laga mamnuuco cabitaannada tabarta laga helo
Waxaa la qorshaynayaa in sharaabka
tabarta laga helo laga mamnuuco carruurta ay da’doodu ka hoosayso 18, iyada oo
laga cabsi qabo in ay wax u dhinto caafimaadka da’yarta, sida ay sheegtay ra’iisulwasaaraha.
Dawladda ayaa billawday wada tashi ay la samaynayso
dadwaynaha oo ku saabsan qorshaha ay dawladdu rabto ee ah in carruurta laga
mamnuuco iibsashada sharaabkaas.
Cabitaannada loo qaabeeyay in tabarta laga helo waxaa
ku badan sonkorta iyo maadooyin kale, waxaana lala xiriiriyay cayilka siyaasadda
ah iyo waxyaabo kale oo caafimaadka wax u dhima.
Dawladdu waxay dadka kala tashanaysaa da’da ay tahay
in ay sharaabkaas ka mamnuucdo, waxayna kala dooransiinaynaa 16 jir wixii ka
hooseeya iyo 18 jir wixii ka hooseeya.
Scotland, Northern Ireland iyo Wales ayaa leh awoodo u
leh in ay dhaqan galiyaan mamnuucitaan iyaga u gaar ah.
Xigashada Sawirka, SCIENCE PHOTO LIBRARY
Argentina oo dalbatay in lala soo gaaro 50 bilyan oo dayn ah
Dawladda Argentina ayaa si aan
la filaynin u dalbatay in durba loo soo fasaxo 50 bilyan oo doolar oo dayn ah
oo ay ka rabto Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyada oo bartanka kaga jirta
dhaqaalaha sii koraya ee dalkaas.
Madxweyne Mauricio
Macri ayaa sheegay in tallaabadaas looga golleeyahay in lagu soo celiyo
kalsoonidii dhaqaalaha Argentina.
Lacagta dalka Argentine
ayaa 40% qiimo beeshay marka lagu sarrifayo doolarka dalka Maraykanka, sicir bararka
ayaana cirka isku shareeray.
Hay’adda lacagta
Adduunka ayaa Arbacadii xaqiijisay in ay eegayso sidii ay u xoojin lahayd wax
la qabashada dalkaas iyo wax ka badalidda qaabkii ay u wajahaysay.
Xigashada Sawirka, Reuters
Suu Kyi in ay mashaakilka Rohingya "isu casisho" ayay ahayd
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa xuquuqul
insaanka ee Qaramada Midoobay ee xilku ka sii dhammaanayo ayaa sheegay in ay
ahayd in ay is casisho hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi, sababtuna ay tahay
dhibaataddii uu milatarigu sannadkii hore u gaystay Muslimiinta laga tirada
badan yahay ee Rohingya.
Sayid Racad Al Xuseen
ayaa BBC-da u sheegay in isku daygii ay haweenaydaasi ku damacday in ay
ciidammada ugu qiil bixiso ay ahaayeen “wax aad “looga qoomamamoodo”, Aung San
Suu Kyi ayaa horay ugu guulaysatay billadda nabadda ee Nobel Peace loo
yaqaanno.
Hadalkiisa ayaa yimid
ka dib markii warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ay sheegtay in ay tahay
in maxkamad la soo taago masuuliyiinta milatariga Myanmar maadaama oo ay
macquul tahay in ay gaysteen xasuuq.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin Biljam u dhashay oo maydkiisa laga helay waddo Moscow ku taalla
Nin reer Biljam ah oo
ka mid ahaa madaxda shirkad biraha samaysa oo Ruushka ku taalla ayaa isaga oo
mayd ah la helay, ka dib markii uu ka soo dhacay dhisme sagaal dabaq ah, sida
ay ku warrantay warbaahinta Ruushka.
Bruno Charles De
Cooman ayaa madaxweyne ku xigeen ka ahaa qaybta cilmi baarista iyo horumarinta
ee shirkadda Novolipetsk Steel.
Wakaaladda wararka ee
Tass ayaa sheegtay in masuulkan sare uu ka soo dhacay dhisme deegaan ah oo ku
yaalla waddada Serafimovich ee magaalada Moscow, taas oo u dhaw Aqalka Ruushka
looga arrimiyo ee Kremlin-ka.
Ma kala cadda wararka
arrintan ku xeeran, waxaana socota baaritaan ay booliisku wadaan.
Shirkaddan wayn biraha
samaysa ee NLMK ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay geerida De Cooman,
waxayna tacsi u dirtay dadkiisa.
Shirkadda ayaa
sheegtay in aysan wax faahfaahin ah ka bixinaynin dilkiisa ka hor inta laga caddaynayo
waxyaabaha dilkiisa ku xeeran oo dhan.
NLMK ayaa ka mid ah
shirkadaha ugu waawayn Ruushka ee biraha sameeya, waxaana iska leh oligarch
Vladimir Lisin oo ka mid ah dadka ugu dhaqaale badan Ruushka.