You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Maraykanka oo markab shidaal ku qabtay xeebaha Venezuela

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku qabteen markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela

Kooban

Tebin toos ah

  1. Qasa oo wajahaysa daadad iyo qabow daran oo dhimasho sababay

    Roobab culus ayaa ku da’ay Qasa Khamiistii maanta, kuwaasoo dhaliyay daadad ku dhuftay kumanaan teendho oo ay ku noolaayeen qoysas labadii sano ee la soo dhaafya ka barakacayay dagaalka, taasoo sababtay dhimashada gabar yar, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka deegaanka.

    Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in Rahax Abu Jazar oo sideed bilood jir ahayd ay u dhimatay qabow kadib markii biyuhu ku fataheen teendhada qoyska ee Khan Younis, oo ku taalla koonfurta.

    “Markii aan toosnay, waxaan aragnay roob iyo dabaylo, gabadhii ayaa si kedis ah ugu dhimatay qabowga,” ayay tiri Hooyada gabadha, Hejar Abu Jazar, iyadoo ilmeyneysa oo sidata meydka gabadheeda.

    Mas’uuliyiinta degmada iyo hay’adda difaaca rayidka ayaa sheegay inaysan la tacaali karin duufaanta sababo la xiriira shidaal yari iyo qalabka oo gabaabsi ah.

    Waxay sheegeen in Israa’iil ay burburisay boqolaal gaadiid, oo ay ku jiraan qalabka loo adeegsado roobabka iyo fatahaadaha.

    Adeega ilaalinta rayidka ayaa sheegay in teendhooyin badan oo deegaanka ku yaalla ay saameyeen roobabku, waxayna heleen in ka badan 2,500 wicitaan oo caawimaad ah.

    Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwa Falastiin ayaa sheegay in qiyaastii 300,000 teendhooyin cusub loo baahan yahay si loogu adeego dad gaaraya 1.5 milyan.

  2. Ciidamada fallaagada M23 oo qabsaday magaalo hor leh dalka Congo

    Mucaaradka M23 ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegay inay hadda si buuxda ula wareegeen magaalada Uvira – taasoo ahayd magaalada ugu dambeysay ee dowladda gacanta ku haysay ee gobolka Koonfurta Kivu.War-saxaafadeed, mucaaradka ay taageerto Rwanda ayaa ku baaqay in ciidamada Congo ee harsan ay isdhiibaan.

    Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa xaqiijiyay joogitaanka dagaalyahannada ee xarunta guddoomiyaha gobolka iyo hoolka shirarka ee magaalada.

    Magaalada Uvira waxaa dhowr kiiloomitir oo keliya u jirtaa dalka deriska la ah ee Burundi, halkaas oo kumanaan rayid ah ay u barakaceen.Kooxda mucaaradka M23 ayaa hadda xirtay xuduudda.

    Mucaaradku waxay magaalada qabsadeen wax ka yar toddobaad kadib heshiiskii nabadeed ee ay wadeen Maraykanka, Congo iyo Rwanda.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Burundi ayaa qabsashada magaalada ku tilmaamay ceeb madaxweyne Trump.

  3. Dal Yurub ka tirsan oo mamnuucay in gabdhaha yaryar ee Muslimiinta ah ay xijaab ku aadaan iskuullada

    Baarlamaanka dalka Austria ayaa u codeeyay ansixinta sharci mamnuucaya in gabdhaha ka yar afar iyo toban sano ay xiran karaan xijaabka dugsiyada. Xukuumadda isbahaysiga ee muxaafidka ah ayaa soo jeedisay mamnuucistan horraantii sanadkan, iyagoo ku doodaya in ay ka ilaalinayso gabdhaha dulmiga.

    Xisbiga Green Party ee mucaaradka ah ayaa ka hor yimid sharciga, iyagoo sheegay inuu yahay mid ka hor imanaya dastuurka. Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyay mamnuucista oo khuseysa dhammaan noocyada Xijaabka iyo indhashareerka haweenka Muslimiinta ah , iyagoo ku tilmaamay mid takooreya bulshada qaar.

    Isku day hore oo sanadkii 2019 lagu doonayay in lagu soo rogo mamnuucid xijaabka dugsiyada hoose ayaa horey maxkamadda dastuuriga ah u diiday.

  4. Booliska Soomaaliya oo kiiska wiilal walaalo ah oo hore loo sheegay in la afduubtay ka hadlay

    Booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay laba wiil oo walaalo ah oo horey loo shaaciyay in la afduubay.

    Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifatax Adan Xasan, ayaa sheegay in kiiska wiilashaan oo ah walaalo laguna kala magacaabo Ibraahim Muuse Ibraahim iyo Yuusuf Muuse Ibraahim ay ka hayana xog la xiriirta gaarigii lagu qaaday iyo halkii la geeyay.

    Cabdifatax Adan Xasan ayaa intaas ku daray in hal eedeysane loo qabtay arrinta wiilasha walaalaha ah isla markaana xogta ay hayaan ay ku wareejiyeen xeer-ilaalinta.

    Sidoo kale afhayeenku wuxuu sheegay in dad kale oo arrintaan ku lug leh ay boolisku ku daba jiraan ayna rajeynayaan in gacanta lagu soo dhigo.

  5. Taliyihii hore ee sirdoonka Pakistan oo xukun lagu riday kadib markii lagu helay dembiyo waaweyn

    Faiz Hameed wuxuu madax ka ahaa hay’adda sirdoonka ISI intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2021, xilligii ay talada hayeen dowladda uu hoggaaminayay Imran Khan, ra’iisul wasaarihii hore ee hadda xiran.

    Hameed waxa uu ahaa taageere la ogyahay inuu u yahay Imran Khan, wuxuuna si degdeg ah xilka u waayay kadib markii Khan laga tuuray xilka 2022, kadib cod kalsooni kala noqosho ahaa.

    Tani waa markii ugu horreysay ee madax sare oo ISI ah lagu soo oogo dembi oo la horgeeyo cadaaladda Pakistan.

    War-saxaafadeed uu soo saaray ISPR, oo ah waaxda warfaafinta milatariga Pakistan, ayaa lagu sheegay in dacwadda milatarigu socotay 15 bilood, lana bilaabay 12-kii Agoosto 2024, iyadoo lagu saleynayo Xeerka Ciidanka Pakistan.

    Hameed waxaa lagu eedeeyay afar arrimood oo waaweyn:

    • Ka qaybgal siyaasadeed
    • Jabinta xeerka siraha qaranka
    • Ku takri-falka awoodda iyo hantida dowladda
    • Waxyeello u geysashada shacabka

    ISPR waxay intaas ku dartay in Hameed loo oggolaaday qareen uu isagu doorto, isla markaana uu xaq u leeyahay rafcaan ka qaadashada xukunka maxkamadda ku habboon, gaar ahaan Maxkamadda Sare ee Pakistan.

    Faahfaahin dhamaystiran ee kiiska lama shaacin, maadaama dhageysigu ka dhacay maxkamad milatari oo si gaar ah loo xiray.

  6. In ka badan 30 qof oo lagu dilay weerar ay ciidanka Myanmar ku qaadeen isbitaal

    Ugu yaraan 34 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidanka milatariga Myanmar ay duqayn cirka ah ku garaaceen isbitaal ku yaalla galbeedka dalkaas Arbacadii, sida ay sheegeen ilo kala duwan.

    Isbitaalka ayaa ku yaalla magaalada Mrauk-U ee gobolka Rakhine, deegaan ay maamulaan Arakan Rohingya, oo ka mid ah kooxaha qowmiyadaha ah ee ugu awoodda badan ee dagaalka kula jira taliska milatariga.

    Kumannaan qof ayaa ku dhintay, malaayiin kalena waa ay ka qaxeen guryahooda tan iyo markii milatarigu dalka la wareegay 2021-kii, taas oo horseeday dagaal sokeeye.

    Bilihii la soo dhaafay, milatarigu waxa uu kordhiyay duqaymaha cirka si uu dib ugu qabsado dhul ay haystaan kooxaha qowmiyadaha.

    Milatariga Myanmar wax war ah kama aysan soo saarin weerarka, kaas oo kusoo beegmaya iyadoo dalka uu isu diyaarinayo doorashadii ugu horreysay tan iyo afgambigii, lana qaban doono dabayaaqada bishan.

    Si kastaba ha ahaatee, bogagga taageera milatariga ee Telegram-ka ayaa sheegay in weerarka aan lagu beegsan uusan dad rayid ah.

    Khaing Thukha, afhayeenka Arakan ciidamada, ayaa u sheegay BBC-da in inta badan dadka dhintay ay ahaayeen bukaanadii isbitaalka.

    Milatariga waxa uu muddo sanado ah ku jiray dagaal dhiig badan ku daatay oo uu kula jiro maleeshiyaad qowmiyadeed, ilaa xadna waxa uu lumiyay in ka badan kala bar dalka.

    Laakiin qalab casri ah oo ay ka heleen Shiinaha iyo Ruushka sanadihii u dambeeyay ayaa u muuqda inuu ka caawiyay inay beddelaan xaaladda. Milatarigu waxa uu guulo waaweyn ka gaaray duqaymaha cirka iyo weerarrada culus.

    Dowladda Myanmar ayaa ku dhawaaqday doorasho guud oo dhici doonta 28-ka December, iyada oo sheegtay inay tani soo celin doonto xasilloonida siyaasadeed. Balse mucaaradku waxay ku doodayaan inaan doorashadaas loo qaban doonin si xor iyo xalaal ah.

    Kooxaha qowmiyadaha iyo mucaaradka kale ayaa ballan qaaday in ay ka baaqsan doonaan doorashada.

  7. Dadka yaraantoodii la geeyay Maraykanka oo ka cabsi qaba in la tarxiilo

    Shirley Chung, waxay ahayd hal sano jir markii qoys Maraykan ah ay qateen sannadkii 1966.

    Waxay ku dhalatay Kuuriyada Koonfureed, aabbaha dhalay wuxuu ka tirsanaa ciidammada Mareykanka, wuxuuna dib ugu laabtay dalkiisii isla markii Shirley dhalatay. Hooyadeed oo aan awoodin in ay xaaladda la tacaasho ayaa siisay qoys kale si ay u koriyaan kuwaas oo degganaa caasimadda Kuuriyada Koonfureed, Seoul.

    "Wuu naga tagay, waa sida ugu wanaagsan ee aan u dhihi karo," ayay tidhi Shirley oo hadda 61 jir ah.

    Kaddib ku dhawaad hal sano, Shirley waxaa qaatey labo qof oo Mareykan ah, kuwaasi oo geeyey Texas, Maraykanka.

    Shirley waxay ku barbaartay nolol la mid ah tan dhallinyarada badan ee Maraykanka. Waxay dhigatay iskuul, waxay qaadatay shatiga darawalnimada, waxayna ka shaqeysay dukaan.

    "Waxaan la kulmay dhibaato la mid ah middii dhallinyaro badna oo Maraykanka ah ay mareen 80-meeyadii," ayay tidhi Shirley.

    Shirley way guursatay waxaanay dhashay carruur. Waxayna noqotay macallimad dadka barta qalabka muusikada. Nolosheedu waxay si caadi ah u socotay tobannaan sano iyada oo aan wax shaki ah laga qabin aqoonsigeeda Mareykanka.

    Laakiin sannadkii 2012, waxa burburay wax wlaba oo haysatay.

  8. Booliska Itoobiya oo xiray TikTokleey 'dhaqan xumo' lagu eedeeyay

    Booliska Itoobiya ayaa xiray mid ka mid ah dadla caanka ah dalka Itoobiya maalmo kadib markii shan kale oo Tiktokleey ah la xiray kadib markii loo jeediyay eedaymo la xiriira inay goob dadweyne ku xirteen "dhar aan anshax ahayn".

    Adonay Berhane, oo ah dhiiri galiye iyo qofka ka hadla qaab nololeed kaas oo ay ku xiran yihiin ilaa iyo ​​4 milyan oo ciwaan, ayaa horay loogu aqoonsaday in uu yahay "TikToklaha sanadka." Abaalmarinta Hal-abuurka TikTok 2025, isla xafladda ayaa hadda xuddun u ah murankaan lagu soo xiray.

    Booliska ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii Arbacada in uu baaritaan ku socdo, iyaga oo sheegay in tallaabo dheeraad ah laga qaadi doono "qof kasta oo ku xad-gudba qiyamka dhaqameed ee dalka" ama buubuuniya waxa ay ku tilmaameen "dhaqan aan sii qodnayn."

    Xiritaanku wuxuu ka dhashay kadib markii ay TikTokleydaan ka muuqdeen xafladda abaal-marinnada, halkaas oo qaar ka mid ah dadka saamaynta ku leh ay baraha bulshada ay xirteen dhar ay maamulka u arkeen in aanu habboonayn. Sida laga soo xigtay Booliska Federaalka, shakhsiyaadka ayaa looga shakisan yahay inay buunbuuninayaan dhaqamo wax u dhibaya anshaxa guud, iyaga oo ka walaacsan saameynta sii kordheysa ee isbeddellada internetka ee dhalinyarada Itoobiya.

    Xariga ayaa kiciyay doodo baahsan oo ka dhacay baraha bulshada ee Itoobiya.

    Taageerayaasha ayaa ku doodaya in xarigaasi uu xadgudub ku yahay xoriyatul qawlka, isla markaana ay caburinayaan hal-abuurka, halka codadka muxaafidka ah ay difaacayaan booliiska, iyagoo ku adkeysanaya in dadka shacabka ah ay ixtiraamaan xeerarka dhaqanka.

    Iyadoo in ka badan 8 milyan oo isticmaaleyaal baraha bulshada ah ay ku nool yihiin dalka oo dhan, dhacdadani waxay muujinaysaa culayska sii kordhaya ee u dhexeeya dhaqanka dhijitaalka ah ee Itoobiya ee sida xawliga ah u fidaya iyo dhaqamada soo jireenka ah.

  9. Venezuela oo burcad-badeednimo ku tilmaantay falka uu ku kacay Maraykanku

    Xukuumadda Caracas ayaa markiiba waxay dhalleeceysay falka uu Maraykanku ku qabtay markab shidaal oo ku sugnaa xeebaheeda, iyaga oo ku tilmaamay "burcad-badeednimo caalami ah".

    Mar sii horeysay ayaa madaxweyne Maduro sheegay in Venezuela aysan noqon doonin "mid shidaalkeeda lagu gumaysto".

    Maamulka Trump ayaa ku eedeyay Venezuela in ay marin u noqotay daroogada ku soo qulqusha gudaha Maraykanka sidaas daraadeedna ay kor u qaadeen dadaalada ay ku xanibayaan madaxweyne Maduro bilihii la soo dhaafay.

  10. Ilhaan Cumar: "Trump wuu igu qafiifay"

    Shalay ayay ahayd markii uu Donald Trump mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhan iyo Soomaaliyaba.

    Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadalka Madaxweyne Donald Trump uu ka sheegay iyada iyo guud ahaan Soomaalida ku nool dalkaas.

    Isagoo dhawaan ka hdlayay kulan golaha wasiirrada ah, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin "khashin" iyo in Mareykanku "aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin."

    “Ku mashquuliddeyda waa cabsi gelin,” ayay Ilhaan Cumar ku qortay barteeda X. “Waxaana rajeynayaa inuu heli doono caawinaadda uu aadka ugu baahan yahay.”

    "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

    Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko "qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay". Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saartay mamnuucid saarneyd 181 sano.

    ''Way timaaddaa, waxba ma qabato marka laga reebo inay hadasho oo cabato,'' ayuu Trump yiri. ''Mar walba waa ay cabanaysaa. Waxa ay ka timid waddankeeda oo runtii loo arko inuu yahay kan ugu xun adduunka, sax?''

    Hadalladiisu waxay imaanayaan iyadooay bilowdeen howlgal lagu sheegay in lagu qaban-doono dadka laga soo saaray amarro masaafurisah oo ku sugan gobolka Minneapolis, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda.

    Mas'uuliyiinta magaalada Minnesota ayaa cambaareeyay qorshahaas, iyagoo ku doodaya in ay suuragal tahay in si khalad ah loo qabto muwaadinin Maraykan ah oo laga yaabo in ay u muuqdaan kuwo ka yimid dalka Soomaaliya.

    Sidoo kale akhriso

  11. Maxaa ka run ah Fiidiyow laga arkay "miliishiyo macatab-ku-dirir" ah oo gacmo jaraya dalka Itoobiya

    "Ka goo, ka goo..." ayuu yiri nin hubaysan markii ay nin gacantiisa ka gooynayeen.

    Dhawaan waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaal muujinaya nin hubeysan oo muujinaya 'macatab' isla markaana mindi gacanta kaga jaraya nin.

    Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday gobolka Axmaarada. Dadka baraha bulshada ayaa qaarkood waxay soo bandhigayeen inay runtii ahayd dhacdo dhab ah halka kuwa kalena ay sheegayeen in ay sameeyeen garaadka macmalka 'AI'.

    BBC-da ayaa baaritaan ku sameysay xaqiiqada muuqaalka.

    Muuqaalka, ayaa waxaa ka muuqanaya laba nin oo mintidiin ah iyo nin aan magaciisa la sheegin. Nin hubaysan ayaa ag taagan kaasoo qori ku hubaysan.

    Ninka hubaysan ee gacanta ku gooyay mindida ninkan ayaa waxa uu ku labbisan yahay dareeska ciidanka difaaca qaranka iyo calan duug ah oo ah calanka Itoobiya.

  12. Hogaamiyaha mucaaradka Venezuela oo fagaare ka soo muuqatay ka dib bilo ay dhuumaneysay

    Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, Maria Corina Machado, ayaa markii ugu horreysay in muddo ah oo kow iyo toban bilood ka soo muuqatay fagaaraha gudaha dalka Norway.

    Waxaa ay taageerayaasheed u lulaysay gacmaha , kuwaasi oo isugu soo baxay barxada hoose ee hotelka ay ku sugnayd , waxaana taageerayaasheedu qaadayeen heesta heesta qaranka.

    Waxaa ay gaartay Oslo dhowr saacadood kadib xaflad halkaas loogu guddoonsiinayey abaalmarinta Nabadda ee Nobel.

  13. Sidee Turkiga oo horey hubka uga soo iibsan jiray dalal kale uu ku noqday dal iibiya qalabka difaaca

    Shan ka mid ah shirkadaha soo saara qalabka difaaca ee Turkiga ayaa ka mid ah 100-ka shirkadood ee ugu horreeya adduunka ee soo saara hubka, bixiyana adeegyada milatariga.

    Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SPRI) ayaa soo saaray qiimeyn lagu sameeyay 100-ka shirkadood ee ugu sarreeya ee bixiya qalabka difaaca iyo adeegga milatari ee ugu wanaagsan sanadkii 2024.

    Qiimayntan oo ku salaysan dakhliga, shirkadda Turkiga ee Esselsen ayaa ku jirta kaalinta 52-aad, Baykarna waxay ku jirtaa kaalinta 66-aad, iyo Warshadaha Aerospace-ka ee Turkiga oo ku jira liiska 75-aad.

    Shirkadda Warshadaha iyo Kiimikada ayaa ku jirta kaalinta 93aad ee qiimayntan.

    Ku darista shirkadaha Turkiga ee qiimeyntan ugu dambeysay ee SPR ayaa muujineysa in warshadaha difaaca ee Turkiga ay sii kordhayaan, islamarkaana saameynta Turkiga ee ganacsiga hubka ay sii kordheyso.

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isku dayaya in uu ra'yiga dadweynaha uu beddelo isaga oo u xaglinaya isku filnaasho dhanka difaaca ah.

    Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in horumarka dhanka difaaca uu muujinayo saameynta sii kordheysa ee Turkiga uu ku leeyahay caalamka.

    Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka.

  14. "Soomaaliya waa dal aan booliis lahayn, xitaa booliiska qudhooda ayaa is dila" Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, shalay.

    Ujeedka isku soo baxa ayaa ahaa dib u guulaysashada farriintiisii dhaqaalaha iyo hoos u dhigga kharashaadka wax iibsiga ee doorashooyinka dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan sannadka 2026.

    Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday ayaa waxaa sidii dhowaanahanba uu waday aan ka marnayn khudbaddiisa Soomaalida.

    Barasaabka gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota Tim Walz ayuu ku tilmaamay mid kamid ah ''kuwii ugu xumaa'' ee taariikhda barasaabyada, halka xildhibaan Ilhaan Cumar uu ku tilmaamay ''naag xun'' kahor inta aysan dadkii isku soo baxay ku dhawaaqin iyaga oo isla jiibinaya ''dib u celiya''.

    Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ''koofiyad yar'' isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

    "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

    Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko "qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay". Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saartay mamnuucid saarneyd 181 sano.

    Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka.

  15. Fallaagada M23 oo qabsaday magaalo muhiim ah

    Fallaagada M23 ee ku sugan bariga dalka Congo ayaa sheegay inay hadda si buuxda ula wareegeen magaalada Uvira - oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay dawladdu gacanta ku haysay ee koonfurta gobolka Kivu.

    War-saxaafadeed ay soo saareen, kooxdan ay Rwanda taageerto waxay ugu baaqeen askarta Congo ee haray inay is dhiibaan.

    Saraakiil maxalli ah ayaa xaqiijiyay joogitaanka dagaalyahanada M23 ee xarunta guddoomiyaha gobolka iyo hoolka magaalada.

    Uvira waxay u jirtaa dhowr kiilomitir oo kaliya dalka Burundi ee deriska la ah, halkaas oo tobanaan kun oo qaxooti ah ay u qaxeen.

    M23 ayaa hadda xirtay xadka. Tallaabadan cusub ayaa timid wax ka yar toddobaad ka dib markii heshiis nabadeed oo uu Maraykanku dhexdhexaadiyay ay kala saxiixdeen Congo iyo Rwanda.

    Wasiirka arrimaha dibadda Burundi ayaa qabsashada magaalada ku tilmaamay inay ceeb ku tahay Madaxweyne Trump.

  16. Maraykanka oo markab shidaal ku qabtay xeebaha Venezuela

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ku qabteen markab shidaal oo marayay xeebaha dalka Venezuela, taasi oo muujineysa inuu sii kordhayo ololaha cadaadiska Washington ee ka dhanka ah dowladda Nicolas Maduro.

    “Waxaan hadda ku qabannay markab ku sugan xeebaha Venezuela – markab weyn, oo aad u weyn, waa kii ugu weynaa ee abid la qabto dhab ahaantii,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta Aqalka Cad.

    Xeer ilaaliyaha guud ee Pam Bondi oo sii daayay muqaal ku saabsan qabashada markabka ayaa ku tilmaamay markabka "markab saliid ceyriin ah waday oo loo isticmaali jiray in lagu soo raro saliidda cunaqabateyntu saaran tahay ee Venezuela iyo Iran".

    Caracas ayaa si degdeg ah u cambaareysay falkaas, wuxuuna ku tilmaamay fal "burcadbadeed caalami ah". Goor sii horreysay, madaxweyne Maduro wuxuu caddeeyay in Venezuela aysan weligeed noqon doonin "mid shidaalkeeda la gumaysto".