Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxaysa khasaarihii ka dhashay qaraxii Muqdisho
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii xalay ka dhacay maqaayad ku taaal magaalada Muqdisho iyo khasaarihii ka dhashay.
Qaraxa oo ka dhacay maqaayadda Luul Yemeni oo ku taal meel u dhow dekedda magaalada Muqdisho ayaa dhaliyey khasaare isugu jira naf iyo maal.
Booliiska Soomaaliya ayaa tirada dadka halkaa ku dhintay ku sheegay in Toban ay gaarayso, inkastoo hay’adaha gurmadka ded degga ah ay tiro intaas ka badan sheegeen, halka dhaawacyaduna ay 30 qof kor u dhaafayeen.
Dhaawacyada ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ay cuslaayeen, kuwaas oo qalliimo kala duwan ku galay qaar ka mid ah cisbitaallada Muqdisho.
Sida uu sheegay weriyaha BBC-da ee Muqdisho burbur xoog leh ayaa gaaray dhismaha maqayaadda iyo dhismayaasha ku agyaal, waxaana maanta Muqdisho lagu aasay inta badan dadkii ku dhintay qaraxaas.