You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dadka Afrikaanka ah ee ku xanniban Lubnaan ‘Waan rabnaa in aan baxno, mase awoodno’
Julita Jerub oo ah haweeney Kenyan ah oo da’deeda ay da’deedu tahay 30-sano jir ayaa waxa ay nolol maalmeedkeeda ka heshaa shaqooyinka guryaha ee dalka Lubnaan, waxa ayna muddo 14 bilood ah ku nooleyd xaafado ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Beirut. Dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, Yulita waxaa caado u noqday inay maqasho qaraxyo waaweyn oo aysan weligeed maqlin.
"Waxay ahayd wax laga naxo," ayay tiri Yulita. “Waxaa naloo sheegay inay ahaayeen bambaanooyin, balse waxay ahaayeen diyaarado codkooda ka dheereeya. Aad bay u adkeyd in la maqlo.”
Haddaba guuxa cirka laga maqlay wuxuu ahaa diyaarado dagaal. Israa'iil iyo kooxda Xisbullah ee Lubnaan ayaa ku dhawaad maalin kasta rasaas isku weydaarsanayay xadka tan iyo 7-dii Oktoobar, iyaga oo ka soo horjeeda colaadda u dhexeysa Xamaas iyo Israa'iil oo weli taagan.
Todobaadyadii u dambeeyeycabsida ayaa sii badatay, ayado laga baqayo in dagaalku sii weynaado, ka dib markii XIsbullah ay xaqiijisay dilka qaar ka mid ah hogaamiyeyaasheeda oo ku geer iyooday weerarro cirka ah oo ay Beyruut ka gaysteen ciidanaka Israa’iil.
Israa’iil waxaa kalo lagu eedeeyey inay ka dambeysay madaxii siyaasadda ee Xamaas ISmaaciil Haniyeh oo xilligaas ku sugnaa magaalada Te hran, taaso keentay in Iiraan ay ku hanjabto aargoosi.
Digniinaha ajaanibta
Iyadoo taasi jirto, dalal badan oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Australia, Faransiiska iyo Kanada, ayaa soo saaray digniino rasmi ah oo ay u mareen safaaradahooda iyagoo kula taliyay muwaadiniintooda inay si degdeg ah uga baxaan Lubnaan.
Laakin ka bixidda Lubnaan si uma fududa qof walba. Yulita, tusaale ahaan, waxay leedahay, waa caado in loo-shaqeeyayaashu ay ka qaataan baasaboorka shaqaalaha guriga markay yimaadaan.
Xitaa haddii shaqaaluhu uu haysto baasaboor, waxay weli u baahan yihiin fiisaha bixitaanka ee Lubnaan - dukumeenti ay tahay inuu ansixiyo loo shaqeeyaha. Tan waxaa lagu sameeyaa nidaamka kafaala-qaadka ee shaqaalaha ajnabiga ah - kaas oo khuseeya ku dhawaad 250,000 oo qof oo Lubnaan ah.
Nidaamkan kafaala-qaadka, shakhsiyaadka ama shirkaduhu waxay xaq u leeyihiin inay shaqaaleeyaan shaqaale ajnabi ah. Nidaamkani wuxuu ka dhigayaa shaqaalaha inay ku xiran yihiin loo-shaqeeyayaasha oo xaddidaya xuquuqdooda.
Mararka qaarkood, loo-shaqeeyayaasha ayaa ka faa'iidaysanaya xaaladdan. Taasi waxay keentay in dumar badan oo shaqaysta ay waayaan xuquuqdooda, oo ay aad u shaqeeyaan oo ay helaan mushahar aad u yar, isla markaana loo geysto tacadiyo jireed.
In kasta oo ay jiraan baaqyo ah in dib-u-habayn lagu sameeyo nidaamka kafaala-qaadka, haddana waxa ay weli ka jirtaa dalal badan oo Khaliijka ah.
Daniela Rufina, oo ah sarkaalka dhanka isgaarsiinta u qaabilsan ururka caalamiga ah ee socdaalka, ayaa BBC u sheegtay in mid ka mid ah mabaadi'da aasaasiga ah ee ilaalinta muwaadiniinta marka loo eego sharciga caalamiga ah ay tahay "inuu xaq u leeyahay inuu ka tago waddan kasta, oo uu ku jiro waddankii uu u dhashay" iyo sidoo kale xaqa uu u leeyahay inuu waddankiisii ku laabto.
Waxaas oo dhan, Daniela waxay tiri, haddii uu dagaal ka dhaco waddanka ay ku nooshahay, waa in dadka rayidka ah loo oggolaadaa inay ka baxaan dalkaas isla markiiba ama inta lagu jiro colaadda, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah ee bini'aadannimada.
Xiisadaha u dhexeeyay Israa’iil iyo Xisbullaah ayaa sare u kacsanaa muddo meel sare joogay muddo 40 sanno ah, markii Israa’iil qabsatay qaybta koonfureed ee Lubnaan. Dagaalkii ugu danbeeyay ee labada dhinac dhex maray waxuu qarxay sanadkii 2006, markii Xisbullaahi ay samaysay weeraro xadka gudbaya.
Arrinta Julita, dadka ay u shaqayso waxay doonayaan in ay sii joogto Lubnaan. “Waxay dhahayaan xalaadani waxay Lubnaan ka jirto sannado [badan] wax laga warwarana ma jiraa” ayay tidhi Julita oo ka hadlaysa sida dadka ay u shaqayso xaaladda u arkaan. “Annaga xaaladani waa mid nagu cusub, mana aana la qabsan dhawaaqyada qarax ee noocan ah” ayay ku dartay iyada oo qeexaysa sida iyagu; waa muhaajiriinta shaqaalaha ahe xaaladu ugu tahay mid ugub.
“Waxaan rabaa in aan gurigaygii [dalkaygii hooyo] ku noqdo]” ayay tidhi Julita oo ka warramaysa sida ay uga niyad jabtay joogitaanka Lubnaan.
Duulimaadyada oo qaali ah
Xitaa haddii ay haysaan dikumintiyadii ayku safri lahaayeen, Julita iyo kuwa lamid ka ahi ee ku shaqaalenimada guryaha waxay wajahaan caqabado ku aadan ka bixista dalka.
“Waxaa jira duulimaadyo yar, aad ayayna qaali u yahiin” ayay leedahay Julita.
Qiimaha halka tigidh ee Kenya lagusoo aadayo waxuu ku dhow yahay $1000 oo ah lacag qaali ku ah badanaa shaqaalaha guryaha ka shaqeeya.
Banchi Yimer, oo ah dhisaha urur u dooda xuquuqda dadka Itoobiya kasoo jeeda waxay sheegtay in qiimaha dadka shaqaalaha ahi ku shaqeeyaan ay tahay $150, laakiin marka la eego xaaladda sare u kaca nolosha ee Lubnaan kuwo badan ayaanba lacag qaadan sidey sheegtay Banchi.
Dowladaha Afrika oo isku diyaarinaya soo daadgureynta dadkooda
Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Roselyn Njogu, ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay bixin karto dukumeenti socdaal oo deg deg ah kuwaas oo la siin doono dadka aan baasaboorada haysan.
Njogu oo u warrantay BBC-da iyadoo u warramaysa in qorshaha daadgureynta uu socdo, dowladda Kenyana ay awood u leedahay inay bixiso duulimaadyo deg deg ah.
"Waxaan ku haynaa ilaa 26,000 oo Kenyan ah Lubnaan, kuwaas oo 1,500 ka mid ah ay ilaa hadda isu soo diwaan galiyeen na daadgureynta," Njogu ayaa sharaxay.
Afhayeenka dawladda Itoobiya Nebiyu Tedla ayaa sheegay in ay diyaarinayaan qorshayaal degdeg ah oo dublamaasiyiinta iyo muwaadiniinta Itoobiya looga daadgureynayo Lubnaan haddii loo baahdo.
Balse Banchi Yimer oo asaasay hay’ad taageerta xuquuqda shaqaalaha guryaha ka shaqeeya ee Itoobiya ayaa sheegtay in ka hor intii uusan qarxin colaadda u dhaxaysa Xamaas iyo Israa'iil ay jireen dumar badan oo Itoobiyaan ah oo ku xayiran Lubnaan oo awoodi waayay inay ka baxaan.