Somaliland: Dugsiyo u xidhmay abaarta darteed iyo kumannaan arday oo waxbarasho la'aan noqday

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa dhowaan sheegtay in in ka badan 45 kun arday oo wax ka barta deegaannadeeda ay saameeyeen abaaraha ba'an ee halkaas ka jira, kuwaas oo keenay in ay xidhmeen iskuullo badan oo ardaydu wax ka baran jireen.

Ilaa 150 dugsi oo ku yaalla gobollada Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Sool ayaa gebi ahaanba u xidhmay saamaynta ay ku reebtay abaarta ka jirta gobolladaas, iyada oo ardaydii dhigan jirtay ay ka hayaameen deegaannadaas abaaruhu ku dhufteen, sida uu BBC-da u sheegay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf.

Arday gaadhaysa 14,457 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho dhigta dugsiyada hoose-dhexe iyo sare ee deegaannada ay abaaruhu ka jiraan ayey xidhmeen dugsiyada ay dhigan jireen oo gaadhayey 150 dugsi oo u badnaa gobollada bariga Somaliland.

Wasiirka waxa kale oo uu u sheegay BBC-da in abaartan sidoo kale ay saamaysay 260 iskuul oo qaarkood qarka u saaran in ay xidhmaan.

"Marka meel abaar ka dhacdo dadkii way guurayaan, oo xoolihii ayey la guurayaan, dadkii reer guuraaga ahaa ee tuullooyinka degnaa xoolihii ayey la guureen, iyaga oo meel baad iyo biyo leh raadinaya, taasina waxay keentay in ay dugsiyo badan xidhmaan, sababaha ay u xidhmayaana waxa ka mid ah, biyihii oo dhamaanaya, dadkii oo xoolahoodii raacaya oo la guuraya, markaa saameyn balaadhan ayey ku yeelatay waxbarashadii Gobollada oo dhan, ha u sii badnaanaan Gobollada Bariga Somaliland, sida Gobollada Saaxil, Sanaag, Sool iyo Togdheer." Ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashadu.

Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, Wasiirka Waxbarashada ee Somaliland, oo sharaxaya sida ay abaaruhu u saameeyeen waxbarashada waxa uu yidhi "Waxyaabaha ay saamaysay waxa ka mid ah biyihii, macalimiinta laftoodii oo iyagu reerro lahaa ayaa markii reerahoodii abaartu saamaysay ayey iyaguna guureen, macalimiin la'aan ayey taasina keentay, ama ardaydii dhiganaysay ay guuraan ama tiradoodu aad u yaraato."

Waxa uu intaas sii raaciyey "Ilaa 410 iskuul ayey taabatay abaartu, waxaa xidhan 150 iskuul in ka badan, oo gobolladaas bariga ku kala baahsan. Illaa 14,457 arday ayey saamaysay oo iskuulladii ay dhiganayeen ay xidhmeen. Laakiin marka aynu ka hadalno sida guud ardayda ay u saamaysay waxay gaadhayaan 45,000 oo arday."

Abaarta iyo geeddi-socodkii waxbarashada

Cabdillaahi Cismaan Xaaji Axmed, oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer, oo ah meelaha dugsiyada badan oo ku yaallay abaaraha awgeed u xidhmeen, ayaa u sheegay BBC-da in 16 dugsi oo maamulkiisa hoos iman jiray oo isugu jira hoose/dhexe iyo sare ay saameeyeen abaaruhu, isaga oo xusay in sagaal ka mid ahi xidhmeen, markii ardaydii dhigan jirtay iyo macallimiintii qaarkood ay abaaruhu barakaciyeen.

"Degmada Qoryaale waxaa hoos iman jiray lix iyo toban Iskuul, oo waxbarashada tooska ah iyo kuwa dadban ah, markaa sagaal dugsi ayaa xidhan imika degmadan. Deegaannada laga hayaamay ee Iskuulladoodu xidhmayaan waxa ka mid ah Xood, Xayira, Gaadlayaal, Beeli eeday iyo deegaanno kale, waxaanay saameyn ku yeelatay macallimiintii iyo carruurtii oo reerahoodu ka guureen deegaannadaas ay dugsiyadu ku yaaleen," ayuu yidhi.

Jaamac Maxamed Cawad, oo ah maamulaha dugsiga deegaanka Gaadlayaal, oo ka mid ah meelaha dugsiyadoodu abaaruhu samaysay, ayaa BBC-da u sheegay in in ka badan afartan arday ay deegaankaas ka hayaameen, oo fasallo badan uu dugsigaasi ka mid ah ay xidhan yihiin.

Cismaan Diiriye Gaas, oo ka mid ah waaliddiinta carruurtoodu dhigan jirtay Iskuullada saamaynta abaaraha u xidhay, oo la hadlay BBC-da ayaa isna sheegay in abaaruhu sababeen in markii ay ka guureen deegaankii lahaa dugsiga waxbarasho in muddo bil ku dhow aanu waxbarasho tegin mid ka mid ah wiilashiisa oo dhigan jiray fasalka labaad ee dugsiga sare ee degmada War-Cimraan.

"Waxaan ka guurnay deegaankii aanu degnay ee iskuulka lahaa, markaa wiilkayga oo dhiganayey fasalka labaad ee dugsiga sare ee War-cimraan waxa uu raacay reerkii oo xoolihii ayuu kaxeeyey, muddo bil ku dhowna wuu ka maqan yahay waxbarashadii,"ayuu intaa ku daray.

Waxaa kale oo uu sheegay Cismaan in afar carruur ah oo uu dhalay oo da'dii waxbarashada gaadhay aanay iskuul tegin sababo la xidhiidha abaaraha soo noq-noqday iyo guuritaanka sannadkiiba hal mar ay xaaladdaha abaareed deegaanno fog fog ugu guuraan. "Ilaa afar carruur ah oo kale ayaa ii jooga oo aan waxbarasho tegin, arrimaha abaaraha ayaana saameeyey, maddaama oo sannadk kasta aan u guurno oo aan raadsanno meel biyo iyo baad leh." Ayuu yidhi.

Sidee abaarahan waxbarashada saameeyey xidhiidh ula leeyihiin isbeddelka cimilada?

Sida uu BBC-da u sheegay Dr. Jaabir Cabdillaahi Xuseen oo ah khabiir aqoon u leh isbeddelka cimilada iyo deegaanka, kana tirsan Xarunta La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee GCA, abaaraha joogtada noqday ee ku soo laab-laabanaya gobollada Somaliland oo uu ku xidhiidhiyay isbeddelka cimilada ee saamaynta ku yeeshay adduunka, waxa ay horseedeen in si toos ah u taabato waxbarashada deegaannada miyiga ee magaalooyinka ka fog.

"Waxaa muuqata in isbeddelada cimiladu keeneen in marka abaartu dhacdo dadkii deganaa deegaannada abaartu saamaysay waxay ku khasbanaayaan in ay meeshii ka barakacaan, waayo ma haystaan baad iyo biyo, markaas waxay dadkaasi u guurayaan meel ay baad iyo biyo ka helayaan."

Dr. Jaabir, waxa uu aamisan yahay sida uu sheegay in arrintan looga fikiro si ka duwan sidii hore oo dawladdu qaado tallaabooyin wax lagaga qabanayo saamaynta abaaruhu ku yeesheen waxbarashada.

"Waxyaabaha loo baahan yahay waxa ka mid ah in dadka reer guuraaga ah laga dhigo dad xoolo-dhaqato beeralay ah, si ay u nagaadaan oo aanay u guur-guurin. Waxa kale oo muhiim ah in dadkan laga taageero sidii ay ula qabsan lahaayeen abaartan soo noq-noqotay, waxaan la samayn karaa in ceelal waaweyn la qodo, Biyo xidheenno loo sameeyo, in dadka laga caawiyo in ay beero qodan karaan." Ayuu yidhi.

Muxuu yahay qorshaha qasaaradda qaxbarashadu wax kaga qabanayso saameyntan abaarta?

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, oo BBC-du weydiisay waxyaabaha uga qorsheysan wax ka qabashada saamaynta abaaruhu ku yeesheen dugsiyada waxbarashada iyo ardaydii dhigan jirtay ayaa sheegay in ay mudnaanta siinayaan sidii loo heli lahaa cunto iyo biyo ay ardaydaas helaan si ay waxbarashadooda u wataan.

"Arrintan imika taagan waxay keenaysaa in la helo quudin, si ardaydu waxbarashada ugu negaato iyo geynta biyo degdeg ah ee dugsiyada ku yaalla gobollada ugu daran abaaraha si loo hubiyo in waxbarashadu sii socoto loona ilaaliyo caafimaadka iyo nadaafadda ardayda".

Wasiirka, waxaA kale oo uu sheegay in abaaraha oo sii socdaa ay saamayn ba'an ku yeelan doonaan adeegyada waxbarashada ee Somaliland, ee Gobollada abaaruhu ka jiraan, waxaanu sheegay in haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah oo ay ka mid yihiin biyo dhaamin, barnaamijyo dhinaca quudinta ah, ay taasi keeni doono in arday badan waxbarashada ka hadhaan.

Marka laga yimaado saameynta abaaruhu dugsiyada waxbarashada ku yeesheen, waxa kale oo jira iskuullo hay'addaha caalamiga ah ay ka caawin jireen dhinaca quudinta ama raashinka, oo ay iyagana saameeyeen gargaarkii la joojiyey ee hay'addaha, sida uu wasiirku markale sheegayo, "waxaa jirtay mashaariic carruurta lagu quudiyo meelaha qaar, gaar ahaan meelaha miyiga ah iyo tuullooyinka qaarkood, taasna waxay keentay markii ay istaageen mashaariicdii laga maal gelin jiray in ay saamayso carruurtii iyo dadkii danyarta ahaa".