You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa ka dhacaya Koonfur Galbeed Oktoobar kadib?
Dood ayaa ka taagan xilliga rasmiga oo uu dhacayo muddo xileedka dowladda Koonfur Galbeed, oo heshiis bilowgii sanadkan la gaaray uu xilheynta ugu kordhiyay ilaa dhammaadka Oktoobar.
Haddaba, siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulkaas oo ay ka mid yihiin saddex guddoomiye baarlamaan oo hore, madaxweyne hore, wasiiro iyo xildhibaanno ayaa bilaabay olole ay ku dooneyaan in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu baneeyo xafiiska kahor kowda Nofeembar, iyaga oo kasoo horjeeda heshiiska Madasha Wadatashiga Qaran ee mideynta doorashooyinka heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Heshiiskaas oo loo arkay in mudada uu u kordhiyay dowlad goboleedyada qaarkood ayaa dhigayay in doorashooyinka madaxweyne iyo madaxweyne xigeen ee dowlad goboleedyada in la qabto dhammaadka Bisha Nofeembar ee sanadka 2024.
Hadaba, Agaasimaha Madaxtooyadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dhawaan ka degay Xuseen Sheekh Maxamuud, oo xilka oo ah xildhibaan hore, iyo murashax madaxweyne oo Koonfur Galbeed kasoo jeedda ayaa BBC uga waramay diidmadooda iyo waxa u qorsheysan kadib dhammaadka bisha Oktoobar. Waxa uu u waramay Muxyadiin Rooble, tifaftiraha BBCSomali.