You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxay Soomaaliya ka faa'iidaysaa go'aannada laga soo saaray shirka horumarinta beeraha ee Afrika?
Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa shir caalami ah oo looga hadlayay hormarinta beeraha wuxuu shalay ugu soo gabagaboobay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda. Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayay horumarinta beeraha iyo nidaamka cuntada, taas oo ah isha ugu muhiimsan ee ay ku nool yihiin dadka qaaradda.
Madashaan oo maalmihii la soo dhaafay ay fadhiyeen wasiirrada beeraha dalalka Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa aad loogu gorfeeyay fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee qaaradda Afrika.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shirka ka qayb galay ayaa BBC-da uga warbixiyay muhiimadda shirkaan uu Afrika u lahaa. "Muhiimadda shirka uu lahaa waxaad ka garanaysaa sida la iskugu yimid, muddada saddaxda casho oo uu shirku socday, maalin waxaa shiray wasiirada beeraha qaaradda Afrika, maalintii ku xigtay waxaa shiray wasiirada arrimaha dibadda, maalintii saddaxaad waxaa shiray madaxweynayaasha qaaradda Afrika," ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu gaarayay axdiyo iyo go'aamo adag oo la xiriira wax soo saarka cuntada iyo nidaamka soo saarista ama kordhinta tacabka.
Dhanka kale wasiirka ayaa tilmaamay in dunida dhan ay isku xiran tahay ayna soo wajahday cunto yari ka dhalatay isbaddalka cimilada iyo saamaynta dagaallada ka jira dunida.
"Adduunka hadda waxa u uku jiraa laba marxaladood oo kala ah colaado ka soo bilowday Ruushka iyo Ukraine, iyo colaadaha bariga dhexe, kuwaas oo qalqal galiyay waxsoosaarkii cuntada ee dunida, iyo qodobka labaad oo ah isbadalka cimilada oo isna saamayn xun ku yeeshay dunida dhan".
Shirka ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo la isku raacay oo ay kamid yihiin in la hormariyo nidaamka iyo qorshayaasha qaran ee cuntada in boqolkiiba toban daqliga dalalka Afrika loo qorsheeyo waxsoosaarka cuntada iyo in hay'adaha madaxa bannaan iyo ganacsatada ay ka qaybqaataan waxsoosaarka cuntada iyo qodobo kale oo muhiim u ah kordhinta cuntada qaaradda iyo guud ahaan dunida iyada oo la hiigsanayo sanadka 2063 sida uu BBC-da u sheegay wasiir Maareeye.
Maxay Soomaaliya ka faa'iidaysaa?
Wasiir Maareeye ayaa BBC-da uga warbixiyay waxyaabaha ay Soomaaliya ka faa'iidayso shirka hormarinta beeraha ee Afrika.
"Waxa ay ka faa'iidaysaa aragtida aan soo qaadanay ee iskaashiga lagu kordhinayo cuntada iyo wax soosaarka beeraha, iyo khibradda, waxaa kale oo aan codsanay in hay'ad ka shaqeysa cunto badbaado leh oo ka tirsan Afrika Soomaaliya la keeno, maadaama aan meel muhiim ah uu dalkeenna ku yaallo," ayuu yiri wasiirka.
Bogga madaxtooyada Soomaaliya oo lagu baahiyay qoraal iyo masawirro ku saabsan shirka hormarinta beeraha ee Afrika ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay shirka uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlayo ujeedka shirka iyo Soomaaliya waxa ay uga dhigan tahay.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa'iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka".
Shirka oo lagu gaaray istiraatiijiyad 10 sano ah iyo qorshe hawleedka lagu hirgelinayo barnaamijka horumarinta beeraha ee Afrika (CAADP), ayaa gabagabadii laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin in dalalka Afrika ay ka go'antahay inay xoojiyaan wax soo saarka cuntada waara iyaga oo kordhinaya wax soo saarka beeraha 45 boqolkiiba illaa 2035 iyo hoos u dhigista khasaaraha boqolkiiba 50.
Sidoo kale waxaa la isku raacay in kor loo qaado maalgashiga iyo maalgelinta dhinaca beeraha, iyada oo la doonayo in sanadka 2035-ka la ururiyo 100 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.
CAADP waxaa la aasaasay sanadkii 2003, ujeedka ayaana ahaa si loo joojiyo gaajada iyo la dagaallanka saboolnimada, bilowgii dalalka Afrika waxay ballanqaadeen inay 10% miisaaniyaddooda qaran u qoondeynayaan beeraha, iyadoo diiradda la saarayo kordhinta maalgashiga cuntada.
Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa isugu yimid in ka badan 2,000 oo ergo ah, oo ay ku jiraan khubaro dhanka beeraha ah, wasiirro iyo madax ka kala socotay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Midowga Afrika, waxaana looga hadlay caqabadaha qaaradda iyo mustaqbalka ee dhinaca beeraha.