Wuxuu ahaa darbijiif balse hadda waa wakiil Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay

Waxaa loo yaqaan in uu yahay diblomaasiga ugu da'ada yar Afrika ee ku hadla afaf badan. Labo sano ka hor markii uu jiray 23 sano ayuu sideed dal oo Afrikan ah wakiil uga noqday Qaramada Midoobay.

Maxay ku qaadatay in uu ka gudbo raadinta nolol maalmeedka ee uu gaaro heer qof u dagaallama in codka qaarada la maqlo? Sidee ayuu halkan ku yimid? Wareysi lala yeeshay ayuu intan kaga hadlay.

Magaciisu waa Charinnat Hariff. Hadda waa 25 jir, waxa uuna xusuustaa dhibaatadii uu soo maray markii uu ciyaalka ahaa.

Afar sano markii uu jiray ayuu noqday ciyaalka dariiqyada taagan. Markaas waxa kaliya uu ku fakarayay waa maxaad cuntaa. Maanta xaalka sidaa waa uu uga duwan yahay

Waxa uu ku dhashay Mooyaale. Dhibaatooyin badan ayuu soo maray markii uu yaraa.

"Sida carruurta kale uma soo korin, sababo jiro dartood, waxaan soo barbaaray hooyo iyo aabo la'aan, nolol niyad-jab ah ayey aheyd balse isma dhiibin," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in uu jidadka ku noolaa sida agoonta isaga la midka ah. Ma jirin cid caawisa.

Taageero uu ka helay macalimiintiisa iyo qaar ka mid ah dadweynaha isaga u naxariisanayay ayuu ku bartay ilaa iyo fasalka afaraad.

"Marna kama labo-labeyn in aan waxbarto, maxaayeelay waxaan aaminsanaa in tacliinta ay tahay jidka kaliya ee dhibaatada looga bixi karo," ayuu yiri.

Sagaal sano markii uu gaaray ayuu ku dhex dhuuntay lo' laga qaaday Mooyaale, kaddina wuxuu sii galay Nairobi.

Noloshada Qaxootinimada

Kaddib markii uu gaaray Nairobi, Charinnat, wuxuu galay xero qaxooti. Halkaas ayey nolol uga bilaabatay.

"Markii aan joogay Mooyaale, qofna kama garaneyn, sababta aan uga tagay waxay aheyd waxaan maqlay caruur ayaa Nairobi aaday iyo magaalooyinka kale ee Kenya si ay nolol u helaan".

Markii aan Nairobi imid, waxaan iska fadhiistay jidka, qof ayaa isoo kaxeeyay oo igu wareejiyay Qaramada Midoobay," ayuu yiri.

Sawaaxiiliga, Ingiriiska iyo luuqada kale ayuu degdeg u bartay, wuxuuna dhexgalay bulshada si uu nolol u sameysto isagoo sameynayay shaqooyinka fudud.

Luuqado kale oo badan ayuu sidoo kale ku hadlaa. Hadda wuxuu yaqaan ilaa lix luuqadood oo ay ku jiraan Faransiiska, Ingiriiska, Sawaaxiliga, Axmaariga iyo Tigrinya. Ku hadalka luuqadaha wax badan ayey u fududeysay. Charinnat wuxuu sheegay in ay adag tahay in lagu noolaado xero qaxoti.

"Ma ahan meel lagu noolaado, dhibaatooyin badan ayey u leedahay ilmo yar oo sida anigoo kale ah kaas oo aan qoys la socon".

Intii uu shaqeynayay ayuu sii watay waxbarashada, waxa uuna gaaray ilaa fasalka 7-aad. Intaa wixii ka dambeeyay, wuu awoodi waayay.

Lix sano kaddib ayey xaaladiisu isbadashay. Hal subax ayey soo gaartay fariin noloshiisa badashay.

"Mareykanka ayaad aadeysaa toddobaadkan ee diyaar noqo," ayey aheyd fariinta uu helay. Wuxuu sheegay in hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa kaalmeeyaan carruurta isagoo kale ah oo aan laheyn waalid la socda, taasina waa sababta ay ii siiyeen fursada koowaad.

Wuxuu wakiil u noqday dhallinyarada Afrika

Xitaa markii uu Mareykanka tagay maskaxdiisa kama bixin xaaladii uu soo maray, riyo ayey la aheyd.

"Waa rumeysan waayay in aan Mareykanka tagay ilaa afar bilood markaas oo aan dagay, hadii laga qaado xero qaxooti oo lagu geeyo magaalo sida New York oo dabaqyo dhaardheer ah leh, waad naxeysaa".

Wuxuu bilaabay in uu habeenkii waxbarto, maalintiina uu shaqeysto. Arrintaas waxaa kula taliyay nin oday ahaa oo ku yiri Mareykanka wuu ku nooleynee ama wuu ku dilaa.

Kaddib wuxuu galay jaamacad, wuxuuna bartay siyaasada iyo sharciyada. Sanadkii ugu horeeyay ee jaamacada wuxuu ka qeybgalay shirar badan halkaas oo uu kaga hadlay xaalada muhaajiriinta Afrika iyo dhibaatada ay dhallinyarada Afrika la kulmaan.

Charinnat hadda waxa uu wakiil u yahay dalalka IGAD ee kala ah Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Suudaanta Koonfureed, Sudan, iyo Uganda.

Inkastoo uusan marna noloshiisa ku fakarin in uu gaarayo heerkan, hadana wuxuu sheegay in uu ka shaqeynayo aragtida dalkiisa iyo tan qaarada.

Wuxuu kaloo sheegay in fariinta uu u dirayo dhallinyarada qaarada ay tahay hore u socda oo dib yaan loo noqon.

Afrika waxay leedahay dhallinyaro karti iyo aqoon leh balse ma jiraan ayuu yiri fursado ay meel ku gaaraan.

Dalalka Afrika waxay u baahan yihiin ayuu yiri dhallinyaro marka dhibaato dhacdo. Charinnat wuxuu kaloo sheegay in uu tagay dalal ka badan 50 isagoo la hadlay dhallinyarada.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in fursado loo abuuro dhallinyarada doonaya isbaddel, waana in la maqlaa codka dhallinyarada. Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo sidii ay ugu lug lahaan lahaayeen siyaasada iyo diblomaasiyada.