Maraykanka oo mar kale Daacish dul dhigay $10M. Maxay tahay sababta

Xigashada Sawirka, al-kataib
Dawladda Mareykanka ayaa ku yaboohday cadad lacageed oo dhan 10 milyan oo Doollar iyo dib u dajin ay ku abaalinayso cidda xog ka keenta nidaamka maaliyadda ee Ururka Daacish.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in kooxda Daacish ee ka hawlgasha Soomaaliya ay maamulaan nidaam maaliyadeed oo lacaguhu ay ka soo galaan jihooyin kala duwan. Waxa ay intaasi ku dartay in hababka ay kharashaadka u ururiyaan ay ka mid tahay baadda, lacag dhaqista, afduubyo madax-furasho ah, iyo ka ganacsiga hubka.
Falalka budhcad-badeenimo ee laga fuliyo badaha iyo kaluumaysiga sharci darrada ah ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in uu ka mid yahay ilaha dhaqaale ee Daacish uu dhaqaaluhu ka soo galo.
Qaab kale oo ururka Daacish uu ka macaasho ayaa warbixintu ay ku sheegtay lacagaha caddaanka ah, xawilaadaha mobayllada iyo nidaamka cryptocurrency-ga.
Cunaqabataynta saaran madaxa maaliyadda Daacish
Laba sano ka hor ayay ahayd markii Xafiiska Xakameynta Hantida Dibadda ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee kooxda Daacish ee Soomaaliya, kooxdaas oo ka jirta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in Cabdiweli Maxamed Yuusuf uu door muhiim ah ka qaatay gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibka ah agab iyo saanad ciidan isagoo wakiil uga ah Daacish-Soomaaliya oo uu u qaabilsanaa bixinta dhaqaalaha iyo hagidda laamaha iyo shabakadaha Daacish ee ku yaalla qaaradda.
Cabdiwali ayaa tan iyo sandkii 2019-kii xubin muhiim ah ka ahaa Daacish-Soomaaliya, wuxuuna la kulmay oo warbixinno siiyey madaxda kale ee Daacish ee Soomaaliya, oo uu ku jiro C/qaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo horey Mareykanku uu ugu soo rogay cunnaqabateyn.
Cabdiweli ayaa mas'uul ka ahaa maamulidda qayb wayn oo kamid ah dakhliga ay soo saarto Daacish-Soomaaliya, isagoo fududeeyay isu-gudbka Daacish oo dalal kala duwan ka jirta. Wararka qaar waxay sheegayaan in Cabdiweli ay Maraykanku qabteen bishii Luulyo ee sannadkan.
Muxuu ballan qaadkan lacageed ee maraykanka uu ka dhigan yahay?

Xigashada Sawirka, Axmed Kaboole
In Maraykanku abaalmarin lacageed oo gaareysa 10 milayn oo dollar uu siin doono qofkii soo sheega dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee Daacish maxaa xiligan kusoo beegay ayaan weeydiinay Axmed Kaboole oo ah qabiir ka faallooda arimaha amaanka, waxana uu kaga jawaabay in tallaabdani ay laba fasiraad leedahay kuwaas oo kala ah in Daacish ay korriimada iyo jiritaankeeda geeska Afrika ay khatar tahay taas oo muujineysaa in Maraykanku uu hadda usoo jeestay kadib dagaalkii ka dhacay Puntland.
Tan labaad ayuu ku sheegay Axmed Kaboole in Daacish ay meel gees ah ka joogaan Soomaaliya oo aanay joogin magaalooyinka waaweyn, waxayna Al-shabaab ay uga beddelan yihiin buu yiri qaabka ay maaliyadda ku helaan sida in ay canshuur ka qaadaan dadka " dhaqaalahoodu waxa u ku soo galaa qaab qarsoon" ayuu sheegay Kaboole oo intaas ku daray in laga yaabo in uu uga yimaado dibadda ama xiriiro kale oo ka duwan taas.
Kaboole wax uu sheegay in dhaqaaluhu uu ku soo gaaro Daacishta Somaaliya qaabka ay ku soo galaan jihaadiyiinta ka yimaado bariga dhexe iyo waddamada kale ee ah Galbeedka Afrika .
Talaalabadan Maraykanka ee ah in ay abaalmarin lacageed ku bixiyaan si loo ogaado qaabka ay Daaciishta Soomaaliya ku helaan dhaqaalaha ayaa u muuqata in Maraykanku ay raadinayaan oo ay ku dhibban yihiin sida ay Daacish lacagtu ku soo gaarto madaama ay hub haysataan, intaasna ay dagaallamayaan.
"Waxa ay raadinayaan raggan dagaallamaya dhaqaaluhu intuu kasoo galaa ma badda ayuu kasoo galaa, Xuutiyiinta miyaa hubka siiya, dowlado kale miyey xiriir la leeyihiin oo lacagta siiya, mise qaab kale ayey ku helaan'' ayuu yiri kaboole oo intaa ku daray in marka ay xiriirkaas helaan kadib ay donayaan in cilmi baaris laga sameeyo.
Axmed Kaboole waxa uu sheegay in xuduudaha Soomaaliya ay furan yihiin maadaama dowladda Soomaaliya aanay weli lahayn awood xoog leh oo ay ku xakameeyso .
"Waxa kale oo hadda timid lacagta Crypto Currency oo ah lacag looga soo diri karo dibadda taas oo aan raad lahayn oo aan la ogaan Karin, lacagna ay ku heli karaan'' ayuu yiri Kaboole oo intaas ku daray in ay jiraan dad qarsoon oo weli uga shaqeeya gudaha Somaaliya, dadkaas oo ah buu yiri kuwa ay Maraykanku doonayaan in ay ogaadaan.
Haddaba Abaalmarintani ma tahay mid wax ka tareysa la dagaallanka Daacish ee Soomaaliya ?
Maraykanku horey waxa ay Soomaaliya uga sameeyeen abaal marino lacageed oo kuwan oo kale ah taas oo ay dul dhigeen rag Daacish ka tirsan ama Alshabaab , haddaba abaal marinadaasi ma shaqeeyeen, middan cusubse ma laga yaabaa in ay shaqeyso oo ay waxtar yeelato?
Ilaa iyo hada ma jirta qolo ku guuleeysatay intii Daacish ay ka howlagalayeen Soomaaliya lamana arag in qof Daacish ah inta la soo qabtay abaalmarintii lagu wareejiya qofkii soo sheegay, taasina waxa sabab u ah buu yiri Kaboole in aan dadku galaangal u lahayn Daacish ama Alshabaab maadaama ay aad isku ilaaliyaan bulshadana aanay soo dhex gelin.
"Marka lacag la dul saaro awalba iyagoo duurka ku jiray waa ay ku sii adkaaneeysaa in xogohooda la helo ama wejigooda la aqoonsado maadaama ay wejiga duubtaan'' ayuu yiri Kaboole oo sheegay in tallaabadani ay tahay dadaal ay sameyneyso dowlada Maraykanka si ay u ogaato dhaq-dhaqaaqa maaliyadeed ee Daacish.
Soo ifbixii Daacish ee Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda isku magacowday Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam waxa ay si rasmi ah u soo shaac baxday sannadkii 2014-kii markaas oo ay qabsatay qaybaha ugu badan ee dalalka Suuriya iyo Ciraaq, ka hor intii aanay lumin gacan-ku-haynta deegaannadaasi, kaddib hawlgal uu Maraykanku hor boodayo oo lagu qaaday.
Inkasta oo khasaare laxaad leh uu soo gaadhay ururkan, haddana taasi ka ma hor istaagin in Daacish ay weli ahaato khatar amni oo aan la dhayalsan karin. Ka gadaal markii loogu awood sheegtay Bariga Dhexe, waxa ururku uu bilaabay in saldhigyo hor leh uu ka raadsado waddamo ay qaarkood ku yaallaan Afrika sida waddanka Mozambique iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.
Si gaar ah, buuraleyda Golis ee dalka Soomaaliya ayaa noqotay meel ay saldhigyo ka samaytaan Ururka Daacish oo si rasmi ah loo bartay sannadkii 2015-kii. Inkasta oo tiradoodu ay ku bilaabantay kooxo tiro yar oo beeco la galay hoggaamiyihii guud ee ururkaasi Abu Bakar Al Baqdaadi, haddana dagaalyahannada ku soo biiraya ayaa si weyn u soo badanayay sannadihii la soo dhaafay, gaar ahaan laga soo bilaabo 2019-kii.
Gacan-ku-haynta buuralayda muhiimka ah ee Cal Miskaad ayaa dhalisay dagaallo dhex mara labada urur ee Daacish iyo Alshabaab, oo markii dambe Alshabaab looga adkaaday. Buuralaydaas ayaana ilaa hadda ah xarunta ugu weyn ee ISIS ay kaga sugan tahay gudaha Soomaaliya.
Markii uu talada Daacish qabtay Cabdiqaadir Muumin, oo ahaa macalin qur'aan hore u degganaa Ingiriiska iyo Iswiidhan, oo hore uga soo goostay lana dagaallamay ururka Alshabaab ayaa kooxdu waxa ay gaadhay awood ahaan heerkeeda ugu sarreeya iyada oo ajaaniib badan ay ku dhiirradeen in ay siyaabo kala duwan ku soo galaan gudaha Soomaaliya.













