Kenya oo qaxootiga u qabatay in ilaa dhamaadka Oktoobar ay baasaboorrada dalalkooda celiyaan ama qaxootinimada ka tanaasulaan

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa dhawaan soo saartay amar dhigaya in loo baahan yahay in dadka qaxootiga iyo magangalyo doonka ah ay muddo 30 maalmood ah dib ugu celiyaan dukumentiyada lagu safro.

Go’aanka ayaa soo baxay, kaasoo jawaab u ah warar sheegaya in qaxootiga qaarkood ay isticmaalayaan baasaboorrada dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan si ay ugu safraan meelo Kenya ka baxsan, “waxayna taasi dhalisay walaac la xiriira falal wax is dabamarin ah.

Qoraal uu soo saaray mas’uulka arrimaha qaxootiga u qaabilsan Kenya John Burugu ayuu ka digay in haddii lagu guuldarraysto in loo hogaansamo amarka ay taasi keeni doonto cawaaqib ba’an oo dhanka sharciga ah, kaasoo ay ku jiraan in la baabi’iyo qaxootinimada qofka, ayna dhici karto in qofkaas dalka laga ceyriyo.

“Xaaladaha dhawaanahan soo baxay iyo walaaca la xiriira baasaboorrada ay bixiyaan dalalka asal ahaan uu qofku ka soo jeedo, ayaa waaxda adeegga qaxootiga (DRS) waxay soo saartay amar maanacaya isticmazlka baasaboorrada noocaas ah ay isticmaalaan qaxootiga”.

“Talaabooyinkaas waa kuwo waafaqsan qaybta 17aad ee sharciga qaxootiga” ayuu yiri mas’uulka.

Wuxuu intaa ku daray in qaxootiga bixiya xog been ah ama wax ka beddela xog aad muhiim u ah xilliga codsigooda ay sidoo kale wajihi doonaan inay waayaan qaxootinimadooda.

Waxaa kale oo xusid mudan in haddii la helo caddayn la xiriirta in qofka si khaldan loogu aqoonsaday qaxootinimo, dib loogala laaban doono qaxootinimada, wuxuuna hoosta ka xariiqay sida ay xukuumadda uga go’na tahay inay ilaaliso sharafka hanaanka qaxootinimada.

Qaxootiga ayaa iyagana laga codsaday inay amarkan u hogaansamaan si loo xaqiijiyo in xuquuqdoodu noqoto mid la ilaaliyo marka la eego shuruucda caalamiga ah iyo sharciga qaxootiga ee 2021.

Mas’uulkaas ayaa u xaqiijiyey qaxootiga in bedqabkooda iyo ladnaanshahooda ay muhiimad weyn u leedahay xukuumadda.

Haddaba qaxootiga ugu badan e ku jira xeryaha qaxootiga ee Kenya ayaa u badan Soomaali sababo kala duwan uga soo barakacay Soomaaliya, haba ugu badnaadeen kuwo ka soo qaxay amni darrada iyo qaar ay soo bara kiciyeen abaaraha soo noqnoqday.

Badankood waxay dadkaas qaxootiga ah ku nool yihiin xeryaha qaxootiga Dhadhaab, halka ay tiro qaxooti ahna ku nool yihiin xerada qaxootiga.

Haddaba Xubno ka socda dawladda Kenya aya la kulmay hogaamiyeyaasha Soomaalida ee xeryaha qaxootiga, waxayna kala hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa amarkaas, ayadoo Soomaalida dhankoodana ay soo jeediyeen qaabka ayy arrintaas ula muuqato.

Cabdullaahi Cali Aadan waa guddoomiyaha xerada qaxootiga Dhagaxley wuxuu BBC u sheegay in dadka la kala doorransiiyey inay baasaboorkooda haystaan oo dalka ay sharci ku joogaan ama ay iska wareejiyaan baasaboorka. “Ujeedada ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay ku biirtay bulshada bariga Afrika, waana laba sharci oo is diidaya in qofka uu baasaboorkiisa ku joogo ama uu qaxootinimo ku joogo” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu intaa ku daray ay hoosta ka xarriiqeen in aysan qof walba u sahlanayn in uu baasaboor helo ama helo dukumentiga lagu safro ee qaxootiga, sida darteedna “waxaan codsanay ilaa uu ka dhaqan galayo sharciga qaxootiga ee 2022 uu baarlamaanka Kenya ansixiyey in dadka loo ogolaado inay baasaboorkooda sii haystaan waayo waxaa qaxootiga ku jira dad ganacsato ah, waxaana ku adkaanaysa inay magaalooyinka u kala socdaalaan. Sidoo kale ma sahlana ruqsadda socodka ee qaxootiga” ayuu yiri Cabdullaahi.

Cabdullaahi Cali Aadan wuxuu intaa ku daray in wakhtiga loo qabtay oo ku eg dhamaadka bishan uusan ku filnayn dadka qaxootiga ah ee baasaboorrada haysta inay uga tabaabushaystaan. “Culaysyada na haysta waan u sheegnay wakiillada dawladda, wayna na dhegeysteen, waxayna noo sheegeen inay nagu soo noqonayaan” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi.

Dhinaca dawladda Soomaaliya ayuu sheegay in aysan arrintan ka wada hadlin, laakinse todobaadka soo socda ayuu sheegay inay qorshaynayaan in ay mar kale mas’uuliyuiinta Kenya la fariistaan si wakhti dheeraad ah loo siiyo.

Soomaalida marka laga yimaado waxaa jira tiro qaxooti ah oo ka soo jeeda dalal kale oo iyagana ku sugan xeryaha qaxootiga ee Kenya.