Xiriirka u dhaxeeya cimriga gaaban iyo carruurta badan iyo dhalmada Soomaalida

Waalidiintu waxa ay inta badan ku kaftamaan in carruurtu ay noloshooda ka jartay sannado intii ay la tacaalayeen daryeelkooda, marka carruurtu xanaaqaan, cunto diidaan ama hurdo diidaan, badanaa waxaa la isticmaalaa tusaalaha ''nolol badbaadiye''

Laakiin daraasad cusub ayaa soo jeedinaysa in aysan tani ka fogayn runta.

Falanqeeynta diiwaanada taariikhiga ah ayaa muujisay in nolosha qaar kamid ah hooyooyinka ay gaabin karto ilaa lix bilood carruur kasta oo ay dhalaan, iyada oo haweenka ku nool deegaanada ugu adag ay yihiin kuwa la kulma saamayntan.

Cilmi-baarayaasha ku takhusasay hiddo-sidaha ayaa baaray diiwaannada dhalashada iyo dhimashada 4,684 haween ah kuwaas oo noolaa intii lagu guda jiray macaluushii ba'need ee Finland intii u dhaxaysay 1866 iyo 1868.

Dr. Euan Young oo ka tirsan jaamacada Groningen ee Netherlands ayaa ugu yeeray ''mid kamid ah macaluushii ugu naxdinta badnayd ee taariikhda Yurub dhowaan.''

Dr Euan Young iyo kooxdiisii (Prof. Hannah Dugdale, Prof. Virpi Lumma iyo Dr. Erik Postma) ayaa helay in haweenka dhalayay xilliga macaluusha filishada nolosha ay hoos ugu dhacday lix bilood carruur kasta oo ay dhaleen.

Natiijooyinka ayaa muujiyay in hooyooyinka ay u beddeleen taranka tiro badano oo tamar ah, halkii ay uga isticmaali lahaayeen dayactirka unugyada jirkooda, taas oo kordhinaysa halista cudurada mustaqbalka.

Si kastaba, lama helin xiriir u dhaxeeya nolosha haweenka iyo iyo tirada carruurta kuwa noolaa kahor iyo ka gadaal macaluusha.

''Waxaan kali ah ka arki karnaa xiriirkan haweenka da'da taranka ku jira inta lagu guda jiray macaluusha,'' sida uu yiri Dr. Young.

Tani waxaa ay muujinaysaa in deegaanka ay haweenku ku nool yihiin sanadaha xilliga ay dhalaan ay tahay arrin muhiim ah.

Maxay carruurtu u saameeyaan cimriga?

Sidaa darteed maxay tani u dhacday?

Hal sharaxaad oo arrintan ku saabsan ayaa noqon karta in saamaynada caafimaad ee muddada dheer ay uga sii darto xaaladaha adag ee deegaanka.

Waxaa muddo dheer la ogaa in hooyooyinku ay khatar sare ugu jiraan cudurrada wadnaha iyo dheefshiidka sababo la xiriira kororka miisaanka qayb ahaan iyo cadaadiska jirka.

''Waxaa sidoo kale jira sharraxaad ah in dhab ahaantii howsha daryeelka carruurta, naasnuujinta iyo uurka inta lagu jiro ay sababto tamarta hooyada oo yaraata'' ayay ku dartay.

Uur qaadista ama naasnuujinta ayaa u baahan tamar badan, taasi oo la micno ah inta lagu jiro macaluusha, hooyo ugub ah ay yeelanayso tamar yar si ay u ilaaliso hawlaha jirka ee ka hortaga cudurada mustaqbalka.

''Waa suurtagal in [saamaynada caafimaad] ay ku sii xoogaysato meelaha haweenku ay carruur badan ay dhalaan oo laga yaabo in aysan helin waqti ku filan oo ay ku soo kabtaan kahor ilmaha xiga,'' ayuu yiri Dr Young.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama cilmi-baaristu ay baartay xog taariikhi ah halkii laga samayn lahaa tijaabo shaybaar, Dr Young waxa uu leeyahay waa ay adag tahay in si buuxda loo qeexo sababta, waxaana suutagal ah inay jiraan dhowr sababood.

Xiriirka u dhaxeeya cimri gaaban iyo carruur badan

Natiijooyinka ayaa sidoo kale ka muuqday haweenka leh carruur badan.

Sanado badan, saynisyahannadu waxa ay ku jaahwareereen farqiga u dhaxeeya noocyada nool ee cimriga gaaban o oleh dhalmo badan, sida dooliga iyo cayayaanka iyo kuwa cimri dheeri ah leh oo dhalmo yar sida maroodiga, nibiriga iyo bini'aadamka.

Hal aragti oo caan ah ayaa ah in tamarta loo isticmaali lahaa dayactirka unugyada jirka lagu wareejiyo taranka, taas oo keenta in xayawaanka, cayayaanka iyo aadanaha ay gaboobaan.

Ma saamayn lamid ah ayaa ku dhacda haweenka xilligan casriga ah?

Sida uu sheegayo Dr. Young, ma aha dhammaan haweenka inay si siman u saameeyaan xiriirka carruur badan iyo cimri gaaban.

Haddaba, ma noqon kartaa natiijooyinka haweenka 200 oo sano kahor in ay ku haboon tahay hooyooyinka qarniga 21aad.

''Waxaynu la xiriirinaa natiijooyinkan xilliga taariikhiga ah markii nidaamyada caafimaadka casriga ah aysan sidaas u xoog badnayn,'' ayuu yiri Dr Young.

''Xilliga macaluusha 200 sano ka hor, haweenka ayaa lahaa qoys ka ballaaran kuwa maanta, dabcan celcelis ahaan afar ama shan carruur ah.''

Tan iyo 1800, tirada carruurta qoysaska ayaa hoos ugu dhacday si weyn adduunka oo dhan.

Sannadkii 2023, haweenku waxa ay dhalayeen celcelis ahaan in ka badan laba carruur ah.

Horumarkan waxaa saameeyay dhimista heerka dhimashada carruurta iyo helitaanka haweenka ee waxbarashada, shaqada iyo hababka xakamaynta dhalmada.

Laakiin wadamada sida Niger, Chad, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, haweenku si guud waxa ay u dhalaan ugu yaraan afar carruur ah.

Sannadkii la soo dhaafay, macaluul ayaa looga dhawaaqay Suudaan iyo Qaza sida ay sheegeen qaar kamid ah hay'adaha QM.

Dr. Young wuxuu ku adkaystay in cilmi-baaristu inta badan ka eegayso aragtida hidde-sidaha iyo in cilmi-baaris dheeri ah loo baahan yahay kahor inta aan la gaarin gabagabo dheeri ah. Waxaase isaga oo ka taxadaraya is-barbardhiga uu sheegay inay suuragal tahay in natiijooyinka kooxdiisu horayba looga arkay qaybo kamid adduunka maanta.