You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soomaalida Kenya oo kaalin fiican ka gashay tirada magacaabista dawladdu samaysay
Dawladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Willam Ruto ayaa siisay Soomaaldia xilal kala duwan oo ay ka siisay hay’adaha kala duwan e dawladda kuwaas oo Magacaasbis ku yimid.
Marka la eego dhanka magacaabista xilalka ay dawladdani samaysay Soomaalida waxaa ka sareeya oo kaliya qowmiyadda Kikuyu iyo Kelenjin, sidaasna waxay Soomaalidu ku noqdeen qowmiyadda saddexaad ee dhanka tirade xilalka ay dawladdani bixisay tan iyi intii la doortay.
Sida ay qortay warbaahinta dalka Kenya, qowmiyadda uu madaxweynaha dalku kasoo jeedo ee Kelenjin ayaa loo magacaabay 21 xil, si la mid ah qowmiyadda uu kasoo jeedo madaweyne ku xigaanke Kenya ayaa Iyana helay 21 magacaabis, intaas ka dib waxaa soo raaca Soomalida oo aan booska saddexaad looga baran waxayna heleen 12 magacaabis oo hay’adaha kala duwan ee dawladda ah.
Mid ka mid ah dadkaas waa Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka Kenya in bandanna soo ahaan jiray xildhbaan lagasoo doorto magaalada garisaa haddase waxaa loo magacaabay wasiirka gaashaan dhigga Kenya.
Haddaba siday ku dhacday in Soomaalidu ay hesho qaybta saddexaad ee ugu badan dhanka magacaabista shaqooyinka hay’adaha dawliga ah ee Kenya iyada oo ay jiraan qowmiyado kale oo ka badan Soomaalida dhanka codka iyo siyaasaddaba?
Kaalintan siday ku gashay Soomaalidu?
Marka la eego tirada loo magacaabay hogaanka hay'adaha iyo shirkadaha dawliga ah ee Soomaalida ee kaalinta addexaad ku jirta waxay dadku is weydiinkaraan maxay ku muteysatay Soomalidu?
Bilow oo aan suaashan weydiinnay ayaa sheegay in ay dhowr arrimood isu biirsadeen oo ay ka mid tahay in Madaxweynaha hadda uu leeyahay saaxiibbo badan oo soomaali ah iyo in si guud Soomaalida kenya loo arko bulsho aan looga maarmin dhanka ganacsiga maadaamay ay leyihiin ganacsiyo badan, waxaase intaas dheer oo uu Bilow u sababeeyay, in Soomaalidu ay tahay bulsho firin fircoon waxaana suurta gal ah in xitaa shakhsiyaad ay ku helaan ku haboonaantooda shaqada.
Dastuurka dalkan Kenya ayaa qeexay sida sida shaqooyinka noocan ah loogu qaybinayo deegaanada iyo qowmiyadaha uu dalku ka kooban yahay si loo helo dheeli tirnaan dawladeed, haseahaatee dadka kasoo jeeda qowmiyadaha qaar ayaa dawladdan iyo kuwii ka horeeyayba ku dhaliila in aanay habraacaas ku dhaqmin ayna shaqooyinka dawladda ku qaybiyaan nidaam saami qaybsi siyaasadeed ah.
hase ahaatee Bilow Keerow oo tilmaamay in Soomaalidu ay u qalanto xitaa tiro ka badan midda hadda ay heleen maadaama uu gobolku weynyahay ayaa aaminsan in dawladdu ay "boqolkiiba kontan" ay siisay labada qowmiayadood madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu kasoo kala jeedaan halka inta soo hadahay loo qaybiyay 40-ka qowmiyadood ee kale oo qabiillada qar aanay waxbaba helin.
Yaa u roonaa Soomaalida xukuumaddi hore iyo tan hadda?
Bilow Aadan Keerow oo ah barasaabkii hore ee dawlad goboleed Mandera ahna Falanqeeya ku takhasusay arrimaha siyaasadda Kenya oo aan wax ka weydiinay wuxuu sheegay in ay jiraan dhowr sababood oo horseeday in dawladdanlaga dhex arko Soomaalida siiba kaalin an laga fileyn dhanka shaqooyinka hay'adaha.
Waxaa uu qiray Bilow Keerow in dawladdani door ka duwan kii dalwddaii hore ay Soomaalida ka siisay, " Waxaad mooddaa in dalwdan madaxweyne ruto ay Soomaalidi u magacwday jagooyin ka badan kuwii dawladdi hore ee Uhuru marka la eego dhanka xog haynta joogtada ah iyo shaqooyinka kale ee dawladda," ayuu yiri Bilow aadan keerow oo BBC-da u warramay.
Haddaba marka laga yimaad dhanka wasiirrada oo dawladdani gobolada woqooyi ee dalka oo woqooyi bari ku jiro ay ka siisay hal wasiir oo kali ah, hay'adaha dawladda ee Soomaalida madaxda looga dhigay waxaa kamid ah hay'adda dawladda u qaabilsan gaadiidka ee magaceeda loo soo gaabiyo (NTSA) oo loo magacaabay Aadan Nuur Cali iyo guddoomiyaha guddiga shirkadda u xilsaaran gudbinta korontada Kenya (KETRACO) oo loo magacaabay Cabdi Bare Duale, (Cabdi waa walaalka wasiir aadan Bare Ducaale).
Balse dhanka kale waxaa dawladdan lagu dhaliilay in aanay wasiirada ka siinin Soomaalida saami ku haboon oo ay xukuumaddi Uhuru Kenyata kaga fiicnayd dhankaas iyada oo siisay ilaa saddex wasiir oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda.